Ka Cadaalad Darrada Xukumay Ee Ina Duraan Haddii Uu Siilaanyo Agtiisa Ku Mudan Yahay Hadda Ogow Ka Cadaalad Xukumayna(Xuseen Belel)Ilaahay Agtiisa Ayuu Ku Mudan Yahaye

0
34

maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa amarka ay mar labaad xayiraada ku saartay wargeyska Hubaal waxay marag u tahay Iimmaan la’aanta iyo sharaf beelka guddoomiye Cabdrashiid Duraan oo xayiraad labaad oo aan meelna haysan mar kale dusha ka saaray wargeyska Hubaal oo maxkamada gobolku ay sifaha sharciga ah kaga qaaday xayiraadii 13-ka bilood saarneyd iyo kiiskii gacan ku rimiska ahaa ee taliye Fadal iyo xukuumad ilaaliyuhu ay ku rabeen inay god madow ku hubsadaan wargeyska Hubaal  waana mid taariikhda geli doonta heerka cadaalad daro ee garsoorkii dalku marayo.

Garsoorkii  haddii tuug beedhi qaate sida Guddoomiyahan welfay ee Ina Duraan lagu aamino waxaan shaki ku jirin in cadaabtii Alle ay Ifka inoogu soo bixi doonto

cadaaladAnigu waxaan aamin sanahay islamarkaana ay in badani ila aamin sanyihiin in meesha ugu weyn ee arrimahan dabada ka wadaa ay tahay madaxtooyada oo ku amartay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan inuu sharci daro iyo tuugonimo ku tilmaamo xayiraad ka qaadidii wargeyska madaxbanaan ee Hubaal oo isagu Maalintii Isniinta soo baxay. Xeer ilaaliyaha guud waxa uu sheegay in dacwadii lagu soo oogay wali loo haysto, goobtaas dacwada lagu laalayna aanay goob joog ka ahayn cidii dacwada u haysatay iyo xeer ilaalintuba, u fiirso halkaa oo xeer ilaaliyahu waxa uu jabiyay sharcigii dalka oo Hubaal marka uu leeyahay tuuganimo ma wuxuu uga jeedaa Hubaal iyada ayaa is fasaxday? Cida Hubaal fasaxday waa maxkamad sifaha ay u fasaxdayna waa sharci markaa xeer ilaaliyahan lagu sheegayo waa xeer ilaalihii dhamaa ee qaranka waxa uu ina leeyahay maxkamada iyo sifaha sharciga ah ee ay ku fasaxday Hubaal ayaa Tuugo ah! Oo haddii sharcigii iyo maxkamadihii uu xeer ilaaliyahii dhamaa ina leeyahay waa tuugo idinkaan idiin daayaye maxaa hadhay ee aynu meesha ka sugaynaa?

Dhinaca kale Garyaqaanka u doodayay wargeyska Hubaal Sacad waxa uu bulshada u soo bandhigay warqadii samanka loogu geeyay xeer ilaalinta (Xukuumad Ilaalin) oo uu ku sexeexan yahay xeer ilaaliyahu iyo garyaqaanka oo isna dhinaca Hubaal ah iyo sidoo kale taliyaha dambi baadhis ee CID-du Daahir Abraar, iyadoo ay sidaa tahay ayaa xeer ilaaliyahu (Xukuumad ilaaliyaha) uu warbaahinta ka sheegay inaanay ogayn loona sheegin islamar ahaantaana lagu soo wargelin in waa sida uu sheegaye haddii ay maxkamada iman waayaan in maxkamadu fasaxayso wargeyska.

Xeer ilaaliye ku sheegan ayaa isagu aan xafiiskiisa intii xilka loo magacaabay wali ka soo xaadirin waxaana uu had iyo jeer hoos taagan yahay dhankaa iyo madaxtooyada oo wixii loo dhiibo uu u fududeeyo

Guddoomiyaha maxkamada racfaanka Cabdirashiid Duraan ayaa isagu ah mid amar lagu siiyo wixii dhanka madaxtooyada kaga yimaad inuu sideeda u fuliyo islamarkaana aan ahayn mid sharciga iyo shaqada uu hayo u madaxbanaan sidoo kalena aanay marnaba quluubtiisu kusoo dhicin ka cabsiga Alle maadaama hawsha uu hayaa ay tahay garsoor,garsoorkana aynu ognahay aayadaha Qur’aanka ku soo arooray, balse cabdirashiid duraan oo ku sifaysan nin adduunyo ayaa xukunada uu goynaayo ay yihiin qaar laga yaq-yaqsoodo marka loo eego mida uu ku sameeyay Hubaal oo uu mar labaad xayiraad saaray halkii looga fadhiyay inuu xayiraadii uu hore u saaray kiiskeedii uu dhaqaajiyo oo hadii dhankii wax dacwiyayay dacwadooda keeni waayeen uu isagu go’aan uu ku fasaxo wargeyska soo saaro, sidaana ay ku dhaafto haddii ay doonto ha u gudbaan qolada kiiska gacan ku rimiska ah la caraysa xagaa iyo maxkamada sare.

Markaa aan soo qaato qoraal yar oo mujaahid Cali Guray ku kala iftiimiyay labada Garsoore ee midna xayiraada ka qaaday Hubaal midna uu dib u saaray

“meel cadaaladi dhimatay ayuu cadaalad xukumay. Axmed Siilaanyo wuxuu faray ku xukun cadaalad darro Ilaahayna wuxu ina faray HADAA XUKUMAYSAAN CADAALAD KU XUKUMA. Garsoore Xuseen Axmed Jaamac Belel wuxuu noqday inta faro ku tiriska ah ee Ilaahay siduu yidhi yeeshay. Ka cadaalad darrada xukumay ee Ina Duraan haddii uu Siilaanyo agtiisa ku mudan yahay hadda ogow ka cadaalad xukumayna(Xuseen Belel) ilaahay agtiisa ayuu ku mudan yahaye.”

Waxaan u soo jeedinayaa garsoorka dalka waar Adduunyadu waa ayaamo, Aakhiro ayaa Abedan ah oo lagu waarayaaye Alle-hiin ka cabsada

Qalinkii: wakawaka

Oslo…Norwey

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here