Ka Kufriyey Jacaylkii

0
92

maanso

Tixdan oo loogu wanqalay “Ka kufriyey jacaylkii,” waxay soo baxday hilaaddii 1978-kii. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ayaa sababihii ku dhaliyay halabuurkeeda kaga warramay diiwaan-suugaaneedkiisa “Hagar-laawe,” waxaanu yidhi: “Maansadan waxa ka muuqata dhallin-yarannimo iyo dul-qaadla’aan. Waxaan ku canaantay gabadh ballan igaga baxday; oo aan ku tuhmay inay nin iga jeeb roon iga raacday. Markii arrintaasu igu timi, ayuun baan waxan u ekaaday sidii nin xalay oo dhan ku riyoonayey isaga oo janno ku jira, oo kolkii waagu beryey is arkay isaga oo gelengel jiifa. Arrintu si kasta ha ahaatee, kollay tix noocan ah ma mariyeen hadday shalay maanta ahaan lahayd.”

Waloow uu Abwaan Gaarriye sidaas qabo, mar kasta maantu shalay maaha. Sidaas darteed, bal aynu aragtidii halabuurka ee tagtadii shalay milicsanno oo aan idiin kala baxo idinka iyo heestan haaraanka badan:

Jamashooy waxba ha tarin;

Jarka debecsanaw ciir;

Ballankii jabaw dood;

Beeneey jilbaha dhigo.

Jirka gaaggaxaw baga;

Dhimo uur-jilaycaw!

Badda jiidaneey guur;

Jibintii dhacdaay yeedh;

Dib u guro Cir-jiidhkaw.

Fiintiyo jugleydaay,

Ila jiibsha heesaha!

Dadka jeebka caabuda,

U jaxaasa iimaan!

Han-yareey jawaab hoo;

Shaxdaad jeexday waan degay;

Irmaan baanay joogtaa.

Jaraan guudka kuu sudhay;

Jid kastaana kaa xidhan.

Laba-geel-jeclaantii

Hadba-doc-u-janjeedhkii,

Jillaafooyinkaagiyo

Jirjirroolennimadii,

Jaasadeeda waad heli,

Jeer dambaad ka sheekayn.

Hadday jugo ku gaadhaan

Waxba hay jadeer-wicin

Ka kufriyey jacaylkii.

*****************

Xalay jaah-wareerkii

Hurdadaan yar jiifsaday

Riyo jaan miyaan galay?

Jannadaan ladaabsaday

Kolkii jiidhku oogsaday

Jab miyaan sagootiyey?

Jabadkaan astaystiyo

Jeeskaan yagleelsaday

Hadmaa jaarku i ag dagay?

Jirradaan bogsiin laa,

Gurigaan “jiq”siin laa,

Garbadaan lahaa jiidh,

Dantaydaan lahaa jiri,

Jaan-gooyadaydaan

Is-lahaa ka jibo-keen,

Shaw dhaan jin baan waday!

Jirriddaan tallaalee

U soo jeexay laagtee,

Jeedaaladaydiyo

Jiiftada ku korin laa,

Xar baa shaw ku jeerraa!

Dusha jidhifta mooyee

Shaw dhuuxba kuma jirin!

Riyo jaadad badanaa!

Dhalanteed jimcoonaa!

Uur-jireenka murugada

Soo-jeed u daranaa!

Iska jiif lahaydaa!

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here