Mas’uuliyiinta WADDANI Oo Geed Dheer Iyo Mid Gaaban U Koray Sidii Telefishanka KALSAN Looga Joojin Lahaa Baahinta Waraysigan
Wariyihii Qaaday Waraysiga Farmaajo Oo Amar Ay Kaadiriinta Xisbiga WADDANI Dabada Ka Riixayaan Oo Lagaga Eryay Shaqadii Uu Telefishankaas Ka Hayay
Kaadiriinta WADDANI Oo Ku Fashilmay Qorshe Ka Dhan Ah Waraysi Uu Ra’iisal wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Ku Faahfaahiyey Kulan Uu Mulkiillaha Xisbigaas La Qaatay
Hargeysa:(Hubaal)-Ra’isal wasaarihii hore ee dawladda Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa si hufan u faahfaahiyey kulan qarsoodi ahaa oo toddobaadyo ka hor uu magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya kula yeeshay wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, kaas oo shaki badan bulshada geliyey, maadaama lagu soo qaaday arrimo qaran-nimada Somaliland ka dhan aha. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waraysi dheer oo uu siiyey weriye Maxamed Yuusuf Bakayle ooh ore ugu hawlgeli jirey telefishanka Kalsan tv, balse waraysigaas dartii shaqadii looga joojiyey, waxa uu ku xaqiijiyey inay kulmeen waftiga uu Cirro gadh-wadeenka u ahaa, isla-markaana ay si kooban isula soo qaadeen inay Somaliland midnimo la qaadato Soomaaliyadii ay nusqarni ka hor ka go’day. Mudane Farmaajo oo xilligan murrashax u tartamaya xilka madaxtinimada Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey inay waftiga uu hoggaaminayey guddoomiyaha WADDANI ka wada hadleen faa’iidada ay leedahay in Somaliland dib loogu celiyo midnimadii waqti hore la dhaafay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“anigu siyaasadda Somaliland iyo doorashadeeda kalamaan hadlin, Isaguna ta Soomaaliya taalla igalama uu hadlin, laakiin waxanu u wada hadalnay si Soomaalinimo ah oo walaaltinimo ah iyo guud ahaan xaaladda aanu ku jirno iyo kala qaybsanaanta iyo midnimadu faa’iidada ay lahaan karto, intaanu fadhiisanayna maanu dhexgelin si kooban baanu iskugu tuur tuurnay in la isku soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.” Waraysigaas oo su’aalo badan oo kulanka qarsoodiga ah ee labada dhinac ku saabsan lagu weydiiyey, ayuu Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku sheegay in doorashada ay labada dhinacba kuwada mashquulsan yihiin darteed aanay arrimaha hoos usii gelin,“Siyaasaddooda iyo doorashada Somaliland ka socoto iyo anigu inaan rabo inuu xisbi xisbi kale ka guulaysto maanu gelin, dareenkaasna waanu wada qabnaa, qof wal oo Soomaali ah oo horumar iyo nabad u doonaya dadkiisa runtii waa in laga hadlaa, laakiin xaqiiqda jirtaa waa iyaga laftoodu hawl bay ku mashquulsan yihiin aniguna hawl baan ku mashquul sanahay markaa inaanay arrimahaasi isdhexgelin ayey ahayd” ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Xisbiga WADDANI, ayaa dagaal adag ka galay sidii ay u hor joogsan lahaayeen waraysiga laga qaaday murrashax Farmaajo, waxana ay si weyn udiidanaayeen inay bulshadu aragto siraha ku saabsan kulankii ay la qaateen Farmaajo, waxana ay ku guulaysteen inay Telefishankii waraysigaas lahaa oo ahaa Kalsan uu gebi ahaanba waraysigaas joojiyo, isla-markaana shaqada laga caydhiyo wariyihii waraysigaas qaaday Mr. Maxamed Yuusuf Bakayle. Waraysigan ayaan u baahnayn Telefishan uu ka baxa, maadaama dunida casriga ahi fursad u siisay inuu si fudud ugu faafo dhammaanba baraha bulshadu ku xidhiidho, kuwaas oo saamaxay inuu waraysigaasi gaadho meelo fog oo adduunyada kamid ah. Bulshada reer Somaliland, ayaa iyadu weli wadaagaysa oo daawanaysa muuqaalka waraysigan faahfaahinaya xaqiiqda kulanka xisbiga WADDANI daaha saarayo ee uu la galay murrashax Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, kaas oo lagu faaqiday arrimo qaranimada ka dhan ah.