Kaftankii Kiisoobay!

0
183

W/Q: Maxamed Cabdicasiis Bootaan

 

Duullane iyo daallane waxay ahayeen saaxiibo muddo dheer soo wada koray isna dabeecad iyo dareen yaqaan. Way kaftami jireen illaa yaraantoodii oo is dacaayadayn jireen mana kala xishoon jirin mana kala xanaaqi jirin.

Maxfallada iyo madalaha dhalintu isku xifaalayso waxaa la moodi jiray inay yihiin laba nin oo isu col iyo cadaawe ah. Mar walba kaaf iyo kala dheeri, muran iyo maagis bay u ahayd. Balse xaalkoodu wuxuu ahaa ilka abeeso hoos ka xidhiidhsan iyo biya hoostood dadka lagu majara habaabinayo oo loo dabbaal-joogtaynayo.

Iminka waa la gaboobay, sidoo kale waa la kala fogaaday oo danaha iyo duruufaha adduun ayaa ninba meel ku daaduumiyay. Si kastooy tahay waa layska warqabaa oo waa asxaab iyo macaariiftii hore xilliyada la derso ama deegaantu isu keento waa laysu soo xiisaa oo sidii waayo-waayo loo kaftami jiray ayaa loo kaftamaa. Marka se la kala maqan yahay ayaa dhib taagan yahay. Saacad walba iyo daqiiqad walba afkaa laysku hayaa. Tolow miyaa lays ammaanayaa, mise laysu madax buuxinayaa, mise dadka laysaga sheekaynayaa. Mudnaan lahaydaa!

Waa lays haraamayaa, lays hiifayaa oo lays hurgumaynayaa. Mar walba afka Duullane kama dhamaato maagista Daallane, sidoo kale Daallane ma hilmaamo Duullane. Shinbir samada duulaya oo fool xun hadduu arko waa Duullane, dadkana wuxuu ka dhaadhiciyaa in bahalaha kuwooda foosha xun oo dhan Duullane lagu magacaabo, dhirta kuwooda qodaxda leh iyo kuwaan midhaha lahayna wuxuu ku naanaysaa duullane. Haddii jillab mudo ama caraancar iyo saydho qodoxeed xanuujiyaan waa u Duullane.

Kaaga darane; duullane sidoo kale haddii habeenkii dhurwaa adhiga usoo dhaco, ama dawaco neef ka cunto wuxuu maqaaxiyaha ka sheegaa in xalay Daallane usoo dhacay ama shalay daallane adhiga neef ka cunay. Hadduu awr ka lumo ama u baadi-doon orgi ama dameer yahay wuxuu dadka waydiiyaa waa Daallane ma aragteen!?

Dadka intaan aqoon way la yaabaan mana fahmaan wuxuu u jeedo. Kuwo yaqaanna si ay u hubiyaan wuxuu ujeedo waa inay suaal dib u waydiiyaan oo dhahaan noo sifee daallane; dabadeed siffaynta ay ka gartaan wuxuu doonayo awr ama orgi.

Waa dacaayad nooc yaableh ah, waa saaxiibtinimo caksi u eg, waa kaftan khaas ah oo laba nin ka dhexeeya laysagana raali yahay oo aan dhibsasho iyo karaahiyo ku jirin.

Dhacdooyin yaableh ayay sameeyeen ama kala kulmeen labadan nin dhaqankoodan gaarka ah. Qaarka ugu qosolka iyo maadda badanna waxaa ka mid ahayd markii uu Daallane hadiyad u soo diray saaxiibkii Duullane oo kiish buuxa oo alaabo ah iyo waraaq dacal dheer intuu nooli (kiro) kasoo bixiyey gaadhi soo saaray usoo dhiibay saaxiibkiis. Kadib markii kiishkii la furayna mucjiso aan la filayni kasoo baxday taasoo ahayd, inuu ahaa kiish digo (saxaro xoolaad) ah. Warqaddii markuu ula tegay qof u akhriya oo uu yidhi madal loo dhan yahay halagu akhriyo aan waxbaba ku qornayn xitaa salaan.

Dhacdo kale oo iyadu aan ku talagal ahayn ayay kala kulmeen labadan nin dhaqankoodan gaarka ah.

Waa naq-golyaad iyo doogsin-raac laysugu yimi, oo ummad badani ku kulantay. Waa maqaaxidii shaaha oo lawada fadhiyo laysna wada weji garanayn laakiin lay is tol garanayo, markii Xaar-walaal (bahal-saxarada duuduba oo kaxaysta godkiisana la gala) saalo wataa maqaaxidii soo galay. Hal marbuu ku dhawaaqay Daallane: “Aar waa kii Duullanee inaga dhex saara!!” maxaase ka danbeeyey. Madasha waxaa fadhiyey oo hadalkaasi maqlayey Duullane seediyaashii oo gabadha uu qabo ilmaadeero iyo walaalo ba u ah. Waa lays wada eegay iyadoo arrintu si kale u ekaatay, nimankii ayaa hadlay oo yidhi “Waryaa daallanoow ma ninka gabadhayada qaba ayaa Xaar-walwaal ah!?”.

Intaa wixii ka danbeeyey sheekadii waa adkaaday, meeshii kaftankana kiis baa yimi. Si xal arrintaa lama filaanka u dhacday iyo isla doonadka Alle ee ceebta iyo fadeexada looga dhacay loo xalliyo loogana dabbaasho ayaa Daallane wuxuu madashii ku bixiyey Qori uu degta ku sitay kuna xaragoonayey oo gudoonsiiyey nimankii Duullane seediyaashii. Mar haddii arrinta xaal laga bixiyo waa dhamaatay dibna looguma wada hadlo. Xaalku waa raaligelin buuxda oo gacanta laga yidhaahdo, waa heerka ugu sarreeya ee cudur-daarashada, sida xeerka soomaalidu u badan yahayna xaalka noocaas ah lama qaato ee waa la guddoomaa, waana la celiyaa.

Eeggii madashii lagu kala dareeray falanqayntii dhacdadaas ayaa muddo badan lagu foognaa. Daallane laftiisu arrintaas falanqaynteeda waxbuu ku lahaayoo wuxuu hadalkii kusoo gebagebeeyey maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd: “habeenkiina hoos baa loo hadlaa, maalintiina hareerahaagaa la eegaa”.

Dhammaad

 

Ku saabsan qoraha:

Maxamed Cabdicasiis Bootaan

Qoraa suugaaneed, iyo gabyaa Soomaaliyeed.

Master economic development

Khartoum, Sudan

Email: Aljas4me@gmail.com

Facebook: Aljasiira_4@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here