Kala Duwanaashaha Weyn Ee Udhexeeya Dagaaladii Koowaad Iyo Labaad Ee Dunida Iyo Dagaaladii Jihaadiga Ee Nebiga (S.C.W)…Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar.
Marka hore ilaahay baa mahad leh inaga dhigay umad muslim ah intaa kadib
Sidaan wada ogsoonnahay maanta oo ah 8deeda bisha may waxay dalalka yurub ay xusaan 70-sano guuradii kasoo wareegtay dagaalkii 2aad ee dunida oo runtii dadka caalamka ku nool dhaxal siiyay guul daro, aad u weyn iyo hoog,oo ay wada qirayaan mid guuleeystay iyo kii laga guuleeystayba.
Waxaa xusid mudan 1943dii raiisal-wasaarihii dalka ingiriiska ee waqtigaa hor-kacayay dagaalkaa oo la odhan jiray [lawid- george] ayaa waxa laga-sheegay inuu yidhi[haduu imanlahaa seyid ciise[nebi-ciise] caalamka oo uu arki lahaa waxa-kadhacay ee dagaal iyo dil ah kuma-noolaadeen dunida maalmo yar ee argagax ayuu udhiman lahaa ,
hadaba muxuu arki lahaa Seyid Ciise (Nebi Ciise) Ma wuxuu arki lahaa dad is Gacan qaadaya oo walaalo iyo saaxiibo is jecel ah?
Maya ee wuxuu arki lahaa dad udiyaarsan Dagaal ka adag kii hore,oo doonaya inay burburiyaan dunidaan.
Bal raajac oo aqri kitaabka (Muxuu caalamku ku qasaaray burburkii islaamka) ee uu qoray (Abul Xasan- Alnadawi) Page 192)
Hadaba hadan ka tilmaamo dhowr arimood Kala duwanaashaha dagaaladaa. .
1).Nebigeena Maxamed (S.C.W)waxaa loo soo diray inuu u naxariisto dadka Caalamka ku nool muslim iyo Gaalba sidaas awgeed Kolka uu Nebigu Ciidamo dirayo wuxuu udardaarmi jiray Taliyeyaasha Ciidamada inay ilaahay ka baqaan, iyo inayna dulmin dadka loo diray iyo Cadaalada inay ilaaliyaan., taasina waxay ku tusineeysaa diinta islaamku in ay tahay mid xaq ah oo uu ilaahay soo dejiyay.
2).Dagaaladii nebigeena uu galay waxay ubadnaayeen. Difaacid nebigu difaacayo Naftiisa iyo Muslimiintaba, Sida dagaaladii Beder,Xuneyn,Khandaq,Kheeybar,Uxud iyo kuwo lamid ah.
3)Waxaa kale oo jiray dagaalo uu ku qaaday gaalo Balamo iyo heshiisyo uga baxay Nebiga (S.C.W) oo doonayay in ay waxyeelo ugeeystaan islaamka iyo muslimiinta sida furashadii Mako, sababta keentay, dagaalkii Mu’ta, iyo Xuneyn iyo kuwo lamid ah.
Ujeedada laga lahaa dagaalada uu rasuulku qaaday waxay ahaayeen kuwo loogu gargaarayey Xaqa iyo Cadaalada, laguna Babiinayay dulmiga iyo Xad-gudubka.
Waxaa xusid mudan dadkii ku dhintay dagaaladii Jihaadiga ahaa ee uu Rasuulku qaaday Kitaabka siirada ah ee layidhaahdo (Raxmatu-lil caalamiin) ee uu qoray Sheekha Caalimka ah (Maxamed Saleemaan Mansuur fuuri) wuxuu ku yidhi [Dagaaladii rasuulka (S.C.W) oo dhan marka laga soo bilaabo sanadkii 2aad ee hijrada ilaa sanadkii 9aad ee hijrada waxaa ku dhintay Kun iyo sideed iyo toban[1018]-qof oo keliyah, Waxaa muslimiin ahaa (259) labo boqol iyo Konton iyo Sagaal. Gaaladana waxaa kaga dhimatay (759) Todoba boqol konton iyo sagaal.
Bal eeg tirada yar ee dhimatay iyo siduu rasuulku u ilaalin jiray xuquuqda nafaha Bani aadamka.
Dagaalada rasuulka wuxuu la geli jiray oo keliyah Gaalo Cadow ku ah,ee lama dagaalami jirin hadaanay Rasuulka Colaad iyo Xumaan ugeeysan.
Tusaale:
Maalintii beder nebigu (S.C.W) wuxu amar ku bixiyay inan la dilin dad uu kamid ahaa abul-bukhtari wuxu ahaa nin gaal ah oo qasab lagu soo kexeeyay oon jecleyn dagaalka muslimiinta, xitaa qabiilkii la odhanjiray quzaaca nebigu heshiis buu la ahaa iyaguna dad wanaagsan bay ahaayeen iyagoo-gaalo ahaa.
Hadaba aan eegno dagaaladii dunida 1aad iyo 2aad ujeedooyinkooga.
Waxan odhan karaa dagaaladaasi waxay ahaayeen kuwo bilaa hadaf ama kuwo ku dhisan dhul balaadhsi, damac siyaasadeed,xoolo dhicid,dhul burburin iyo fasahaad.
Tusaale yar oo kooban waxaa ku dhintay oo ku naf waayay dagaalkii 1aad ee dunida (Todoba milyan oo qof) waxaana ku dhaawacmay (21 Milyan oo qof) bal-eeg dagaalkii 2aad ee dunidana Sida uu xaqiiyay (Maxton) oo ahaa xubin kamid ahaa Baarlamaanka ingiriiska 1943-kii waxuu yidhi (Waxaa ku dhintay dagaalkii 2aad ee dunida dad gaadhaya 50-Milyan).
Necbaasha ay isu qaadeen Quwadihii dagaalamayay waxay gaadhay heer ilaa in Jarmalka Gidaar la dhex dhigo (Bari iyo Galbeed).
Magaalooyinkii [ heroshiima iyo nagasaakii] ee Jabaan ku yaalay waxaa lagu garaacay Bambooyin SUn ah oo waxaa ku dhintay dad faro badan xitaa waxaa la sheegaa ilmaha ku dhasha ilaa iminka magaalooyinkaasi inay u-badanyihiin naafo.
Cadaawada intaa la’eg bal eeg, Hadaba wadamad reer Galbeedku ha usoo noqdeen diintaan Islaamka ee wanaagsan ee ilaalineysa Xuquuqda iyo Nafaha bani aadamka hana iska daayeen Dacaayadaha beenta ah ee ay ka faafinayaan diinta Islaamka..
Wabilaahi Towfiiq
Qoraa: Ustaad Asad Muuse Kibaar
Tell: 0634453653
Email: asadmuuse03@hotmail.com