Akhri Qormo Taxanne Ah Oo Qeexaysa Sifooyinka Lagu Xulan Karo Hoggaamiyaha Ku Habboon Somaliland-ta Maanta!!!!
Hoggaamiyayaasha Hal-Adayga Leh (Strong Leaders), Kuwa Dabacsan (Soft Leaders) Iyo Kuwa Diciifka Ah (Weak Leaders), Go’aan Ka Gaadh Midka Somaliland U Baahan Tahay Xilligan
Cilmiga siyaasaddu guud ahaan hoggaamiyayaasha adduunka soo mara saddex kudladood ayuu u kala saaraa in ay ka kooban yihiin. Inkasta oo aad loo sii falkiyo noocyadooda haddana bud-dhiggu waa uun saddex kudladood oo guud. Saddexda kudladood waxa ay kala yihiin; hoggaamiyayaasha hal-adayga leh (Strong Leaders), kuwa dabacsan (Soft Leaders) iyo kuwa diciifka ah (Weak Leaders). Soomaalidu waxa ay carrabka ku dhuftaan had iyo goor in uu jiro hoggaamiye jilicsan. Ma se sugna hoggaamiyaha jilicdasan ee Soomaalidu ay tiraabtaa ka uu yahay. Ma ka dabacsan baa (Soft Leader) mise waa kan diciifka ah (Weak Leader)? Ka uu yahay waa uu soo bixi e, bal aan ku horreeya qaybtan koowaad ee qoraalka iyo kudladda hore ee waa kuma hoggaamiyaha hal-adagga badani? Kudladda hore waa hoggaamiyayaasha loo yaqaan ”Strong Leaders” oo ah hoggaamiyayaasha la yidhaa waa hoggaamiyayaal hal-adag. dhaqanka siyaasiga ah iyo sifooyinka lagu garan karo hoggaamiyayaasha kudladdan ku hoos jiraa guud ahaan waa shan sifo, walow sifooyinkaasi hadhow sii kala falliidhmaan:-
1.Sifada koowaad waa foojignaan iyo in uu hoggaamiyuhu ka war qabo xaal wal oo ku xeeran dalka uu madaxda ka yahay amma uu rabo in uu madax ka noqdo. Waa in uu yahay qof yaqaan meesha uu dalkiisu ka wakinayo iyo baahida taal nooca ay tahay. Waa in uu dhegaysi fiican leeyahay oo dhegtiisu nuxurka maali karto. Waa in uu qab iyo hiyi sare leeyahay oo uu madaxiisu kor jiro isaga oo u dan leh in uu cadowga gudaha iyo kan dIbeddaba u dardaar-wariyo. Sifooyinkaa waxa la isku yidhaa ‘Self-Aware’ amma iska war-qabid. Sida keliya ee bayaan loo gu garan karo lahaanshiyaha sifooyinkan waa in hoggaamiyuhu qudbadihiisu noqdaan kuwa maanka iyo laabta shacabka si u wada culaya.
2.Sifada labaad waa in uu halbeeg dhaqaale-dhis ujeedkiisu yahay leeyahay oo uu rabo in uu dalkiisa baahida dhaqan-dhaqaale ee haysata ka saaro. Waana in uu yaqaan halka ay sartu ka qudhuntay ee u baahan in wax laga qabto xeer, xeelad iyo xoog wax wal oo ay ku kacaysana diyaar la yahay. Sidoo kale waa in uu yaqaan waxa suura-gali kara iyo wax aan suura-galka ahayn si aanu wakhti badani uga lumin. Sifooyinkaa waxa la isku yidhaa ‘Target Driven” amma ujeeddo hagtay.
3.Sifada saddexaad waa in uu awood u leeyahay in uu bulshada kala soo dhex bixi karo intooda aqoonta leh si bilaa habrasho ah. Waa in uu yahay nimaan ciddina aaney ka bajin karin oo yaqaan waxa uu sameynayo, isla markaana aan kooxi qaflad ku qabsan karin oo maamulkiisa hadba sidii la doono shayaadiinta iyo inta sharka badani aaney uga shaqaysan karin. Sifooyinkaa waxa la isku yidhaa ‘Courageous & Venturesome’ amma geesi ku dhac leh oo khatarta si miyir qab ah ugu badheedhi kara isaga oo dantiisa tan dadkiisa iyo dalkiisa ka hormarinaya.
4.Sifada afraad waa in uu jecel yahay guusha iyo wax badsiga dalkiisa marka uu adduunyada kale wax ka goosanayo. Waa in uu yahay nin yaqaan taariikhda dalkiisa iyo waddamada jaarka la ah, isla markaana uu si fiican u ogyahay sidii siyaasiyan masaalaxa kala duwan ee mandaqadda la isku cunsiin lahaa. Sifooyinkan waxa la isku yidhaa ‘Neighbourhood-Linked and Globally Concerned’.
- Sifada shanaad waa in uu go’aan qaadan karo oo uu labaclabac iyo beer-nugayl ka dhawrsan yahay. Sifadani waa ta hoggaamiyaha noocan ahi ku qaatay magac-bixinta hal-adaygnimo (Strong). Dhanka kale siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga qarannimo go’aan qaadashada hoggaamiyaheedu waa u halbowle.
Haddii sifooyinka mihimka ah ee hoggaamiye hal-adaggi yihiin kuwa kor ku xusan, maanta Somaliland ma ka sharraxan yahay hoggaamiye calaamaadkan leh oo qarankan jilicdasan (Fragile Nation) lagu aamini karaa? Jawaabtu waxa ay la taal shacbiga codka u dareeri doona dabayaaqada sannadka oo ay u joogto in ay dalkooda u dooraan cid jiirta adag ka saari karta oo tabcaannimada qaranka haysa uga tawaabi karta.
Sifooyinka Hoggaamiyaha Dabacsan (Soft Leader)
Hoggaamiyaha dabacsan siyaasaddu waxa ay ku saaftay in uu leeyahay shan summadood oo hal midi ay faa’ido keen tahay, halka afarta kalena khasaaro keen ku yihiin dal tabcaan ah sida Somaliland oo kale. Afarta sifo goor walba khasaaro ma aha e, marka ay faa’ido keenka yihiin waa marka uu dalku yahay dal dhaqaale ahaan dhisan oo guud ahaan hay’aadkiisu si toosan oo toolmoon u shaqaynayaan. Marka hoggaamiyaha dabacsani khasaaro keenka yahay waa marka uu dalku curdin yahay, baahiyuhu badan yihiin, kala daadsanaan badan iyo hawaarsi baaxad beel ahi jiro, ee uu sharcigu shaqlan yahay shar oo dhammina shallaadayo!. Si aad u qiimayso hoggaamiyaha dabacsan marka hore aan ku horreeyo sifada koowaad ee faa’ido keenka ah oo ah kuwa dalka dhaqaale ahaan dhisani mahadiyo. Sababta oo ah, hoggaamiyaha dabacsani waxa uu heli karaa lataliyayaal xirfad iyo aqoon leh. Halka marka uu dalku liito uu gacanta u galayo haamaanno halaag ah oo uu hagaag ka dheer yahay!.
- Hoggaamiayaha dabacsani waxa uu ku wanaagsan yahay wada xaajoodka, tanaasulka, maslaxaadda iyo suuba-salaaxa hadba inta dudmo cararta iyo weliba ku xallinta khilaafaadka si baryootan ah oo dhul is dhigis ah. Ammuurtan waxa la ogaaday in ay ku habboon tahay dal keli-taliya laga riday amma dal 40% iyo wax ka sarreeya qaybsan. Somaliland se keli-taliye ma soo marin tan iyo 1991 qaybsanaan heerkaa gaadhsiisanna ma jirto. Sidoo kale hoggaamiyaha dabacsani waxa uu leeyahay sifooyin afar ah oo dal curdin ah u daran korniinkiisa, se dal dhisani uu ka samatabixi karo. Bal si fiican u akhri sifooyinka 2 ilaa iyo 4 dabadeedna qiyaas dalkaaga in hoggaamiye noocan ahi wakhtigan ku habboon yahay;
- Hoggaamiyaha dabacsani waxa uu calaashadaa hadba hadalka dhegta loo saaro! Waxa uu ku kalsoon yahay hadba inta ku xeeran oo uu aaminsan yahay warkooda. Dhegaysigiisa ayaa hafiya fekerkiisa, intaana waxa uu ruugayaa waa afkaar maankiisa aan ka unkamin. Si aad sifooyinkiisa u dheehato dhugo oo dhegayso qudbadihiisa iyo fal-celintiisa wakhtiga la warsanayo amma xaalad cakirani soo wajahdo.
- Hoggaamiyaha dabacsani go’aan qaadashadu waxa ay kaga xidhan tahay raalli ahaanshiyaha hadba inta uu talada bido. Go’aannada sida geesaha lo’da ah ee u baahan in kulaylka lagu gooyo isaga waa ay ka hor qaboobaan inta uu gaaf-wareegayo ee uu baqo goobyaalayo amma odhaah gunuunucayo.
- Hoggaamiyaha dabacsani runta oo qadhaadh waxa uu ka doorbidaa, meermeerinta iyo maanta raalli gali cid wal oo kugu kacsan amma ku rayi diidan berri mooyideeda eh.
- Hoggaamiyaha dabacsani waxa uu xushaa oo uu u habradaa inta dhaliisha, isaga oo ka cabsi qaba in ay sumcaddiisa iyo hoggaankiisa wax-yeelaan amma caqabad ku noqdaan. Haddii xaal sidaa yahay, hoggaamiyahani ma ku habboon yahay dal maamulkiisa, shuruucdiisa iyo hay’aadkiisa qarankuba ay nugul yihiin?. Si aad su’aashan uga jawaabto fadlan dhugo oo daris dalkaaga baahidiisa maanta. Dabadeedna kala xulo labada hoggaamiye (Strong and Soft Leaders) adiga oo labada qoraal hadba mid u kuur galaya dalkaagana ku dabbaqaya.
Sifooyinka Hoggaamiyaha Diciifka Ah (Weak Leader)
Hoggaamiyaha diciifka ahi ma aha inta badan mid maskaxa dadka aan dawladnimada xog-ogaalka u ahayni ay garwaaqsadaan. Waayo erayga diciif waxa uu ka turjumayaa jileec iyo liidasho shakhsi ah marka maanka siyaasadda ka baxsan lagu faaqidayo. Waana hubaal in Soomaalidu hoggaamiyahan ay u turjuman karto in uu yahay mid jilicsan. Laakiin, warkaasi waa inna waxba kama jiraan. Haddii aad maqasho hoggaamiye diciif ah; siyaasaddu si ka duwan sida maankaagu tilmaamayo oo ka baxsan amma ku cakis ah macnaha erayga diciif ayey u gaalaabixisaa. Hoggaamiyaha diciifka ah siyaasaddu waxa ay ku saaftay in uu leeyahay shan summadood oo dhammaantood lagu najaxo shanta sano ee ugu horraysa. Halka uu marka danbe ka noqdo awr heeryadii cunay. Sababtuna waa in uu wax wal oo wanaag uu dhisay uu dib u dharqanayo oo uu iskiisad la daba taagan yahay!. Si aad u qiimayso oo aad wax badan uga barato bal aan saafno sifooyinka hoggaamiyaha siyaasaddu ku suurayso diciifnimo. Halka ay Soomaaliduna u turjumato in uu yahay hoggaamiye jilicsan, laakiin dareen ahaan ku noqon kara cakis:-
- Hoggaamiyaha diciifka ahi waa ka marka ay awoodi gacantiisa soo gasho u dhalan-gaddisma wax walba oge amma fahme! Waa ka isku qaata in sababta uu Madaxweynaha u noqday in ay tahay in uu ka maskax iyo garasho roon yahay dadka intiisa kale, isla markaana ka karti iyo xiniinyo badan yahay cid wal oo talo siin lahayd.
Waayo, isaga ayaa ka sarreeya oo meel sare gaadhay, markaa qof wal oo ka hooseeyaa waxba uma ba sheegi karo. Dabeecadan iyo dhaqanka hoggaamiyayaasha diciifka ahi waxa ay la soo baxaan marka ay talada dalka qabtaan. Waxa se lagu sii garan karaa haddii aad loo gu fiirsado qofka ku danbaynaya diciifnimada noocan ah ka hor inta aanu waxba noqon waxa uu u muuqdaa miskiin dhego nugul, kalsooniduna waa ay ku yar tahay.
- Hogaamiyaha diciifka ahi waxa uu jecel yahay in la ammaano oo la bogaadiyo. Waayo dhaliisha uma adkaysan karo, dadkuna aakhirka waaba ay ka baqaan in uu wax-yeelo. Waxa uu leeyahay dabeecaddda maska oo cidda uu ka shakiyo waa uu baqasho dhagraa!
- Hoggaamiyaha diciifka ahi waxa uu aad uga baqaa wax wal oo cusub, waxa bir kaga adag in uu tijaabo cusub sameeyo amma ku dhiirado wax aan hore u jirin. Waayo isbeddelka oo dhan waa uu ka baqaa. Sababta ugu weyn ee uu sida tan u yeelayaana waa baqashada uu ka qabo in uu kursigiisa waayo, amma ay uga darto.
- Hogaamiyha diciifka ahi waxa uu soo dhaweystaa inta u nacamlayn karta ee had iyo gooraale ammaan ku wadhwadhi karta. Waxa uu cabsi badan ka qabaa cid dhaliil u sheegi karta. Cid wal oo dhaliishiisa tilmaanta markaaba geeska ayuu galiyaa, waxana uu u qaataa in ay ka xun tahay guusha uu gaadhay oo ay cadow ku tahay.
- Hoggaamiyaha diciifka ahi wax wal oo qaldama masuuliyadeeda shacabka ayuu u sibirsaaraa, guul-darrada aad ayuu uga baqaa, been badan ayuu sheegaa ballantana waa uu ka baxaa, aadna waa uu isku beddelaa oo qawlkiisu ma saldhigo.
Hoggaamiyaha noocan ahi ee sidan oo dhan u nuguli waa hoggaamiyaha ugu khasaaraha badan adduunyada. Inta hore ee uu xukunka ku cusub yahay la ma dareemo. marka se uu in muddo ah joogo ayuu heeryadiisa dib u cunaa.
Waxa nasiib wanaag ah in hoggaamiyaha noocan ah sifooyinkiisu aaney Somaliland ka dhex muuqan. Waa mid e, waxa la odhan karaa Somaliland waa ay ka xorrowday cid wal oo noocan ah. Sidoo kale waa ay ka gaashaamatay in ay god halis ah ku dhacdo markii ay ku guulaysatay nidaamka dimuqraadiga ah ee talada dalku ay shacabka gacanta ugu jirto – aakhirkana ay dadku yihiin kuwa go’aanka kama danbaysta ah leh.Mohamed Hagi Mohamoud
Qormadan Taxannaha Innoo Ahayd Waxaa Soo Ururiyey isla markaana qalinka u qaatay Aqoonyahan Mohamed Hagi Mohamoud oo ah bare jaamacadeed oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadaha dalka Ingiriiska.