Cidaanu la hadlaynaa waa cida matalaysa Dawlada Somalia halkaydoonto ha ka soo jeedee…..wasiir biixi madaarka iyo dhoofitaankii IStanbul ee wada hadalka.
,ma horfadhiisanayo Cid ka soo jeeda Deegaanada Somaliland,mana furmaayo shirku ilaa intay ka baxayaan xubnaha naga soo jeeda… wasiir Biixi Istanbul.
Wasiirka wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Mudane. Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku haftay Xilka qaranka uu uga hayo ee Wasaarada Arimaha Dibada marka loo eego Arinta Wada hadalka Somaliland iyo Somalia taas oo uu yahay Gudoomiyaha dhanka Somaliland.
wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo Xilka wasaarada hayay mudo ayaa hada u muuqda mid ku fashilmay xilka wasaarada Arimaha Dibada Somaliland,Wasiir Yoonis oo hore u ahaa sarkaalka qaramada midoobe u qaabilsan koofurta dalka Sudaan khaasatan Daafuur ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay waxa ka soo baxaayay hadalo muujinaaya hafashada xilka wasaarada Arimaha Dibada Somaliland, iyada oo ay ugu dambeysay hadalo isburinaaya oo uu ka jeediyay Aragtidiisa ku aadan Arinta Wada hadalada Somaliland iyo Somalia, gaar ahaana kuwii ugu dambeeyay ee Fashilmay isaga oo wasiir Maxamed Biixi Yoonis uu ka yidhi hadalo iskhilaafsan oo ku aadan Wada hadalka Somaliland iyo Siiba waxa laga yeelaayo Shakhsiyaadka dhalasho ka soo jeeda Dalka Somaliland, ee ku jira Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia wakhtigan.
Hadaba wasiir maxamed Biixi yoonis ayaa maalintii ay isaga waftigiisu ka duulaayeen magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland,una kicitimaayeen Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga oo ay kaga qayb galaayeen wada hadaladii Burbur ee lagu waday inya dhex maraan labada Dal ee Somaliland iyo Somalia,waxa uu sheegay mar wax laga waydiiyay mawqifkooda kaga beegan siyaasiyiinta Somaliland, u dhashay ee ku jira Xubnaha ka socda dawlada Xasan Sheekh,inay la hadlayaan dawlada Somalia ka jirta isaga oo raaciyay inay iyagu la hadlayaan cida matalaysa Dawlada Somalia,cidaydoonaan ahaadaane,waxaanu yidhi sidan.
,anagu waxaanu la hadlaynaa waa cid matalaysa Dawlada Somalia, halkaydoonaan ha ka soo jeedaane markaa ma eegayno shakhsiyaad Somaliland kaga jira.
hadalka wasiir biixi Yoonis waxa uu fashilmay ka dib maalmo yar ka dib markii uu hadana markale Qalabka Warbaahinta ka sheegay in aanay wada hadalka galayn ilaa inta Dawlada Somalia ka saarayso ergada Xubnaha Somaliland,u dhashay ee ku jira ergada ka socota dhanka Somalia,kaas oo noqday hadal beeniyay kii hore u yidhi markii uu ka soo kicitimaayay magaalada Hargaysa.iyada oo ay isdhaafsanaanta hadalkiisu shaki galisay Mawqifka Xukuuamda Siilaanyo ee wada hadalka.
isku soo wada duuboo kala hadalka Wasiir Maxamed biixi yoonis ayaa sheegaysa sida uu ugu haftay xilka wasaarada Arimaha Dibada Somaliland, balse waxa la sugaa waa waxa ku xigidoona hadalka maanta.
mustafe Axmed Herer
gobanimonews
hargeysa …Somaliland