“Jannallada Carabiga Ingiriisiga Ku Baxa ee Telefishanka QATAR Laga Leeyahay Ee Aljazeera Oo U biyo-dhaansaday Dagaal Warbaahineed Oo Somaliland Ku Wajahan” – Qalinkii A. A. Omer (WAYAB)
Inta isku bahaysata la dagaallanka qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, una tafa-xeydan xilli kasta habeen iyo maalinba si kasta iyo sifo kasta oo ay ku burburin karaan wadajirka shacbiga reer Somaliland, waxa tan iyo intii qallinka lagu duugay heshiiska saddex geesoodka ah ee la xidhiidha casriyeynta iyo ballaadhinta dekeddda Berbera oo ay maalgelineyso Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta ay isbahaysigani soo qaadeen dalkeenna weerar aan loo kala hadhin oo dhinaca Warbaahinta ah oo ku wajahan waxyeeleynta heshiiska ay wada galeen dalalka Jamhuuriyadda Somaliland, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya. Dagaalka Warbaahinta ee heshiiska Saddex geesoodka ah ee Dekedda Berbera waxa horseed ka ah Jannallada afafka Carabiga iyo Ingiriisiga ee TV-ga Al-jasiira ee laga leeyahay waddanka Qadar, waxa kaloo iyana barbarkooda dagaalka borobogaandhaha ka waday Warbaahinta Muqdisho ee ay maamulaan Farmaajo iyo Ra’iisal-wasaarihiisa iyo inta ku abtirsata labadan nin ee ku xannuunsata horumarka iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo iyaguna ka waday dagaalkan dhinaca Warbaahinta baraha bulsdhada.
Madaxda Xukuumadda, Xisbiyada Mucaaridka iyo shacbiga reer Somaliland oo midaysan ayaa iyaguna dhinacooda sutida ku qabtay dagaalkaasi, iyagoo adeegsanya Warbaahinta qaybaheeda kala duwan, iskana difaacaya borobogaandhaha iyo waxyaabaha dhallanteedka ah ee ay isku maaweeliyaan isbahaysiga lidka ku ah tallaabo kasta oo waxtar u leh shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ugu dambeysay tan ay kaga soo horjeedaan heshiiska Maalgashiga Caalamiga ee DP World ee Dekedda Berbera ee ay sida gaarka u wada galeen Jamhuuriyadda Somaliland, shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta iyo waddanka Itoobiya.
Waxa kale oo dhinaca Warbaahinta ku taageeray Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbigeedaba masuuliyiin sare oo ka soo jeeda dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo Warbaahinta uga sheegay Farmaajo iyo Kheyrre-ba in khalad iyo meel ka dhacba ku tahay inay u bu’aan Dekedda Berbera iyagoo ka xukuma Muqdisho wax ka yar masaafo Kiilo-mitirro ah, sidoo kale waxay si cad ugu sii mariyeen Warbaahinta Madaxda Muqdisho iyo Caalamka kaleba in Jamhuuriyadda Somaliland u madaxbannaantahay Qaranimadeeda iyo Maamulkeedaba muddo 28 sannadood ah oo mar kastana ay si Dimoqraadiya u dooranayeen hoggaamiyayaashooda, sidaa darteed hadal aad sii waddaan mooyee wax kale oo aad ka tari kartaan ma jirto Jamhuuriyadda Somaliland iyo heshiiska dekedda Berbera toona, annagana nama khuseeyo hadalkiinu ayey hadalka ugu soo jareen Masuuliyiintii Imaaraadka Carabta ee ka hadlay Warbaahinta oo uu ka mid ahaa madaxa ugu sarreeya Shirkadda DP World.
Haddaba dagaalkan Warbaahinta ee labadan dhinac kala ahaa ee ka dhex socday Imaaraadka Carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo dhinac ah iyo Qadar iyo Muqdisho oo isku dhinac ah waa mid siyaasadeed oo dhinacyada iska soo horjeedaa mid walba ka doonayo inuu danihiisa iyo hadafka uu leeyahay ku gaadho, waxaannu salka ku hayaa laba ujeeddo oo ta koowaad tahay qaddiyadda jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkeeda oo ah dhinac u dagaallamaya hirgelinteeda iyo gees kale oo ka dagaallamaya guusheeda, ta labaadna waa dagaalka u dhexeeya xulufada isku dhanka ah ee dalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga iyo ka dalka Qadar kalida ku yahay ee ay kala raaceen Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxda Muqdisho lagu ilaaliyo, waana labadaa ujeeddo waxa maanta dhaliyey inay Dooxa iyo Muqdisho weerar dagaal oo dhinaca afka ah ugu soo qaadaan heshiiska Maalgashi ee Dekedda Berbera ee ay wada galeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, gaar ahaana Shirkadda DP World. Sidaa darteed, waxa isweydiin mudan hadalladii 5tii March, 2018 [Isniintii] kasoo yeedhay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo xubno ay ka mid yihiin Ismaaciil Buubaa iyo Xuseen Axmad Caydiid oo iyagu ku hadlay aragti ay ku khilaafsan yihiin masuuliyiin hore ugu hadlay xisbiga, kuna deedafeeyeen heshiiska maalgashi ee Jamhuuriyada Somaliland la gashay DP World. Markaa masuuliyiintan heerka Qaran ee lagu tiriyo siyaasiyiinta hormoodka ka ah dhinaca Masraxyada siyaasadda ee Somaliland xaggeen raacinaa dagaalka laba geesoodka ee aan kor kusoo xusay? Jawaabta su’aashan waxaan u dhaafayaa bulshada reer Somaliland. Hase ahaatee, haddaan anigu yara maleeyo, waxaan filayaa in odayaasha aanay weli ka bogsan madax-wareerkii ay ka dhaxleen doorashadii dharaarta cad lagu kala calaf-qaaday ee ka dhacday dalka dabayaaqadii sannadkii aan kasoo gudubnay ee 2017.
Haddii ay tahay sidaa aan soo sheegay waxan leeyahay siyaasiyiintan magaca leh, waar odayaashii iyo siyaasiyiintii dalkaad ka mid tihiine, ha kusoo celinina dagaalka gondaheena oo u dhaafa halka uu ku jiheysan yahay oo ah cadawgeena diiddan hormarkeena iyo jiritaankeenaba, iyadoo wixii loollan siyaasadeed ah uu inoo furan yahay markay tahay gudaheena oo kaliya, iyadoo mar walba muwaadin, siyaasi, culimo, madax-dhaqameed iyo qof kastoo reer Somaliland ah uu waajib ku yahay inay kala soocaan oo kala gartaan dagaalka siyaasadeed ee dhexdeena iyo dagaalka cadawgeena ee lidka ku ah tallaabo kasta oo waxtar u leh dadkeena iyo dalkeena ee sidaa halagu wada xarriiqdo maanka iyo laabtaba.