Seeynisyahano ayaa soo saaray qalab cusub oo kamarad ah taasi oo lagu arki karo waxa ku jira gudaha jidhka bani’daamka, waxaana loogu talogalay in loo isticmaalo sababo caafimaad. Kamaradan ayaa waxaa lagu rakibay illeysyo iyo diirado sahlaya in la arko gudaha ubucda bini’aadamka. Wixii hadda ka horeeyay, shaqaalaha caafimaadka ayaa adeegsan jirey sheeybaadho iyo raajo qaali ah si ay u darsaan gudaha qofka jidhkiisa waxa ku dhacay ama ka jira marka la baadhayo caafimaadka qofka.
Prof. Kev Dhaliwal oo ka tirsan jaamacadda Edinburgh ayaa sheegay in qalabkan uu leeyahay faa’iidooyin aad u badan, waxayna bahda caafimaadka ka caawin doontaa in ay si sax ah u daweeyaan xanuuno badan.
Unugyada Jidhka
Tijaabooyin hore loo sameeyay ayaa muujinayay in illeyska kaamiradan uu ka dusi karo illaa 20cm oo nudayaasha jidhka ah si loo arki karo waxa gadaashooda ah. Waxa uu mashruucan kaamirada lagu soo saaray qeyb ka yahay mid la doonayo in lagu soo saaro qalab kala duwan oo xagga caafimaadka loo adeegsado si daweynta dadka ay u noqoto mid ka sahlan sidii hore.