Baryahan Dambe Waxaa Inagu Cusub In Siyaasiyiinta Masrax Lasoo Fadhiisiyo Si Bulshadu Fursad Ugu Hesho Ineey Afkaar Tooda Iyo Su’aalo Wixii Ay Rabaan U Weydiyaan Afkaar Wixii Ay Qabaana Usoo Bandhigaan. Hadaba Waxa Dhacda In Inta Badan, Siiba Hadad Oo Doorashadii Loo Sii Diyaar Garoobayo Aad Moodo In Su’aal Xajiin Badan Dhalinta Qaar Waydiyaan Muj. Muuse Biixi, Taas oo Ah Hadal Kasoo Yeedhay Mujaahidka 1994-kii Oo Bulshada Inteeda Badani Qalad U Fasirteen Laguna Duro Oo Iin Looga Dhigay Mujaahidka, Iyadoo Ujeedadu Hada Tahay In Naxli Dib Loo Geliyo Bulshada Mujaahidkana Halkaas Uu Cod Kaga Waayo Bulshada. Hadaba Bal Aan U Daa Dego Su’aashaas Bal Inaan Isku Dayo Inaan Saxo Anoo Sharaxaya In Aanu Hadalkaasi Ahayn Mid Cid Loola Jeeday Oo Xumihiisa Leh.
Maalinkii Muuse Hadalka Ah “Anoo Wax Dili Kara Duco Qaadan Maayo” Ma Ahayn Mid Beel Uu Ula Jeeday Lakin Wakhtigaas Dalku Marxalad Adag Ayuu Ku Sugnaa Oo Jabhad Ayaa La Ahaa Waxaana La Rabay In La Dhiso Dawlada Somaliland Iyo Nidaam Habsami Leh. Nidaam Kaasi Waxaa Ahayd Talabadiisii U Horeysay In Hub Ka Dhigis La Sameeyo Oo Ciidanka La Qarameeyo, Arintuna Ma Ahayn Mid Hawl Yar Maadaamo La Ahaa Jabhad Iyo Beelo Hubaysan. Talabadii Waa Lagu Dhiiraday Iyadoo La Ogyahay Inay Tahay Mid Aad U Adag, Lakiin Ujeedada Laga Lahaa Waxay Ahayd In Lagu Wanaajiyo Aayaha Umada Iyo Dalka. Marka Uu Hadalkaa Yidhi Mujaahidku Uma Jeedin Beel Sababtoo Ah Beeshu Waa Abtiyadii Marka Koowaad, Marka Labaadna Waa Beeshii Xoraynta Dalkan Aay Ugu Soo Wada Halgameen Kuna Xoreeyeen.
Hadalkiisu Wuxu Kaliya Uu Darnaa In Wax Walba Oo Ay Ku Qaadato In Dalkani Helo Nidaam Dawladeed, Lakiin Wakhtigaas Duruuftu Sidan Waaka Duwanayd Iyo Aragtida Umaduba Sababtoo Ah Dhiirashadii Wakhtigaa Lagu Dhiiraday In Mustaqbalka Umada Iyo Dalkaba In Wax Laga Bedelo Oo La Xareeyo Hubka Lana Qarameeyo Ciidan Beeleedyada Waata Maanta Dhashay Horumarka Iyo Nabada Aynu Ku Naaloonayno, Waata Dhashay In Umadu Horumarto, Waata Keentay In Mustaqbalkii Bulshadu Noqdo Mid Isbedel Wayn U Horseeda Ee Waxbarasho Iyo Xasilooni Nasiibka Ugu Yeeshay In Aay La Jaan Qaadaan Dawladaha Dhigooda Ah, Waata Maanta Dhashay In Si Xor Ah Loo Tartamo Iyadoo Umadu Midaysantahay Kana Tashaday Mustaqbalkooda Iyaguna Xushaan Cida Hogaamineysa, Waata U Horseeday Doorasho Xor Ah Ee Lagu Doortay Madaxweyne Siilaanyo. Muj. Muuse Biixi Hadalkuu Malinkaa Yidhi Waxa U Darnaa Horumarka Maanta Aaynu Haysano Ee Aynu Dhamaanteen Ku Naaloono Ee Aaynu 18may Dhamaanteen Jawi Farxadeed Oo Hanwayni Ku Dheehantahay Aynu Ugu Dabaal Degno Inagoo Midaysan. Horta Kaasu Ahaa Yoolkii Laga Lahaa Muj. Muuse Biixina Kuma Ahayn Keli Talo Qaran Ayay Ahayd.
Cid Gaar Ah Hadalkaasi Ma Khusayn Waxaana Taa Cadaynaya Hadii Beel Lagu Duulayo Maanta Dalkeenu Sidan Ma Ahadeen Ubadkeenuna Horumarka Dhan Walba Uga Suuro Galay Ma Noqdeen Kan Maanta Aay Haystaan Waxna Somaliland Uma Hirgaleen. In Sidaa Loo Fahmo Weeye Maaha In Bulshada Munaafaq Afmiishaari Umada Majara Habaabiyo Oo Hadalka Si Kale Inoogu Dhigo. Taladii Iyo Wanaagii La Wada Qaatayna Waynagaa Maanta Hayna Midhihiisii. Waxaana Guusha Gaadhay Uma Reer Somaliland Markii Umadeedu Ku Tashatay Inay Aayahooda Dhistaan Oo Hagaajistaan Ayay Guushan Gaadheen.
Hadalka Muj. Muuse Biixi lahaa waagaas, Halka Maanta Aynu Taaganahay Ayuu Darnaa.
Hadaba Waxaan Leeyahay Bulshada Dhanka Wanaaga Haka Eegaan, Waayo Xaqiiqada Ayaa Ah. Maalintaa Go’aankii La Qaatayna Wuxuu Ahaa Kan Maanta Wax Walba Inoo Saamaxay Ee Ictiraafka Ku Raadinayno Ee Aynu Aayaheena Kaga Tashanay, Dalkana Ku Dhisanay, Qaxootigeenii Ugu Soo Guryo Noqdeen ee aynu Cidhif Walba Nabada Ugu Mushaaxayno.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Qalinkii: Aden Deeq