Kuma ayaa yidhi “ sax iyo qalad ka ay tahayba, aniga ayaa sii daayay ragga sida sharci-darrada ah macdanta uga dhoofinaya Garoonka Cigaal ee Hargeysa”
2. Sababma ayay Somalilandtoday kuu dabagashay? Ma beesha ayaa la qaybinayaa?
3. Yaa musuqay lacagtii maalintii la daahfuray dib u dhiska madaarka?
4. “Raggii waa raggii. Goobtuna waa goobtii. Waxa aanu samaynnay aargoosi, waa daw in aanu celinno UDUB iyo taageerayaasha Daahir Rayaale Kaahin ee ku xoomay Madaarka”
5. Waa kuma Muhannad Rajab Erdoganka la sheego ee jooga Masalluhu?
6. Wasiirkee ayaa lagu xantaa in uu yahay dhayla-jecel, saar-qabiil iyo Usaama? Bal ka warrama hannaanka uu u guursaday ooridiisa labaad oo mar xoghayn gaar ah u ahaan jirtay! Allaw sahal ayax iyo diir ayaa ugubkii halakeeyay! Salaamaad min kulli aafaad! Qolo ayaa sheegaysay in aad baad $3000 doollar ah siisay saxaafad kaa qortay arrin aan afka ka dhawrayo. Iyaga ayuu Alle kala xisaabtami kay run iyo been sheegayaan.
7. Sababma ayaa loo eryay hawl-wadeenno badan oo uu ka mid yahay walaalkay rumaad Xuseen Xasan Yuusuf-Cadde oo aan maalinna shaqadooda iyo waajibkooda gadin?
8. Yarkan Ina Mitid Ismaaciil muxuu u diiddan yahay in lala xisaabtamo oo uu qoys, qaran iyo qaraababa uga meerayaa? Waxa magac-xumadiisa ayaan diidanahay ee beri hore ayay Mujaahidiintu raq iyo ruux mid uun ii keeni lahaayeen.
9. Deegaankee ayaa laga keenay ninka ku magacaaban horjoogaha/taliyaha Saldhigga Madaarka Cigaal ee Saalax la yidhaahdo! Miyaan la aamminayn cid reer kale ah!
10. Dadweynaha Masalluhu faaiido noocee ayay ku qabaan madaarka? Ma beerahooda ayaa kolba qayb la qarameeyaa, shaqaalahoodana waa la eryaa!
11. Waar horta ninkii waalnaa ee Marxuum Yuusuf Ciise Ducaale “Taallaabo” uu inoo sheegay miyuu miyirsaday! Maalin walba waxa aan arkaa qolo salaan ula taagan oo leh waa Madaxweyne.
12. Waxa la sheegayaa in dhawr gantaal oo Zaam ah lagu qariyay meel u dhaw Madaarka Hargeysa oo la rabo in lagu rido diyaaradaha meesha yimaadda, dawladdu maxay kala socotaa?
13. Goorma ayaa la qaybinayaa raashinka mucaawida ah ee ay dawladaha Caalamku ugu deeqeen qaxoontiga iyo danyarta Hargeysa. Waxa jirta xan sheegaysa in loo rarayo gobol kale!
14. Agaasimaha Guud ee Dusduska iyo Hawo-iibintu waxa uu ahaa dhoobbi taageera UBO/OLF iyo jabhado halis ku ah Geeska Afrika markii aan ogaa. Waxa uu igu cambaareeyay dood aan ka qayb-galay oo BBC-da ka baxday 23kii Mey sannadkii 2008da. Goorma ayuu KULMIYE iyo Somaliland noqday? Ma Siilaanyo ayaa magacaabay mise Wasiir Maxamuud Xaashi? Sababma ayuu u yidhi “Waxa aad doonataa Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland, anigu waxba kuuma qaban karo” markii dambena uu Suldaanka ugu beeshay been, wanjal iyo hafar isaga oo aan Wasiirkiiba gaadhin? Horta isagu imaka Ictisaam baa mise waa Islaax? Kollay kama madhna Itixaadnimaduye?
15. Wasiir, saaxiib, adeer, arrinka Siciid Gahayr iyo Woqooyi State kuma filna xaal iyo raalli-gelin laga bixiyo taleefanku. Fadlan ma heli karnaa gole furan oo aynu ku garnaqsanno, mise waxa aynu duminnaa sharciyadda iyo kala-dambaynta aad adiguna Wasiirka ku tahay, anna aan shacabka ku ahay?
16. Waan gartay in ay raggeedii yihiin Mujaahid Muuse Ibraahin Selef iyo Af-hayeen Saddaam Maxamed Axmed. Inta kale ee meesha rasaysani yay metelaan? Yaa soo xulay? Ma jeebka ayaad ku sidatay illaa Caynabo?
17. Hadda waxa aan garanayaa iyada oo uu madaarku xidhan yahay 1997kii. Imaka ma qandaraas dumin ah ayaydun soo qaadateen? Yaa maal-geliyay? Kollayba in aad Somaliland iyo Soomaali-weyn tihiin aniga caad ayaa iga saaran!
18. Ma taqaanneen in ay magac-u-yaalladu siddeed ahaayeen? Waxa ku soo kordhay mid kale oo magacyo badan. Ma aqoonsani nidaamka uu madaxda ka yahay……….. Aniga waxa Madaxweyne ii ah
siciid maxamuud gahayr