Mandhera:(Hubaal)-Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu diley weerar ka dhacay magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya. Weerarkan ayaa la aaminsan yahay in ay fuliyeen Malayshiyaad taabacsan al-Shabaabka Soomaaliya.
Booliska Mandheera ee xadka Soomaaliya ayaa sheegay in kuwa soo weeraray ay ka tirsanaayeen al-Shabaab, waxaana ay weerarkooda u isticmaaleen qaraxyo iyo qoryaha fudud.
Dadka la diley waxaa kamid ahaa kuwo safar shaqo ku joogey Mandheera waxaana ay ku sugnaayeen Bisharo Guest House waxayna diyaarinayeen Manhajka Iskoolada.
Magaalada Mandheera ayaa kamid ah goobaha dhibanaha u noqdey weerarada Al-Shabaab, waxaana sidaan oo kae bishii hore ugu dileen 6 qof.