KENYA: Markii Koowaad Maxaabiista oo Codkooda Dhiibanaya

0
139

Nairobi (Hubaal) Doorashaddii maalintii salaasadii looga dareeray dalka Kenya oo ahayd tii ugu balaadhnayd uguna codbixiyeyaasha badnayd ee dalkaasi ka qabsoonta ayaa sidoo kale noqotay doorashada keliya ee loo ogolaaday inay maxaabiista jeelasha ku jiraa codkooda ka dhiibtaan.

Madaxweynaha haatan Uhuru Kenyatta oo uu dhalay aasaasihii Dalkaasi Joma kenyata ahna madaxweynahii ugu da’da yaraa ee wadankaa soo mara ayaa tartanka ugu jira in markii labaad jagadaasi loo doorto shanta sanadood ee soo socota, hadii uu ku guulaysan waayana waxa uu ku geli doonaa taariikhda dalkaasi inuu noqon doono Madaxweynahii koowaad ee aan dib loo soo dooran.

Dhanka kalena musharaxa la tartamaya oo ah Raila Odinga hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka waxa uu markii afraad tartan u gelayaa kursiga Madaxweynanimada, isagoo horena dalka raysalwasaare uga soo noqday mudadii u dhexaysay sanadihii 2008 ilaa 2013.

Doorashadan kenya oo ah tii ugu balaadhnayd ee ay dadkii ugu badnaa u soo baxaan ayaa waxa ay sidoo kale tahay doorashada keliya ee loo ogolaaday inay maxaabiista jeelasha ku jiraa codkooda ka dhiibtaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here