Nairobi:(Hubaal)-Dowladda Kenya ayaa maalintii shalay goob fagaare ah oo ku taal duleedka magaalada Nairobi ku gubtay hub badan oo tiro ahaan lagu sheegay 5,250, isuguna jiray qoryo iyo bastoolado kuwaas oo intooda badan kaga yimid dhanka dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya.
Munaasabaddan hub gubista ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, waxaana uu soo dhaweeyay tallaabadan isagoona sheegay in hubka maanta la gubayo la aruurinayay sagaalkii sano ee u dambeeyay.
Hubkan ayuu sheegay in intiisa badan uu kaga yimid dhanka Soomaaliya, uuna dalka kusoo galay gaab tuugonimo ah.
Dalka Kenya ayaa waxaa aad u adag in hub la yeesho, dadka codsada in ay hub yeeshaan ayaa waxaa la mariyaan baadhitaan badan iyo tixraac asal ahaatooda.
Waa markii labaad mudo labo sano gudeheeda oo hub caynkan oo kale u gubto dowladda Kenya.