Akhri Qoddobada Uu Khabiirkan Oo Takhasuskiisu Yahay Arrimaha Amnigu Ku Soo Bandhigay Qorshe Qaran Oo Dawo U Noqonaya Dirir-beelleedyadan
Hargeysa (Hubaal)- Khabiir ku takhasusay arrimaha ammaanka, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigay qorshe qaran oo xal waara u noqon kara daminta colaad-beeleedda soo noqnoqotay ee ka taagan degaannada degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag. Mr. Jibriil Yuusuf Cumar oo ah khabiir reer Somaliland oo ku xeel-dheer arrimaha amniga, ayaa qoraal kooban oo uu ka soo saaray magaalada Hargeysa shalay, waxa uu ku soo bandhigay qorshe ka kooban dhowr qodob oo daawo u noqon kara dhibaatada colaadda aan joogsiga lahayn ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degaannada Ceel-afweyn, taas oo galaafatay nolosha dad badan. “Marka ugu horreysa waa in uu Madaxweynuhu xaalad degdeg ah ku soo rogo guud ahaan degaannada colaaddu ku soo noqnoqotay muddo lix bilood ah, isla markaana goleyaasha xeer-dejinta (Guurtida iyo Wakiillada) qaraar buuxa ku taageeraan go’aanka Madaxweynaha ee xaaladda degdegga ah. Xukunka degdegga ah kadib waa in si buuxda loo go’doomiyo degaannada labada beelood wada dagaan ee dagaalladu ka dhaceen ama la filayo in colaaddu ku baahdo, waxana gebi ahaan laga jarayaa isgaadhsiinta, waxa laga joojinayaa isku-socodka nooc kasta oo gaadiid ah marka laga reebo kuwa sida raashinka la cuno oo keliya. Sidoo kale, waxa la xaddidayaa isu-socodka dadka, iyadoo magaalo kasta iyo tuulo kasta la dul dhigayo ciidan u diida in cid gasho amma ka baxdo,” ayuu yidhi khabiir Jibriil oo muddo dheer la soo shaqeeyey ciidammada ammaanka ee dalka Maraykanka. Waxa uu intaa sii raaciyey, “Intaa kadib tallaabada xigta waa in gacan adag oo bir ah lagu qabto qof kasta oo lagu arko hub iyo cid oo loo tuhunsan yahay inay ficil, af iyo taageero maaliyadeed amma niyadeed kaga qaybqaateen colaadda soo noqnoqotay ee u dhexaysa labada dhinac, kadibna dadkaas lagu ururiyo xabsi-ciqaabeed gaar ah oo ka duwan xabsiyada caadiga ah ee dalka ku yaal, halkaasna lagu hayo muddada lixda bilood ah ee xukunka degdegga ah shaqaynayo.” “Tallaabada ugu dambaysa ee xukunka degdegga ah waa in ciidammada qaranku qaadaan hawlgallo baaxad leh oo ay ku ururinayaan hubka yaalla degaannada labada beelood ee colaaddu u dhexayso, dhammaan hubka la qabtana lagu wareejiyo ciidammada kala duwan ee qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay khabiirka oo kalsooni weyn ka weyn muujiyey in qorshaha uu soo bandhigay noqon doono xalka keliya ee nabad waarta ka suurtogelin kara degaannada Ceel-afweyn ee colaadda ahliga ah ku soo noqnoqotay. Colaadda xalka loo la’yahay ee u dhexaysa beelaha ood-wadaagta ah ee ku dhaqan degaannada Ceel-afweyn oo sababtay dhimashada ku dhowaad 60 qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan, ayaa maaraynteedu laf dhuun-gashay ku noqotay guud ahaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.