Khalifa Xaftar: Janaraal Ka Badbaaday Qadaafi Hadana Loo Maara La’yahay

0
15

Hargeysa (Hubaal/BBC) Janaraal Khalifa Xaftar kaas oo xoogaggiisa ay dagaal adag kula jiraan dowladda ay Qaramada Midoobeey taageereyso ee caasimadda dalkaas, wuxuu ka tagay magaalada Moscow isagoo aan saxiixin heshiiska xabad joojinta, sida ay warbaahinta sheegeen. Kullamadii ay wada yeesheen Janaraal Xaftar iyo dowladda, waxay Moscow ka bilowdeen Isniintii. Ruusha oo taageeraya Janaraal xaftar iyo Turkiga oo taageeraya dowladda, ayaa dadaalkaas keenay si xabad joojin loo saxeexo. Ujeedada waxay ahayd in la soo afjaro dagaalka sagaalka bilood ka socda nawaaxiga caasimadda Liibya ee Tripoli. Rabshadaha waxay bilowdeen bishii April, xilligaas oo Xaftar uu ku dhawaaqay in uu qaadayo duullaan uu magaalada kaga qabsanayo dowladda ay Qaramada midoobeey taageereyso.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, wuxuu ku hanjabay in uu “cashar adag u dhigi doono” Janaraal Khalifa Xaftar, haddii uu joojin waayo duullaanka uu ku yahay Tripoli. Doorka dalalka caalamka ee ku lugta leh qalalaasaha Liibiya, waxaa la ogaaday bilihii la soo dhaafay, iyadoo baarlamaanka Turkiga ay meel mariyeen tallaabo muran uu dhaliyay oo ciidamo ay ugu direyso Trimpoli si ay u difaacaan dowladda. Sidoo kale, Janaraal Khalifa Xaftar, wuxuu taageero ka helayaan Masar, Sacuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Urdun. Arrintaas waxay dhalisay cabsi ah in dalkaas qaniga ku ah shidaalka uu gole dagaal u noqdo qalalaasaha wadamo kale u dhexeeya.

Haddaba waa kuma Xaftar?

Khaliifa Xaftar Wuxuu ku dhashay bariga magaalada Ajdabiya, sanadkii 1943-kii. Xaftar wuxuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo hogaaminaysay duulaankii Korneyl Mucamar Qadaafi uu awoodda kaga qaaday boqor Idris, bartamihii 1969-kii. Ciidamo ka amar qaata isaga ayaa la wareegay maamulka saldhigyada saliidda ugu waaweyn ee dalkaasi Liibiya, iyadoo ujeedkeedu uu ahaa, in dalalka saaxiibka la ah ay u dhoofiyaan shidaalka uu dalkaasi qaniga ku yahay, waxana ay saldhigteen magaalada dhinaca bari ku taalla ee Tobruk.

Jabhadnimada Xaftar

Hogaamiyihii hore ee dalka Libya, Macamar Al Qadaafi ayaa Haftar u dallacsiiyay garaadada ciidanka ugu sarreysa, wuxuuna taliye ka ahaa ciidamada Liibiya ee ka qeyb qaatay dagaalkii dalka Chad ay la galeen sannadkii 1980-kii.

Ciidammada Chad oo garab ka helaya Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay Xaftar iyo 300 oo askari oo uu hogaaminayay sanadkii 1987-kii, hasa yeeshee Qadaafi ayaa sheegay in ciidammadiisu aysan ku sugneyn dalka Chad oo waxaa uu inkiray in Xaftar uu yahay sarkaal u dhashay dalkiisa. Arrintan ayaa horseedday in Xaftar uu billaabo dagaal socday 20 sano oo uu ku doonayay inuu Qadaafi xukunka uga tuuro.Wuxuu howlgalkiisa waday isagoo qaab magangalyo siyaasadeed ah ku jooga gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Waxaa lagu tuhmi jiray inuu xiriir dhow la lahaa sirdoonka Mareykanka, ayna marar badan ku caawiyaan in kooxdiisa ay isku dayaan khaarajinka Qadaafi.

Dib usoo noqoshada Haftar

Ka dib markii uu billowday kacdoonkii looga soo horjeeday Qadaafi sanadkii 2011-kii, Xaftar wuxuu ku laabtay Liibiya halkaas oo uu noqday taliye muhiim ah oo ka mid ah xoogagga mucaaradka ah ee kacdoonka ka waday dhanka bari ee dalkaasi.

Markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, Janaraal Xaftar kama uusan soo muuqan shaashadaha tan iyo bishii Febraayo ee sannadkii 2014-kii, markaas oo uu qorshihiisa ka sheegay warbaahinta, si uu qaranka u badbaadiyo, wuxuuna ugu baaqay dadka Liibiya in ay kasoo horjeestaan baarlamaanka la doortay, Congress-ka Guud ee Qaranka (GNC), kaas oo weli aysan muddadu u dhammaan.

Hadalkiisa ayaa ku soo aaday xilli markaas magaalada labaad ee ugu weyn Liibiya, ee Benghazi iyo magaalooyin kale oo ku yaalla bariga ay saameeyeen la wareegiddii ay la wareegeen kooxda Al-Qaacidada xiriirka la leh, ee Ansar Al-Sharia. Waxaa soo baxay kooxo kale oo Islaamiyiin ah, kuwaasoo sameeyay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu bartilmaameedsanayo milatariga, booliiska iyo shaqaale kale oo dowladeed. Inkastoo Xaftar uusan xilligaas lahayn awood uu qorshihiisa ku hirgeliyo, hadana hadaladiisa ayaa dhaliyay caro, gaar ahaan magaalada Benghazi oo dadkii ku noolaa ay niyad jabtay sidii ay GNC iyo dowladeedaba ugu guul darreysteen in ay la dagaallamaan Islaamiyiinta. Wixii hadda ka horeeyay caannimada Janaraal Khaliifa Xaftar ma dhaafsiisaneyn Libya, inkastoo xiriir hore uu la lahaa Qadaafi iyo Mareykanka, balse hadda oo ay ciidammadiisa ay ku sii siqayaan Caasimadda, wuxuu noqday janaraal indhaha caalamku ay eegayaan.

Howgalkii mabaadii’da

Bishii May ee sannadkii 2014-kii wuxuu Haftar bilaabay howlgal uu ugu magac daray Mabaadi’da Sharciga oo looga soo horjeeday kooxaha Islaamiyiinta ah ee fadhigoodu ahaa Benghazi iyo Barigeeda. Bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii, Baarlamaanka ayaa la doortay, Golaha Wakiillada oo beddelay GNC ayaa u magacaabay taliyihii ciidanka Liibiya, balse sanad kadib oo horumar yar la sameeyay ayay weerrar ku qaadeen dagaalyahannada Islaamiyiinta ah oo ka soo duulay magaalada Benghazi. Bishii Sebtembar 2016, Ciidanka Qaranka Liibiya waxay billaabeen howlgal lagu magacaaby “howlgalka ciribtirka”, oo lagu badbaadinayo goobaha keydka shidaalka, iygoo garabsanaya Qaramada midoobay. Goobaha muhiimka ah ee saldhigyada saliidda waxaa ka mid ah Zueitina, Brega, Ras Lanuf iyo Sidrah , kuwaasoo dhammaan hodan ku ah saliidda loo yaqaan ‘Crecent Oil’.

Markaasi ka dib, Afhayeenka iyo Taliyaha ugu sarreeya ciidamada qalabka sida, Agilah Saleh, ayaa dalacsiyay Xaftar oo waxaa uu ka dhigay taliyaha guud ee dalkaasi.

Inkastoo Haftar uusan ku faraxsanayn siyaasadaha maamulka dalkaasi ka jira ayaa hadana waxaan caddeyn damaciisa gaarka ah ee siyaasadda dalkaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here