Guddoomiyaha Awdal Oo Difaacay Safarro Joogto ah Oo Uu Caasimadda Hargeysa Ku Yimaaddo
“Khamiista iyo Jimcaha haddaan doono Hargeysa ayaan tegayaa oo waalidkay ayaa jooga, badhasaabkuna inuu magaaladuun joogo ma ahee waa…”
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha gobolka Awdal Md. Mustafe Cabdi Ciise Shiine, ayaa iska difaacay eedo muddooyinkii dambe loo jeedinayey oo la xidhiidhay safarro aan kala joogsi lahayn oo uu ugu baxo caasimadda Hargeysa, isla-markaana aanu ku hakanin gobolka uu masuulka ka yahay.
Guddoomiye Shiine oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama, ayaa sheegay inuu xaq u leeyahay safarrada uu usoo galo dhinaca caasimadda, isla-markaana uu u yimaaddo waalidiintiisa oo ku nool magaalada Hargeysa,“Khamiista iyo Jimcaha haddaan doono Hargeysa ayaan tegayaa oo waalidkay ayaa jooga, inta kale ee aan shaqaynayona magaalada ayaan joogayaa, badhasaabkuna inuu magaalada uun joogo ma ahee waa inuu u shaqo tagaa” ayuu yidhi guddoomiye Shiine.
Isaga oo sii wata difaacidda socdaallada uu maalmaha qaarkood Hargeysa ku tago, ayaa waxa uu yidhi,“anigu xidhiidhiyihii gobolka iyo xukuumadda ayaan ahay, xaruntana waan joogi doonaa, gobolkana waan joogi doonaa.”
Mustafe Cabdi Ciise Shiine waxa uu diiday eedaymo ay u jeediyeen saraakiil katirsan xisbiga WADDANI, waxana uu xusay inaanay shaqadu ku ekayn la la joogo magaalada Boorama oo kali ah, waxana uu yidhi,“WADDANI inay cid caydo mooyaane gobolka wanaag uma hayaan, cayna looma baahnee in wax la qabtaa loo baahan yahay, waxqabashaduna ma aha in meesha la joogo.”
Dhinaca kale guddoomiye Shiine waxa uu ka hadlay xadhiga loo geystay maayar-ku-xigeenkii hore ee golaha deegaanka Boorama Md. Dheerayste, waxana uu si cad u sheegay inuu si cad ugu gefay qarannimada Somaliland,“Maayar-ku-xigeenkii hore ciidamo intay soo tallaabeen dad baadhay, ayuu yidhi annagaa dalka keenay, xildhibaankuna dembi buu dalka galay, la iskaman xidhine ogolaansho maxkamadeed ayaa loo maray oo lagu xidhay”ayuu yidhi Mustafe Shiine.