Khasaaraha Dagaal Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Xuduudka Soomaaliya La Wadaagto Itoobiya Iyo Ciidamada Liyuu Booliska Oo Ka Qayb-Qaatay

0
34

Hiiraan, (Hubaal)- Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira sababay oo ilaa xalay fiidnimadii socday, ayaa shalay ka dhacay xuduudka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia, gaar ahaan deegaanno hoos yimaadda gobolka Hiiraan ee badhtmaha dalkaasi Soomaaliya.

Dagaalkan oo u dhexeeyo malleeshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo wada-dega degmada Deefow ee gobolka Hiiraan iyo deegaannada hoos-yimaadda, ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada 20 qof iyo dhaawacyo intaas ka badan, sida ay qortay wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa dad ku sugan deegaanka dagaalku ka dhacay.

hiiraanDagaalkan oo bilaabmay subaxnimadii shalay, ayaa u dhexeeya malleeshiyaad ka kala tirsan Beelaha Xawaadle iyo Dir ee wada-dega gobolkaas, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey xurguf colaadeed ku dhex-martay Dhul-daaqsimeed ay isku haystaan oo ku yaala deegaanka Deefow oo maalmihii u dambeeyey gacanta ugu jiray malleeshiyaad ka tirsan beelaha Direed.

Warku waxa uu intaas ku daray in mid ka mid ah labada malleeshiyo-beeleed oo gacan millatari ka helaya ciidamada dowlad-deegaanka Itoobiya ee Liyuu booliiska ay weerar culus ku qaadeen tuulada lagu magacaabo Xoda-ogle oo ah goobta uu dagaalka ugu culus ka dhacay.

Warku waxa uu intaas ku daray in maleeshiyaadka iyo ciidamada Liyuu Boolisku ay weerar ku qaadeen shalay gelinkii dambe degmada Deefoow ee hore gacanta ugu jirtay Maleeshiyada kale, halkaas oo la sheegay in iska-horimaad culusi ku dhex-maray labada dhinac, waxaanay wararku sheegeen in halkaas laga saaray maleeshiyadii hore u haystay isla markaana ay gacanta ku dhigeen malleeshiyada taageerada ka heshay Ciidamada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ma jiro waxa war ah oo ilaa hadda ka soo baxay masuuliyiinta maamulka gobolka, haseyeeshee dagaalka shalay oo lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee sannadihii u dambeeyey ka dhaca deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Soomaaliya oo ku teedsan xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaallada ka dhaca Deegaannada ku teedsan Xuduudka Itoobiya ee ka tirsan gudaha gobolka Hiiraan ee dalkaasi Soomaaliya, gaar ahaan deegaana Deefoow oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey dagaallo-beeleed ka dhaceen, ayaa wakhtigan u muuqda qaar ku fidaya gudaha Soomaaliya, iyada oo taas lagu sababeeyey kaddib markii ay dagaalladii ugu danbeeyay ee dhacay ka qayb-qaateen ciidamada Liyuu Booliska ee maamulka Kililka Shanaad oo la saftay dhinaca ka mid ah beelaha dagaalladu dhexmareen.

xigasho:Himilomedia.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here