Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac ka Dhashay Booliska iyo Ganacsato reer Wajaalle Ah Oo Shalay Isku dhacay

0
26

timthumb

Wajaale(Hubaal):- Laba Ruux ayaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyey, tiro kale oo aan la xaqiijinina way ku dhaawacmeen iska hor-imaad dhex-maray qaar ka tirsan Shacabka degmada Wajaale iyo Ciidammada Ammaanka Wajaale, ka dib markii sida la sheegay ay Boolisku isku dayeen inay xoog kaga raraan goobo ay ku ganacsan jireen dad danyar ah oo Kaboolayaal, Birtumayaal iyo Dukaanlayaal isugu jiray oo ku ganacsan jiray mid ka mid ah goobaha ama Suuqyada Wajaale.

Weriyeyaasha Warbahainta qaar ee Wajaale ku sugan, ayaa ku soo warramaya in laba Qof ku dhinteen shaqaaqadaas, hal Ruuxna uu ku dhaawacmay. Sidoo kale, Dadweynaha iska horimaadka qaybta ka ahaa ayaa Saxaafadda u sheegay in laba qof dhinteen, hal qofna culus yahay, kuwaasoo ay ku dhacday Rasaas ay Ciidammada Boolisku ku fureen. Hase-yeeshee, Badhasaabka gobolka Gabilay iyo Maayerka degmada Gabiley, ayaa sheegay in dhimashadu hal qof tahay, dhaawacuna laba ruux yahay.

Dadweynaha ay isku dhaceen Ciidammada Ammaanka degmada Tog-Wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley, isla markaana ku taalla Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, ayaa Saxaafadda la hadlay, kuwaasoo dhimashada iyo dhaawaca halkaas ka dhashay masuuliyaddooda ku eedeeyey Guddoomiyaha degmada Wajaale.

Ka dib markii ay dhibaatadaasi dhacday gelinkii hore ee Axaddii shalay, waxaa gaadhay Wajaale Guddoomiyaha gobolka Gabiley, Maayerka degmada Gabiley iyo Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Gabiley, kuwaasoo Tacsi u diray Ehelada, Qoysaska, Qaraabada, Asxaabta iyo dadka reer Wajaale, Allaahna uga beryey inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo xubnaha halkaas ku dhintay, iyagana Allaah uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo. Waxaanay sheegeen inay arrinta wakhtigan gacanta ku hayso dowladdu sidii dhaqso loogu xallin lahaa, wax dambane aanay u dhaceen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here