Khasaaraha Ka Dhashay Is Rasaasayn Maanta Galinii Hore Duleedka Boorama Ku Dhex Martay Jabhada Suldaan Wabar Iyo Ciidanka Birmadka

0
21

Boorama-(Hubaal)-Wararkii ugu danbeeyay Is rasaasayntii maanta duhurkii duleedka Magaalada Boorama ku dhex martay Ciidamada Booliska Somaliland Iyo Jabhada uu hogaamiyo Suldaan Wabar  ayaa waxa ay sheegayaan inuu ka dhashay Khasaaraha hal Askari oo ka tirsanaa ciidanka Birmadka Somaliland Qaybta Boorama kuwaas oo sida la sheegay uu la socday gaadhi ay ciidanka birmadku lahaayeen oo roondo ku marayay wado ku ag dhaw buur ay ku jireen Ciidankaasi.

Boorama

Sida uu warbaahinta goor sii danbaysay oo maanta dhacdadan u xaqiijiyay Gudoomiya Gobolka Awdal Mudane Ramaax ,waxa uuna sheegay in ay ciidankaas booliska soo weeraray ay ka tirsanaayeen kooxda nabadiidka ah ee Jabhada Suldaan Wabar dhaawacna ka soo gaadhay hal askari oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Somaliland.

Xaalada Guud ee Degmada Boorama ayaa haatan ah mid degen oo aysan jirin wax xiisad ah waxaana degaankaas uu falku ka dhacay lagu daabulayaa ciidamada militariga ee ku sugnaa jiidahaas kuwaas oo si xawraan ah uga hawlgalaya buuraha ka agdhaw degaankaas kaa soo laga cabsi qabo inay ku dhuumaalaysanayaan ciidanka weerarka soo qaaday ee Jabhada Suldaan Wabar.

source:boorama online

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here