Muqdisho (Hubaal)- Ugu yaraan 10-ruux, ayaa ku Geeriyooday Weerraro isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ahaa oo lala beegsaday gellinkii dambe ee shalay Hotel Ambassador ee Muqdisho, iyadoo Mas’uuliyada Weerarradan ay sheegatay Al-shabaab. Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in qaraxa ka dib ay gudaha u galeen Hotelka iyaga oo cabbaar ka dhex dagaallamay xilli ay ku sugnaayeen halkaasi ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya oo amniga qaabilsanaa. Col. Cali Maxamed oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Booliska Somalia, ayaa u sheegay Reuters in hoteelka lagu weeraray Qarax, markaas kaddibna ay kooxaha hubysan gudaha u galeen, kuwaas oo xilliga uu warbixinta siinayay wakaallada ay alshabaab gudaha hotelka ka dhex dagaallamaysay. “Waxaa weli Gudaha Hoteelka ku jira xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyadoo weerarka ay ku geeriyooday 10-qof tiro kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu yidhi Col. Cali, isagoo intaas ku daray inay tirada dhimashadu intaas ka badan karto. Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay badbaadiyeen tiro ka mid ah mas’uuliyiin Hoteelka degenaa, Waxaana ku jiray Dadki la badbaadiyay Maxamed Xaaji Daa’uud oo ah wiil uu dhalay Mlkiilaha Hoteel Ambassador iska leh. Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ayaa la sheegay inay Toogasho ku dileen laba ka mid ahaa kooxihii Gudaha u galay Hoteelka, iyada oo qaar kamid ah kooxdan gudaha gashay ay rakada sare ee Hoteelka [dabaqa] fuulleen halkaas oo ay rasaas ka soo furayeen. Dhanka kale, Afhayeenka Hawlgallada Al-shababa ayaa isna warbaahinta ay xarakadoodu maamusho u sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin weerarka Hoteel Ambassador, ayna ku Dileen tiro ka mid ah ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Inkastoo aysan sheegin tiro sugan. “Xoogaggeenna ayaa weeraray Hotel Ambassador, gudaha ayayna ku jiraan, waxaana socda hawlgal,” ayuu yidhi Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo warbaahinta alshabaab u warramay. Waa markii ugu Horreysay ee ay Al-shabaab weerar noocan oo kale ah la beegsato Hoteel Ambassador oo ku yaalla Waddada Maka Al-Mukarama oo ah Midda ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Khasaaraha Weerar Ay Al-Shabaab Sheegatay Oo Shalay Lala Beegsaday Ambassador Hotel Muqdisho