Bikiin (Hubaal-W/wararka)- Ugu yaraan 18 qof oo isugu jira askar iyo dad rayid ah, ayaa ku dhintay weerar muslimiin gadoodsan ku qaadeen bar kaantarool oo booliska dalka Shiinuhu ku leeyihiin Gobolka Xinjian ee dalkaas shalay. Dawladda Shuuciga ah ee Shiinaha, ayaa xadgudub dhinaca shareecada islaamka ah kula kacday qoomiyaha muslimiinta ah ee ku nool dalkaas, gaar ahaan qoomiyad la yidhaa Uyghur oo ku nool Gobolka Xinjiang, kadib markii laga horjoogsaday inay gutaan waajibka soonka ah ee Ilaahay (SWT) ku faral yeelay. Haseyeeshee, go’aanka dawladda Shiinuhu ku diiday in dalkeeda laga soomo, ayaa sababay in dadka muslimiinta ah ka cadhoodaan, isla markaana weerar ku qaadeen bar kaantarool oo boolisku ku leeyahay gobolka muslimiinta ugu badan ku nool yihiin, halkaasoo ay ku dileen saddex sarkaal, halka ciidankuna dileen 15 qof oo rayid ah. Sida laga baahiyey idaacadda Radio Free Asia oo xaruntiisu tahay dalka Maraykanka oo Jamhuuriya soo xigtay, dadka muslimiinta gadoodsan ayaa weerarkooda u adeegsaday mindiyo iyo miinooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasoo sababay inay dileen saddex askari oo boolis ah, iyadoo dadka muslimiinta ah ka cabanayaan cadaadiska lagu hayo iyo go’aanka loogu diiday inay si xor ah u gutaan waajibaadkooda diiniga ah ee soonka. Qoomiyadda muslimka Uyghur oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 8.68 milyan oo qof, kuna nool gobol ku yaal xadka Shiinuhu la leeyahy dalalka badhtamaha qaaradda Aasia, Afghanistan, Pakistan iyo Hindiya, waxana ku nool muslimiinta ugu tiradan badan dalkaas oo guud ahaan lagu qiyaaso ilaa 12 milyan oo ruux.