Khasaare Ka Dhashay Rasaas Boliisku Ku Furay Kooxo Dhalinyar Ah Oo Gacan Ka Hadal Ku Dhex Maray Xaafada Daami

0
31

Siyaasi Barkhad Jaamac Xirsi oo ah xubin ka tirsan xisbiga WADDANI oo boliisku Xabsiga u taxaabeen

Hargeysa (Hubaal) Laba qof ayaa ku dhaawacmay rabshado caawa ka dhacay Xaafada Daami ee Magaaladda Hargeysa. Libaax Khadar Cabdilaahi iyo Amiin jaamac kayd ayuu dhaawac ka soo gaadhay rasaas ay ciidamada Boolisku ku kala kaxaynayeen laba kooxood oo ka mid ah dhalinyarada wada degan xaafada Daami ee Degmada Gacan Libaax, kuwaas oo uu dagaal dhex maray. Labada qof ee uu dhaawacu soo gaadhay ayaa la dhigay Cusbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa halkaas oo lagu dabiibayo. newsSidoo kale Ciidamada Booliska ayaa xasbiga u taxaabay La taliyihii hore ee Madaxweynaha Somaliland Barkhad Jaamac Xirsi oo hada ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, kaas oo sida uu sheegay Komishineer Liibaan Ismaaciil Maxamuud oo ka tirsan Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Somaliland oo hadhwanaagnews u waramay. Liibaan waxa uu xusay in uu isagu u yeedhay Barkhad Jaamac Xirsi si uu ula dejiyo dhalinyarada, hasayeeshee ay ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen. Lama garanayo sababta ka dambaysa Xadhiga Siyaasi Barkhad Jaamac Xirsi. Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa xabsiga dhigay dhalinyaro tiro badan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here