Buulaburde (Hubaal) — Wararka ka immanaya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa sheegaya in shalay galab uu halkaa ka dhacay qarax miino oo lagu bartilmaameedsaday gadiid ay la socdeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxa oo loo adeegsaday miinada nooca meelaha fog laga hago lagula eegtay mid ka mid ah gadiid ay la socdeen ciidamada Jabuuti meel aan ka fogeyn garoon ay ka degaan diyaaradaha militariga ee sahayda u keena ciidamada ku sugan degmada.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen xubno ka mid ah ciidamadooda jooga Buula-burde, isaga oo intaa ku darray in ciidamada dhaawaca ah loo duuliyay magaalada Muqdisho.
Markii uu qaraxa dhacay kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada waxaa ay ku soo qab-qabteen dhalinyarro ka ag-dhawaan halkaas uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo la sheegay in baadhitaanno lagu hayo.
Ma jirto faah faahin dhaafsiisan dhaawaca la sheegay in uu ka dhashay qaraxa ee soo gaadhay ciidamada Jabuuti, waxaana degan guud ahaan xaalada nabad-galyo ee degmada.
Degmada Buula-burte ayaa horraantii sanadkan waxaa la wareegay ciidanka maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM marka laga soo tago qaraxyada iyo weerarada mar marka qaar ka dhaca, waxaa ka jirta xaalad nolaleed oo aad u liidata, kadib markii ay magaalada go’doomiyeen xoogagga Al-shabaab oo koontaroola jidadka galla degmada.