Khasaaro Maaliyadeed oo laga dhaxlay Heshiiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

0
58

Wajeer:(Hubaal)-Maamulka Garoonka Diyaaradaha magaalada ee dalka Kenay Wajeer ayaa shaaca ka qaaday in khasaaro maaliyadeed ay kala kulmeen heshiiskii ay dhawaan magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

k&S

Heshiiska ay Wada gaadheen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxaa kamid ahaa in diyaaradaha ka baxa garoonka Diyaaradaha Muqdisho aanay sii marin Garoonka Wajeer si toos ahna uga degaan magaalada Nairobi.

Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Wajeer Charles Kiong oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in khasaaro maaliyadeed kala kulmeen Heshiiskii Diyaaradaha Muqdisho ka iman jiray looga weeciyay garoonka Diyaaradaha Wajeer.

Charles Kiong ayaa sheegay in Laba Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta $21,240 oo doollarka Mareykanka ah ay khasaareen wixii ka dambeeyay markii la saxeexay Heshiiskii ay wada gaadheen Soomaaliya iyo Kenya.

Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Wajeer ayaa xusay in lacago ay ka qaadi jireen Diyaaradaha kasoo dega Garoonka Diyaaradaha Wajeer kuna sii jeeday magaalada Nairobi, waxa uuna tilmaamay in hada meesha ka baxday lacagihii ay soo gali jiray.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku hershiiyay in la joojiyo Diyaaradaha ka duula Magaalada Muqdisho in ay sii maraan garoonka Diyaaradaha magaalada Wajeer, waxaana bilowday duulimaad toos ah oo Diyaaradaha ka baxa Muqdisho ku tagayaan magaalada Nairobi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here