Qaab-dhismeedka gobollo-cimileedada dalkeenu waxay inoo leeyihin waxtar badan ayay inoo leeyihiin haday tahay Oogo, Nugaal, Guban, Golis iyo Hawdka oo haddii xaaluf ku yimaado horseedaysa dhul balaadhan oo lama degaan ah sidaasi si lamid ah waxay faa’iido badan inoo ah baddeheena kuwaas oo u ah il-cunteed iyo mid dhaqaaleba dadban oo ku nool dalkeena Somaliland. Taas marka laga soo gudbo, waxyeelooyin badan ayaan gaadhsiina baddeheena waxaana ugu horeeya inay qashin qub ka dhignay meelo badan oo xeebahan kamida ah, maraakiibta xeebaha kuso xidhinaya siiba Xeebta Berbera ayaa kusii daaya hadhaaga saliida qaydhin iyo kalluumaysi xad-dhaaf ah oo laga kalluumaysto meelaha u dhaw xeerbta wayn kuwaas oo aan la qiyaasi karin xadiga kalluun ee laga kalluumaysanayo baddeena. Si qiyaas la’aana oo badda looga kalluumaystaa waxay keenayso in noocyada kalluunka ee aynu cunno qaar kamid ahi ay tiradoodu hoos u dhacdo taas oo horseedi karta in gabi ahaanba uu dabar go’o noocaasi.
Haddaba, sanadahan dambe cabirka laysla qaatay ee lagu ogaan karro nooca kalluun ee dabar go’ay ama ku dhaw inuu dabar go’o waxa weeyan iyada oo si taxadirle dib loogu eego silsilada cuntada iyo is-quudashada xayaawanada kala duwan ee ku nool badda gunteeda sida kalluunka ee taraaqada, sucbaanka, shiiraanka iyo noocyada kala duwan ee uu kamidka yahay libaax badeedku. Tusaale ahaan, haddii tirada taraaqadu yarato waxa badda gunteeda ku badanaya ubax badeedka (phytoplankton) waayo kalluunka taraaqadu waxay quudataa ubax dabeedka waxayna isku dheeli tirtaa silsillada cuntada ee bada. Haddii taraaqadu badda ku yaraatana waxa hoos u dhacaya tirada libaax badeedka taasi oo kala dhantaalaysa noocdaya kalluunka dadku jecel yihiin. —-
Run ahaantii, baddeheena sida kuwa adduunka waxaynu ku qabnaa faa’iidooyin badan oo ay kamid tahay inan u adeesano isku socodka ganacsigeena iyo dhaqaaleheena; inay inoo tahay il cunto oo barootiinka (protein) iyo duxda ka helno taas oo muhiim u ah koritaankena jidheed iyo maskexeed; inay baddu tahay mid aynu mustaqbalka ka heli doono shidaal iyo macdano badan oo kobciya dhaqaaleheena. Sidaa darteed, mashruucyada lagu horumarinayo baddeheenu waa inay noqdaan qaar si guud iyo si gaar ahba u tilmaamaya waxqabadyada ku wajahan ilaalinta kalluumaysiga xad-dhaafka ah iyo daryeelida xeebeheena kuwaas oo dakhli dhaqaale u noqon karra dalka maadama oo dalxiis dadku aad ugu tagaan.
Ra’yi ahaan, waxyaabo badan ayaa laga qaban karaa si xadiga kalluunka loo yareeyo isla markaana loo badbaadiyo isku dheeli tiranka silsilada cuntada ee badda. Ugu horayn waa inaynu samaysano berkado kalluun kuwaas oo laga ag dhisaayo xeeliga badda, lana ilaalinaayo waxyaabaha uu quuto kalluunku sida ubax badeedka (Phytoplankton). Berkadaha kalluunku waa hab casri ah kuwaas oo la xadido dhammaanba xaaladaha biyaha ee kalluunku ku noolaan karo haday noqoto heerkulka biyaha, nooca cuntada, xadiga milixda, heerka nadaafada iwm. Tani waxay badbaado u noqonaysaa xaddiga kalluunka ee xad-dhaafka ah ee badda laga soo qabto. Sidoo kale waxay warshadaha kalluunku samayn karaan iyaga oo adeegsanaya kalluumaysatada inay soo xushaan kalluunka kala duwan ee badda ku nool oo aanay ku koobnaan nooc kaliya. Tani waxay isku dheeli tiraysaa tirada kalluunka ee badda laga soo saaro sanad kasta waxayna faa’iido u tahay jiritaanka joogtada ah ee isku tiirsananta kalluunka badda ee aynu kor kusoo xusnay.
Ugu dambayn, waxa lagama maarmaan ah in dawladda hadda joogta iyo kuwa soo socdaaba inay abuuraan siyaasad badda lagu daryeelayo kaas oo laga dhex arkaayo daryeelida kalluunka, ilaalinta xeebaha, faya-dhawrka xirfadeed ee kalluumaysatada, kobcinta shaqalaaha badda sida ciidanka badda, cilmi-baadhista kalluunka iyada oo xog buuxda laga keenayo noocyada kalluunka ee sii daba go’aya iyo kuwa xeebeheena ku badan iyo dhammaanba waxqabadyada kala duwan ee salka u ah horumarka iyo daryeelka baddeheena.
Qalinkii: Maxamed Rashiid Xuseen
Ciwaanka: mohamedrashid402@gmail.com (063-4002027)