Marka laga soo tago RRU-da oo ah Hangashta Siilaanyo, cabudhinta saxaafadda madaxa banaan, sharciga xukuumaddu ku dhaqanto oo ah LA JIIFIYAANA BANAAN LA TOOSIYAANA BANAAN, dhul boobka, qandraasyadda beelaysan waxa maanta soo kordhay arrin hore loo tuhunsanaa laakiin xukuumaddu dafiri jirtay.
Beryahan waxaa war baahinta madaxa banan lagu soo qorayey sida xukuumadda Kulmiye maamulidda hawada Somaliland ay ugu wareejisay xukuumadda Xamar. Iyadda oo arrimahan kor ku xusan oo dhami ay yihiin kuwo muwaadaniinta reer Somaliland ay qaadan kari waayeen ayaa maanta wasiirka Tamarta iyo Macdanta, oo hore been iyo khuraafaadba loogu bartay, wuxuu caalamka ugu sheekeeyey sida tan:
Wasiirka oo bishii ina dhaaftay wadanka South Africa shir (SONDAF forum) kaga qayb galay wuxuu halkaa ka sheegay in maadaama Somaliland aanay lahayn Sharciyada Shidaalka, liisannaddii shidaalka ee horena xukuumaddii Siyaad Barre bixisay, waxaanu ku dhaqmaynaa sharciyaddii xukuumaddii keligii taliyihii shuuciga ahaa ee dad iyo diinba is yidhi baabi’i. Waxa kale oo uu sheegay in distuurka Somaliland uu waafaqsantahay in la isticmaalo sharciyaddii shidaalka ee xukuumaddii Siyaad Barre, sharcigaasina noo fasaxayo in heshiisyadda shidaalka aan la hor geyn golaha wakiiladda ee golaha wasiirradda, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku oo keliya loo baahanyahay si loo ansixiyo heshiisyadda shidaalka. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in heshiisyada ay la galeen shirkadaha shidaalka ay la kaashadeen qareeno caalami ah oo khibrad sare u leh arrimahaas. Laakin ilo lagu kalsooyahay waxay sheegayaan in inta badan wasiirku uu keligii heshiisyada soo dhamayn jiray laakiin sexeexidda oo keliya uu masraxa i arkada keeni jiray. Sida uu wasiirku u dhigay hoos ka akhri.
“Once an agreement is reached with an oil company, the unapproved PSA for awarding new acreage goes to the full council of Minsters chaired by the President and Vice-President to be debated and ratified before the MOEM executes the agreement. In line with our constitution, Somaliland uses an existing Petroleum Act that it inherited from the previous Somali government before the breakup until we draft our own which we are in the process of doing and will be discussed today. This existing petroleum law vests the approval of such petroleum agreements to the executive branch of our government”
Hadaba muwaadiniinta reer Somaliland waxan weydiiyey Distoorkeena xagay kaga taallaa in khayraadka dalkeenna hooyo, Somaliland, lagu maamulo sharciyaddii keligii taliyihii Siyaad Barre? Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in heshiisyada uu la gallay shirkadaha shidaalka in uu la kaashaday qareenno caalami ah oo ku takhasusay shidaalka iyo gaasta (In ensuring that the government gets the best possible stake in these agreement, we hire reputable international oil & gas lawyers to support the government in these negotiations). Lama hayo meel qareenadaa uu wasiirku sheegay ay shaqo ka qabteen. Waxyaabahaasi waa waxyaabaha uu qaraabadiisa qandaraasyada ku siiyo. Wasiirku isaga ayaa wax kasta saxeexa, isaga ayaa wax kasta ka ah wasaaradda. Wasaaraddiisa xitaa wuu ka ilaaliya in muwaadaniin reer Somaliland ah oo khubaro ku ah arriamaha Shidaalka iyo macdanta kuna takhasusay ay ka shaqeeyaan.
Si aad u wada akhrido wixii wasiirku ka sheegay South Africa guji hoos.
http://burcoonline.com/articles/26007/SomalilandGovernment-clarifies-on-Oil-Mineral-exploration-efforts-During-One-Day-Extractive-Sector-national-forum-Hosted-By-SONSAF
1970-dii waxaa wadankii Somali Democratic Republic ka jiri jiray barnaamij diini ah oo Radio Muqdisho laga sii dayn jiray. Barnaamijkaas shiikhii wadi jiray inta uu hadalkiisa diinta Islamka ku sharraxo ayuu halka ugu danbaysa ku sharixi jiray sida diinta iyo Hantiwadaagu (Communism) isu waafaqsanyihiin. Maanta waxaa ayaan darro ah in Xukuumadda Kulmiye ay marayso halkii Siyaad Barre oo iminka boobka khayraadkii dalka, musuqmaasaqqa, cadaallad darrada ay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta u dirtay siddii uu diinta ugu dabakhi lahaa boobka Khayraadka dalka lagu hayo (Hoos guji). Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu sida uu isu dhigayo hadduu yahay nin ilaahay ka baqaya waa in uu ka hadlaa caddallad darrada, boobka hantida qaranka, qabyaaladda iyo xaq darrada Xukuumadda Kulmiye waddo.
Waxa kale oo xildhibaanka Kulmiye ee Nacnac ka hadlay sida wadamada khaliijku ay fakhriga ugu noolaayeen iminkana ay barwaaqo ku jiraan. Hadaba haddii aan soo qaadano waddanka boqortooyada Sucuudiga oo muddo 90 sano laga jooga shidaal xad dhaaf ah laga helay. Muddo ku dhow 50 sano wadamada reer galbeedka ayaa si fiican uga faa’iidaystay khayraadka oo boqortooyaddu lacag uun bay qaadan jirtay ee wax maamul ah kuma ay lahayn arrimahaas. Intii ka danbeysay ee ay sida toos ka ah ula wareegeen maamulka shidaalkana raaska reer Aala Sacuud ayaa si toos ah u maamulayey wixii dalka ka soo gala shidaalka. Sacuudi Arabiya maanta dhalinyaro aad u badan oo bilaa mustaqbal ayaa ku nool taasina waa ta keentay in ay ururrada argagixisada ah, sida Al-Qaa’ida iyo Daacish ugu biiraan. Hadaba ninkii doonaya in beel ama reer keliyihi, sida Siilaanyo iyo wasiiradiisu wadaan, Somaliland u taliso iyaga oo si sharci darro u adeegsanaya khayraadka dalka waxaan ku leeyahay cadhuuftaada dib u liq. Wixii Siyaad Barre laga yeeliwaayey ninna laga aqbali maayo cid kasta ha ahaadee.
Xukuumadda Silaanyo ama Kulmiye ma ahan mid lagu aamini karo ka faa’iidaysiga khayraadka dalka. Milaayiinkii doolar ee loogu tala galay waciyi gelinta, harumarinta deegaannada ayaa meel ay martay la waayeye markaa sidee baa loogu aamini karaa boqolaal milyan? Iminka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta wixii qandraas ah ee ay bixiso wasiirka qaraabadiisa iyo xidid kiisa ma dhaafto marka sideebuu ugu andacoon kara Somaliland Barwaaqo Ayaan gaadhsiinayaa.
Wasiirka tamarta iyo macdantuna wuxuu soo qaatay Distoorka dalka qodobkiisa 12 Farqadaha 4 iyo 6, laakiin wuxuu ka tegay in uu sheego in aanay distoorka meellna kaga jirin in golaha wasiiraddu ay masuul ka yihiin heshiiyada shidaalka ama macdanta ee lala galo shirkadaha ajaanibka ah. Distoorku wuxuu qorayaa in golaha wakiilada oo keli ahi ay masuul ka yihiin ansixinta sharciyadaas.
Haddii aynu is waydiino waa maxay shaqada wasiirku? Horta marka hore ha la ogaado ninka wasiirka ah in aan muwaadiniintu soo dooran ee Madaxweynuhu magacaabay si uu uga caawiyo gudashada xilkii loo doortay. Wasiirku awood uma laha ama distoorku uma ogala in uu sharci wasaaradiisa u samaysto, sida wasiirka tamarata iyo macdanta oo kale. Distoorka dalku wuxuu qorayaa in Golaha wakiilada, oo iyaga si toos ah muwaadiniintu u soo doorato, ay sharciga dalka qoraan ama dejiyaan.
Wasiirka tamarta iyo macdantu lacag dhan $2 Milyan ayuu Seedigii uu qandraas ku siiyey oo wacyi gelin ah xagga arrimaha shidaal baadhista. Seedigii lacag lagu qiyaasay $70-80 kun oo doolar oo uu jawaano ku sido ayuu madax dhaqameedka gobolka Saraar ula tegay taas oo ugu sheegay waa lacagtii wacyi gelinta ee shidaal baadhista. Hadaba lacagtan $2 Milyan ahi ma wacyi gelinbaa mise waa boobkii hantida qaranka lagu hayey. Sidee bay ku dhici kartaa nin wasiir ahi in uu seedigii qandraas aan ummadda loo soo ban dhigin oo si xalaal ah loogu tartamin nin kelyi la siiyo, ninkaas oo sifada keli ah ee uu wataa ay tahay xidhiidhka uu wasiirka tamarta iyo macdanta la leeyahay oo qaraabo iyo xidid ah.
Distoorka Somaliland qodob-kiisa 8-daad (Sinaanta muwadiniinta) farqigiisa 2-aad wuxuu dhigaya:
Si loo xaqiijiyo in hab dhaqqaleedka wadanka ka jiraa aanu u noqon mid in yar oo bulshada ka tirsani ama dabaqad keli ahi ka faa’iidaysato, la iskana ilaaliyo in ay samaysmaan dabaqado dhaqaale oo qaar si xad dhaaf ah wax u helaan iyo qaar ka qaday oo nidaamka dhaqaale ka eexday, waa in xukuumadda dhexe masuuliyad iska saarto sidii fursado dhaqaale oo cadaalad iyo sinaan ku salaysan loogu abuuri laha muwaadiniinta kuwa magaalooyinka ku nool iyo kuwa tuulooyinka ama miyiga ku noolba.
Hadaba maanta hadaad eegto sida uu Wasiirka Macdanta oo had iyo jeer si isaga anfacda u turjuma distoorka dalka uu dhakhligii wasaaradiisa ka soo galay shirkadaha shidaalka iyo wixii qandraasyo ahaa uu qaraabadiisa u wada siiyey isga oo ku andacoonaya shidaalka halka beeshaydu degto ayaa laga baadhaya, miyey haboontahay in uu ka hadlo cadaalada iyo distoorka Somaliland. Weli uma cadda in uu ku fashilmay xilkii loo igmaday. Bal ha ka jawaabo sababta keentay in uu yidhaahdo khayraadkii dalka sharciyadii Siyaad Barre Ayaan ku maamulaya? Sharciyadaa siduu ku helay? Bal ha soo ban dhigo oo Golaha wakiiladu ha hor keeno. Siyaad Barre Sharciyaddiisii khayraadka waxaa ka mid ahayd oo u socon weyday in Wershedda Sibidhka ee Berbera Xamar laga dhiso.
Maxamed Axmed Saxar
Atlanta, GA