Amar uu bixiyay wasiir Cukuse Oo Sababay In Khilaaf ka dhex dhaco isaga iyo Masuuliyiintiisa wasaaradda warfaainta
Hargeysa (Hubaal) Waxa saakaa madaarka Hargeysa ka dhacay, dhacdo ugub ku ah nidaamka dowladnimo, kadib markii agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Cilmi Adan (Ilka Case) iyo Maareeyaha Telefishanka qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas ay kusoo dhaweeyeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal,wafti balaadhan oo u hogaaminayo Guddoomiyaha Jaaliyada reer Somaliland ee Dalka SWEDEN oo ay wehelinayan laba wariye oo ka tirsan warbaahinta dalkaas.
Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ee wetigan kusoo dhaweynayay madaarka Cigaal ee magaaladda Hargeysa,ayaa markii ay soo gaadheen madaarka waxa dhacday in Wasiirka wasarada warfafiinta Somaliland Cabdilahi Maxamed Dahir (Cukuse) uu amar ku bixiyo in xabsiga loo taxaabo weftigii uu hor-kacayay guddoomiyaha jaaliyada Somaliland ee cariga Sweden,Waxaana arrintani ay keentay in muran ka dhex dhaco maareeyaha Telifiishanka qaranka iyo agaasimaha wasaaradda warfaafinta oo isku dhinac iyo wasiir Cukuse oo isgu amarka ku bixiyay in la xidho weftiga uu hogaaminayay guddoomiyaha jaaliyada dalka Sweden.
Inkastoo muddo dheer kadib la sii daayay xubnahii uu guddoomiyaha Sweden haddana Lama garaneyo sababta keentay in uu wasiirka warfaafintu uu amro xadhiga guddomiyaha iyo labada wariye ee la socday.
Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa ugub ku ah nidaamka iyo haykalka dawladnimo madaama xidhiidh wanaagsan ka dhexeeyso labada wadan ee Somaliland iyo Swedan, oo dhowr jeer ay dalka soo boqdeen masuuliyiin sar-sare oo ka mid ah dowlada Sweden.
Cabdicasiis Bashiir Nuur