Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasiirka Dhaqanka Iyo Mas’uuliyiinta Sare Ee Wasaaraddaas Iyo Qoddobada Ballaysinka U Ah

0
46

Dhaliilo Saldhig U Ah Khilaafkan Iyo Dhegxumo Ay Masuuliyiintani Sheegeen In Wasiirku Ku Gerdaadiyey Wasaaraddan Cusub

Capture

 Hargeysa (Hubaal)- Masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda cusub ee duulista iyo hawada somaliland aya a la weriyey in khilaaf soo kala dhex galay kadib markii ay dhibsadeen khudbad uu Wasiirka wasaaraddaasi Md. Khadar Xaaji Yuusuf Ka Jeediyey fadhigii  toddobaadkii ina dhaafay  ee golaha wakiillada oo uu ka mid ahaa raxan wasiirro iyo ku xigeenno ah oo cod aqlabyiad ah ay mudaneyaashu ku meel mariyeen magacaabistooda.   Warar xog ogaal ah oo wargeyska HUBAAL helay ayaa tibaaxay in wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Mudane, Maxamed Sheekh Cumar Xasan, iyo agaasimaha guudba ay dhibsadeen isla markaana ay u cuntami weyday nuxurkii ay xambaarsanayd khudbadaasi oo wasiirku ku sheegay in haba  yaraatee aanay xukuumaddu wax kharash ah ugu talo galin dhismaha iyo dhidibo u taagida wasaraddan oo ahayd mid ku cusub  golaha fulinta taas bedelkeedana uu isagu maareeyey dhaqaalihii iyo maskaxdii lagu dejiyey qaab dhismeedkeeda siyaasiga ah iyo shaqada ay qaranka u hayso. Waxaana ay labadan masuul ee wasiirka ka hooseeya oo talo ahaan wax ku leh go’aammada uu wasiirku ku jaangoynayo qorshaha shaqo iyo mida maamul ee ay yeellanayso wasaaraddu ay  fool xumo ku tilmaameen nuxurkii khudbadaasi oo ay sheegeen in ay  tahay mid ugub ku ah dhaqanka wasaraddaha, waxaanay wasiirka ka dalbadeen in uu  raalligelin iyo dib u sixid ka bixiyo hadalladaasi,maadaama aanay dhegxumada khudbadaasi ku koobnaan doonin isaga ookeliya balse ay  guud ahaantooda saamaynayso.

Maxay ahayd khudbada ay Wasiirku xigeenka iyo DG-ga wasaaradda dhaqanku dhibsadeen?

  Md. Khadar Xaaji Yuusuf,  wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska ayaa   wasaarada uu masuulka ka yahay ku tilmaamay in gegi bannaan oo wasaarad loogu sheegay loo dhiibay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “wasaaraddaydu meel loogu soo hagaago may lahayn oo wasaarad cusub oo la isku kab-kabay bay ahayd, aniguna qof keligii meel taagan oo la yidhi wasiir noqo oo wax dhaqaale ah oo uu ku hawlgeliyaan aanay jirin oo la yidhi wasiir baad tahay oo meel uu wax ka bilaabo aan loo sheegin  baan ahay.” “Anigu maan sugin intii lacag la I siin lahaa ee aan guri ku kirayn lahaaye anigaa wasaaradda guri u kireeyey oo qalabeeyey oo haykalkii wasaaradeed oo dhan sameeyey, iyada oo aanay wax dhaqaale ahi dawladda iga soo gaadhin, waxana dhinac socotay inaan dhiso qaab-dhismeedkii wasaaradda oo shan ahayd,” ayuu yidhi wasiir Khadar Xaaji Yuusuf.

Wasiir Khadar Xaaji waxa uu si adag u dhaliilay maamulkii ka horreeyey hannaankii ay uga shaqayn jireen waaxda Dalxiiska oo haatan wasaaraddiisa raacday, isaga oo tilmaamay inay ahayd waax ay shisheeye gacanta ku hayaan oo aan qaranka wax dakhli ah usoo xeraynin, waxana uu yidhi, “Qaybtii hore ee dalxiiska  oo ay shirkaddo gaar ahi gacanta ku hayeen oo aanay gacanta dawladdaba ku jirin oo xataa E-mailku aanu gacanta dawladda ku jirin oo cashuurta kasoo baxdaa 10% ku dhici jirtey gacanta dawladda, ayaa kamid ahaa waxyaabihii fawdada ahaa ee aanu hagaajinay.”. sidaa ayuu yidhi Wasiir Khadar Xaaji Yuusuf oo dabcan ah siyaasi ku cusub saaxadda siyaasadda, waxaana hadalladani ay sababeen sida aanu warka ku helnay in aanay goobta shaqada ka soo xaadirin wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaas iyaga oo kasokow hadallada wasiirka u nisbeeyey shaqo joojintooda in uu isagu [Wasiirku] isku koobay shaqadii ka dhaxaysay isla markaana  uu maamul gooni ah oo isaga u dhego nugul samaystay, isla markaana shaqaalle tiro badan oo aan lala socodsiin hawlgelintooda uu qoray wasaaradda, halka badi masuuliyiintii  ka  hawl geli jiray wasaaradaha laga soo kala dheegay wasaaraddan cusub oo kala ahaa wasaradda dhalinyarada iyo wasaaradda dhaqanka aan si togan loola soo wareegin waaxahoodii kuwaas oo wasaaradihii ay ka tirsanayeen isa soo dhaafiyeen wasaraddii cusbayd ee loo sameeyeyna aanay soo gaadhin oo ay haatan meel dhexe ku xaniban yihiin.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in wallow aanay xaqiijintiisu sugnayn ay jiraan dhaqaalle buuran oo wasaaraddacusub loogu daray miisaaniyada sannadkan uu wasiirku keligii la baxay, taasoo cadadkeedalagu tilmaamay in ay dhan tahay afar boqol oo milyan oo shilinka Somaliland ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here