Hargeysa – ( Hubaal ) – Wiigagan ugu danbeeyey waxa wasaarada caafimaadka ka socdey is casilaadyo taxana ah. Waa markii ugu horeysey taarikhda Somaliland ee saraakiil xadi badan ay wasaarad mar qudha iska casilaan. wasaarada caafimaadka waxa dhawr wiiig gudohood iska casiley dhowr sarkaal oo sarsare, sarakiishan oo kala ah; Madaxii Waaxda caafimmadka Qoyska Dr. Khadra, Madaxii qaybta cilimibaadhista Dr. Xaad iyo Madaxii qaybta tababarada cududa caafimaaka Dr. Maxfuud. Saraakiishan oo aan la xidhiidhney ayaa ka gaabsadey in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan sababaha ku duugan is casilaadooda. Usbuucii la soo dhaafey ayaa sidaa warbaahintu qoreen Dr. Khadra sheegtey in sababah ay isku casishey ka mid yihiin
arimo la xidhiidha lacgo tababaro loogu talo galay oo la lunsadey oo ay ku jirto lacagtii habeen dhaxa ee shaqaalaha tababarku u socdey. Saraakiisha kale ayaa laga yaabaa in maalmaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigaan sababaha aya shaqada iskaga casileen.
Sidoo kale waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in ay saraakiil kale oo dhowr ahi rabaan in ay shaqada iska casilaan. Saraakiisha aadka loo hadalhayo waxaa ka mid ah; madaxa waaxda cududa shaqaalaha, madaxa waaxda adeegyada caafimaadka iyo madaxa waaxda ka hortaga cudurrada. Haddii ay dhacdo in ay saraakiishani shaqada iskaga tagaan taasi waxay ka dhigantahay in 80% jagooyinkii muhiimka ahaa ee wasaarada caafimaadku banaanaato. Waxa kale oo wararka aan heleyno sheegayaan in hadda madaxda sarsare ee wasaaradu ku hawlan tahay sidii arrimahan ugubka ah ay xal ugu heli lahaayeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxdu hadda ku hawlanyihiin in ay isku shaandheyn iyo shaqo ka caydhin mug leh ku sameeyaan wasaarada, taasi oo laga yaabo in ay sii wiiqdo habsami u socodka adeegyada caafimaadka ee dalka.
Mar aanu Waax ka waydinay Maasuliyinta ugu Saraysa Wassarada Caafimaadka aya Ka Gabsaday inay Nooga Jaawaban Dhacdoyinka Wassarada ka soocda iyo Eedahan Mus Masuq ee Wassarada lagu Eedaynayo.