“Culimaddu Way Qeybsantahay Oo Iyagii Ayaa baa Is Haya ee Bal Meel Wax Ha Isla Dhigaan Inta Aannu Golaheennu [Guurtida] Dhexgelin” Guddoomiyaha Guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan
Hargeysa-(Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Culimadda Dalka, gaar ahaan Culimadda Guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista oo ku kala qeybsamay hoggaanka iyo maamulka hay’adaas.
Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay waqtigan in khilaaf iyo kalaqaybsanaani kadhex jirto culimada dalka, waxa aanu tilmaamay in ay dhexdhooda ishayaan, isla markaana ay tahay in culamadu laftoodu wax isla meel dhigaan.
Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa Guddoomiye Saleebaan ka codsaday in khilaafka Culimadda, Golaha Guurtidu dhexdhexaad ka galo, laakiin’se Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka biyo diiday in Golahu arrintaas galo, waxaanu Xildhibaanadda kula taliyey in arrintaas khilaafka loo daayo Culimadda oo la eego siday khilaafkooda u dhammaystaan.
Guddoomiye Saleebaan oo arrimataas ka hadlayaana waxa uu yidhi: “Culimaddu wey qeybsan tahay oo iyagiiba is haya oo isla doodaya, bal iyagu meel wax haysla dhigeen, intayna Golaheenu dhex galin.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Dhinaca kale Guddoomiye Saleebaan ayaa Culimadda ku sheegay inay waligoodba ay is hayeen oo Madaxweynayaashi Somaliland soo maray ay u maaro waayeen waxaanu yidhi: “Ina Cigaalbaa ka cararay, oo Daahir Riyaale ka cararay, oo Siilaanyo ayaa ka aamusay ee iyagu (Culimaddu) hasoo dhammaysteen.”