Khilaaf Xooggan Oo Ka Taagan Wakaallada Biyaha Berbera, Maayar Iyo Wasiir Madaxweyne-ku-xigeenka Hortiisa Isku Weydaarsaday Erayo Dhiif Leh

0
31

“Wasiirka biyuhu isagaa xaq u leh inuu wakaalladda u magacaabo cidda uu is leeyahay wuu hanan karaa xilka wakaalladda, maayarkuna waakaase weligay maan arag resiidh uu lacag ku bixiyey oo la leeyahay dawladdii Hoose ayaanu lacagtaas kasoo qaadnay.”Wasiir Mahdi Cismaan Buuri.

 “Markii wasaaraddu shan jeer iska soo daba magacowda saddex maareeye iyo saddex maareeye-ku-xigeen golaha deegaanka ee degmada Berbera iyaga oo raacaya nidaamka iyo shuruucda u taalla qaranka, waxa ay magacaabeen guddi ka shaqaysa oo ilaalisa.”Maayr Ciddin

capture

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), ayaa magaalada Berbera u tegay khilaaf cakiran oo ka taagan wakaalladda Biyaha magaalada, kaas oo u dhexeeya wasaaradda khayraadka biyaha iyo weliba maayarka degmada Berbera, ka hor intii aanu dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer u socdaalin.

Safarka madaxweyne-ku-xigeenka oo ahaa mid aan laga warqabin, ayaa yimi kadib markii uu maayarka magaalada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Ciddin is hortaagay xil-wareejin lagu waday in loo saameeyo maareeyaha cusub ee uu dhawaan wasiirka khayraadka biyuhu u magacaabay wakaallada biyaha Berbera, taas oo sababtay inuu abuurmo khilaaf dawladda hoose iyo wasaaradda u dhexeeya oo xalkeedu adkaaday.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayeen xubno wasiirro ah, ayaa fadhi ballaadhan magaalada Berbera kula yeeshay maayarka iyo weliba wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Biyaha Md. Mahdi Cismaan-buuri, waxana uu labada dhinacba ka dhegaystay doodaha ay qabaan iyo weliba sidii wada-jir loogu qaabili lahaa kor u qaadista  biyo la’aanta ka taagan magaalada Berbera.

Madashii wasaaradda biyaha iyo maayar ciddin ku garnaqsanayeen oo ay saxaafaddu goob joog ka ahayd, ayaa labada dhinac isku weydaarsadeen doodo adag, iyada oo dhinac weliba difaacay duruufaha keenay inuu gacanta ku qabto wakaalladda biyaha Berbera.

Ugu horrayn maayar Ciddin oo halkaas ka garnaqsaday, ayaa si mug leh u sharraxay sababta golihiisa ku kalliftay inay wakaalladda gacan-ku-haynteeda ku doodaan, waxana uu yidhi, “Biyaha annagaa gacanta ku haynna, sababta aanu ugu haynaana waa ninka maareeyaha ahi marka ay wax xumaadaan daryeelkeedaba kuma filna, mar haddii aanu daryeelkeedaba ku filnaynna imika saddex mishiin baa yaalla oo intii aanu maamulka joognay saddexdaba annagaa keenay. Ujeeddada biyaha laga leeyahayna ma aha goob ganacsi oo dhaqaale lagaga ururiyee waa inay bulshadu hesho biyo nadiif ah oo ku filan.”

Maayarka oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xarriiqay inay bateen wareegtooyin uu wasiirka biyuhu maareeyayaal ugu magacaabayo wakaalladda, taasina keentay inay gole deegaan ahaan guddi gaar ah magacaabaan, “markii wasaaraddu shan jeer iska soo daba magacowda saddex maareeye iyo saddex maareeye-ku-xigeen golaha deegaanka ee degmada Berbera iyaga oo raacaya nidaamka iyo shuruucda u taalla qaranka, waxa ay magacaabeen guddi ka shaqaysa oo ilaalisa.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Ciddin.

Dhinaca kalena wasiiru-dawlaha wasaaradda biyaha Md.Mahdi Cismaan-buuri oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa difaacay xaqa wasaaraddiisu u leedahay inay wakaalladda biyaha Berbera maamusho, waxana uu yidhi, “wasaaradda biyuhu iyadaa xukuumadda uga wakiil ah biyaha, sharciga ayaana siinaya, wasiirka biyuhuna isagaa xaq u leh inuu wakaalladda u magacaabo cidda uu is leeyahay wuu hanan karaa xilka wakaalladda, haddii uu maareeyayaashii kala bedbeddalayna waa shay isaga khuseeya, waana shay dawladdu Igmatay.”

Wasiir Mahdi waxa uu sharci-darro ku tilmaamay ceelal biyood uu maayar Ciddin sheegay inay qodeen, waxana uu tilmaamay inaan ceelashaas wasaaradda biyaha lala soo socodsiinin,“Cabdishakuur wuxuu yidhi ceelal badan baanu samaynay wasaaradduna ma oga, ceelka uu qofka shicibka ahi qodanayana wasaaradda ayuu soo maraa oo uu arji usoo qotaa, annagaana u oggolaana, sababtoo ah dhulka biyaha hoostiisa dawladda ayaa iska leh, wasaaradda uga masuul ah, haddii uu ceelal sameeyeyna waxa ay ahayd inuu noo soo sheego oo aanu u dhagax dhigno, wakaallada Berbera-na cabdishakuur shalay buu inoo yimiye weligeed bay dhisnayd, dawladuun baana biyaheeda ka masuul ahayd.” Ayuu yidhi Mahdi Cismaan-buuri.

Waxa uu wasiirku  caddeeyey inaanay dhammaanba hay’adaha dawliga ah ee magaalada Berbera waxa lacag ah ka bixinin biyaha ay isticmaalaan, waxana uu tusaale usoo qaatay maayar Ciddin oo uu xusay inaanu weligii lacag biyood bixinin, waxana uu yidhi,“Berbera dad badan baa jooga oo aan waxba haysanin oo aan lacagba na siinin, dhammaanba hay’adaha dawladduna lacag nama siiyaan, maayarkuna waakaase weligay maan arag resiidh uu lacag ku bixiyey oo la leeyahay dawladdii Hoose ayaanu lacagtaas kasoo qaadnay.”

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa la sheegay inuu labada dhinac cadaadis ku saaray inay khilaafka meesha ka saaraan, isla-markaana u guntadaan sidii wakaallada biyuhu u shaqayn lahayd, waxana uu maayarka kula dardaarmay inaanu carqaladaynin xil-wareejinta loo samaynayo maareeyaha cusub ee dhawaan wasaaradda biyuhu u magacowday wakaalladda biyaha Berbera.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here