Khilaafka Ka Dhashay Muddo Kordhinta Golaha Guurtida, Saamaynta Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran iyo Halka uu Salka Ku Hayo

0
64

“Siyaasi Dhalniyaro ah oo Si Faahfaahsan u Sharaxay Khilaafka Ka Dhashay Mudo Kordhinta G. Guurtidu, Heshiiskii Saddexda Xisbi qaran, Halka uu Salka Ku Hayo iyo Habka Loo Xalin Karo Mr. Mohamed Adan Dube “Gacayte”

ggggTan iyo maalintii uu komishanka Doorashooyinka Qaranka Jam. Somaliland soo bandhigay inaanay doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadu ku Qabsoomayn waqtigoodii, komishan ahaana ay sameeyeen jadwalka ay hawlaha doorashooyinka ku qaban karaan taas oo ay ku xuseen in 1June 2016 ay ku dhamaystirayaan dhamaan hawlaha doorashooyinka  isla markaana ay waqtigaas qaban karaan doorashada baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Komishanka qaranku waxay qoraal ahaan ugu gudbiyeen m/weynaha jam. Somaliland si uu isna ugu gudbiyo Golaha Guurtida si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan. Intaas ka dib golaha guurtidu waxay guda galeen hawsha mudo kordhinta waxaanay isugu yeedheen Saddexda Xisbi Qaran, Ucid, Wadani iyo Kulmiye, si arrintan looga yeesho wada tashi mudada loo kordhin karo xukuumadan iyo doorka ay Xisbiyadu qaranku ku leeyihiin arintan oo ah Soo Jeedin ay heshiis ku yihiin oo ay wada saxeexeen inay u gudbiyaan Golaha Guurtida.

Dood iyo falaqayn dhowr maalmood socotay Saddexda Xisbi Qaran waxay isla garteen in waqtigii uu soo gudbiyay Komishanka Qaranku oo ahayd 1June 2016 lagu daro mudo shan bilood ah duruufaha jira awgood sidaasna ay go,aan wada jir ah Saddexda Xisbi Qaran Wada saxeexaan ay ugu gudbiyaan Golaha Guurtida si ay u sharciyeeyaan mudadaa heshiiska lagu yahay, maalintii ay heshiiskaa isaga oo saxeexan ay ahayd inay u gudbiyaan golaha guurtida waxa heshiiskii ka baxay Xisbiga Wadani oo aan ka soo xaadirin kulankii.

Hadaba Golaha Guurtidu wuxuu guddi u saaray inay kazoo talo bixiso mudada loo kordhin karo xukuumadan laguna qaban karo doorasho xor ah oo xalaal ah, Golaha guurtidda waxay Xukumadda Kulmiye u sameysay Muddo kordhin ah sanad iyo Toban bilood Waxaanna ay sheegeen in Doorashadda Madaxtooyadda iyo Barlaamanka La qabanayo Bisha Afraad ee Sanadka 2017 Waxanna Xubnaha Golaha Guurtiddu ay sheegeen inay Wakhtigaasi ay u garteen Wakhtiga ugu Haboon ee dalku Doorasho gali karo.

Mudo kordhintaa waxa ka biyo diiday labada Xisbi ee Mucaaradka ah, hadaba Somaliland waqtiyada arimahan oo kale yimaadaan waxay waligeedba kusoo caano maashay in lagu dhameeyo wada tashi, isku tanaasul, iyo ilaalinta qaranimo, hadaba heshiiskii burburay ee xisbiga wadani aanu saxeexin waxay xisbiyada qaranku majority ahaan isla ogolaayeen in mudadii komishanka 1june 2016, lagu daro mudo shan bilood ah oo ka dhigan in doorashadu qabsoonto horaanta Nov.2016. hadaba markuu xaalku halkaas marayo way fududayd in si wanaagsan looga wada hadlo layskuna qanciyo in mudadaa guurtidu sharciyan u samaysay lagu qabto doorasho, lana sameeyo

  1. In la dardargaliyo sidii lagu dhamaystiri lahaa hawlaha badan ee qabyada ka ah qabsoomida doorashada sida shuruucdii lagu dooran lahaa golaha baarlamaanka, xeerkii codbixiyayaasha oo isaguna u baahan waxka badal in lagu sameeyo, xeerkii kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka.

  1. In la dhamaystiro diiwaan-galintii madaniga ahayd oo aan dalka wada gaadhin isla markaana hakad gashay sababo aan la garanayn ilaa maantana cid ka hadlaysa mucaarid iyo muxaafidba aanad maqalayn, waxayna ahayd waxyaabaha ay mucaaridku soo bandhigi lahaayeen shuruudna ay kaga dhigi lahaayeen sababta ay u istaagtay iyadoo diiwaan galinta madaniga ay tahay ta lagu galayo doorashoda oo qafkii kaadhka muwaadinka qaata ayuunbaa la siinayaa kaadhka codbixiyaha muwaadinka.

Sababaha aan ilaa maanta heshiis looga gaadhin khilaafkii ka dhasahay mudo kordhinta golaha guurtida waxa kow ka ah inay xukuumadu ogolaatay in wada hadal laga sameeyo go,aankii Golaha Guurtida, oo aan u arkayay qodob aan sharciga waafaqsanayn oo laga dhaxli karo khilaaf ka adag kii laysku hayay oo ah khilaaf sharci, kaas oo dhibtaadiisa isna leh maantana sida lawada ogyahay taagan.

Su,aashu waxay tahay side looga bixi karaa khilaafkan cakiran? Keebaase sharci noqon kara mudo kordhintii guurtida iyo heshiiskan danbe ee xisbiyadu gaadheen in doorashada la qabto Dec.2016?.

Horta khilaafkan waxa looga bixi karaa isku tanaasul, is qancin si muwaadinimo ku jirto, dalkan lagu badbaadin lahaa in taladaasi timaado ka hor waqtiga mudo xileedka xukuumada oo ku beegan 26june 2015, kana hadhsan tahay todobaad.

Arinta kale ee keebaa la qaadan karaa mudada ay guurtidu kordhisay iyo heshiiskan xisbiyadu wada gaadheen, horta waxaan halkan u iftiiminayaa bulshada in mudo xileedkii dawladu dhamaanayso 26june, isla markaa ay qasab tahay in guurtidu samayso waqti cayiman (Mandate) cusub oo dawlada loo sharciyeeyo waqtigaas gudihiisana lagu qabto doorasho (sanad iyo tobonkaa bilood gudahooda) maalinta ay doorasho qabsoomayso Golaha Guurtidu ma Sameeyo ee waxa sharciyan iska leh Guddida Komishanka Qaranka inay mudeeyaan maalinta ay doorashadu dhacayso markaas ayuu madaxweynahuna degreeto ku soo saaraa.

Heshiiskan xisibiyada qaranku gaadheen horta in la heshiiyo ma xuma laakiin xisbiyada waxay ahayd in heshiiskan keenaan ka hor inta aan golaha guurtidu samayn wax mudo kordhin ah, taasna waa la siiyay jaaniskaa laakiin xisbiga wadani ayaa kaga baxay labada xisbi ee kale, kolkaa waxaan u arkaa inay tahay (Saanbuuse Laga Eedaamay), oo waxa uu soo kordhiyaa uun tahay khilaaf sharciya oo midi midi ku taaga ah, waayo waxay taagan yihiin go,aankii guurtidu waa sharci daro, taasna waxaan u arkaa inay tahay hadal aan tudhaale lahayn iyo cid aan dalkan mustaqbalkiisa rabin ee sida ay rabaan uun sax tahay.

Xalka ugu danbaysa ee arintan khilaafka(Guurtida iyo Xisbiyada ) ay yeelan karto hadii la waayo maarayn kale waxay noqonaysaa in loo gudbiyo Maxkamada Sare ee JSL, taas oo leh go,aanka ugu danbeeya ee lagu xaliyo khilaafyada sharci ee lagu kala bixi waayo, labada dhinacna ay u hogaansami doonaan natiijada go,aanka ay soo saarto Maxkamada Sare.

Ilaahow Sidii Khayrku Ku Jiro Hayna Waafaji Iyadoo Lagu Jiro Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

Qalinkii Siyaasiga Dhalinyarada ah:-  Mr. Mohamed Adan Dubad (Gacayte) falanqeeya arimaha siyaasada Somaliland

E-mail: gacayte09@hotmail.com

Hargeisa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here