Khilaafkii u Dhexeeyay wasiirka Waxbarashada Iyo Madaxa Waxbarashada hay’ada UNICEF oo La Soo afjaray+ AKHRI Nuqul Ka Mid Ah Warqad Kasoo Baxday XAfiiska Wasiirka

0
128

Hargeysa (Hubaal):- Khilaaf u dhexeeyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibrahim Habbane iyo Madaxa Waxbarashada Hay’adda UNICEF Xafiiskeeda Somaliland Maxamuud Cabdi Sh. Axmed, ayaa Arbacadii Maanta la soo afjaray, ka dib markii uu khilaafkooda dhex-galay ama dhex-dhexaadiyey labadaas Masuul Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdi Cali Jaamac.

Khilaafkan oo gaadhay meel sare waxa uu ka dhashay markii Wasiir Cabdillaahi-Dheere si badheedha uga qaaday Hay’adda UNICEF Mashruuc Waxbarasho oo ay hore u soo wadday Hay’addu, isla markaana mar labaad Hay’adda UNICEF ku guulaysatay.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, ayaà hore Waraaq ugu Qoray Hay’adda UNICEF uu kaga dalbanaayo in ay raalli-gelin ka bixiyaan su’aal uu dhibsaday Wasiirku oo uu weydiiyay Maxamuud, taas oo ahayd sababta uu Mashruuca uga qaaday Hay’adda UCICEF, taasoo uu Xafiiska Hargeysa aqbalay, isla markaana ka bixiyey raalli-gelintaas.

Warqad ka Soo baxday Wasaarada Waxbarashada oo uu Ku saxeexanyahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdi Cali Jaamac oo Nuqul ka mid ah uu Wargeyska HUBAAL helay caawa, ayaa lagu sheegay in la dhammeeyey Khilaafkii Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahin Habbane iyo Madaxa Waxbarashada UNICEF Maxamud Cabdi Sheekh Axmed.
Waxa kale oo Qoraalka Agaasimaha lagu sheegay in raalli-gelin buuxda Wasiirku siiyey Maxamuud, kana warramay doorka muhiimka ah ee uu horumarka Waxbarasho ee Wasaaradda ka soo qaatay illaa 2005 iyo kaalinta firfircoon ee dhinaca Waxbarasho ee uu waday wakhtigaas illaa immika.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada laguma xusin halka uu ku dambeeyey Mashruucii Waxbarasho ee hore la isugu khilaafay, ka dib markii uu Wasiirku ka qaaday UNICEF oo ku guulaysatay mar labaad Mashruucaas, lana sheegay inuu siiyey Hay’adda Save the Children. Mashruucaas, ayay ku baxaysaa Lacag dhan 21 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah, isla markaana soconaya muddo saddex sannadood ah.

Halkan Hoose Ka Akhri Warqada Uu Wasiir Habanne Soo Saaray ee UNICEF Uu Ku Raalligeliyey taasi oo Luuqadda Afka Ingiriisiga ku qornayd.

warqadda-wasiirka-waxbarashadu-soo-saaray

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here