“Guddoomiyihii oo hawl qaran ku maqan darteed waxanu shirweynihii xisbiga ucid u dhignay dib, waxana aanu ka dhignay 7-da bisha soo socota ee November.”Shabaash.
“waad wada ogtihiin in guddoomiyihii xisbigu yidhi murrashax baan ahay, maadaama oo uu murrshax sheegtayna guddoomiyenimadii wuu ka tanaasulay, sidaas awgeed 6-deeda ayaanu qabanaynaa shirweynihii xisbiga oo lagu dooran doono guddoomiyaha xisbiga iyo…..”Xoghaye Sabce
Hargeysa:(Hubaal)-Khilaafkii cakirnaa ee labada garab u kala jabiyey xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa markale dib u istaadhmay, waxana dhinacyadu markii ugu horraysay mid waliba dhankiisa u iclaamiyey shirweyne gaar ah uu qaban doono.
Shirar jaraa’id oo iska soo horjeeda oo labada dhinac mid waliba xarunta xisbiga dhexdeeda kaga hadlay, ayaa garabka taageersan guddoomiye Faysal Cali-waraabe waxa ay sheegeen inay dib u dhigeen shirweynihii maxkamaddu ku xukuntay inay qabsadaan oo ay isla garabkaasi hore u muddeeyeen.
Shabbaash oo ku hadlayey magaca garabka Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaca ka qaaday maalin kale oo uu isla garabkaasi dib u dhigay shirweynihii xisbigaas,“Guddoomiyihii oo hawl qaran ku maqan darteed waxanu shirweynihii xisbiga ucid u dhignay dib, waxana aanu ka dhignay 7-da bisha soo socota ee November.” Ayuu yidhi Shabaash.
Shabaash oo hadalkiisa sii wata, ayaa ku dooday in guddiyada tobanka ah ee ay maxkamaddu fartay inay labada garab magacaabaan si ay shirka u qaban qaabiyaan uu go’aankooda kama dambaysta ah leeyahay hoggaankii xisbiga horboodayey shirweynihii Hargeysa lagu qabtay sanadkii 2012-kii oo aanay goob joog ka ahayn murrashax Jamaal iyo xubno badan oo garabkiisa ahi, waxana uu yidhi,“Ergooyinka shirka imanayaa waa kuwii kasoo qayb galay shirweynihii sanadkii 2012-kii, ergooyinkuna waxa ay gobollada kasoo amba bixi doonaan Sabtida soo socota, guddida aanu kamid nahayna waxa ay maxkamaddu xukuntay tobankaas xubnood ee labada dhinac laga soo magacaabayo go’aanka ugu dambeeya waxa iska leh hoggaanka xisbiga, taas macnaheeduna waa hoggaanka xisbiga ayaa hoggaaminaya guddida qaban qaban-qaabada, hoggaankaas oo noqonaya kii shirweynihii ugu dambeeyey ee xisbiga.”
Dhinaca kalena xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga UCID oo isagu la safan garabka Jamaal Cali Xuseen, ayaa daqiiqado kadib isla xafiiska guud ee xisbiga saxaafadda kula hadlay, waxana sharcidarro ku tilmaamay guddoomiyenimada Faysal Cali-waraabe, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlay uu yidhi,“waad wada ogtihiin in guddoomiyihii xisbigu yidhi murrashax baan ahay, maadaama oo uu murrshax sheegtayna guddoomiyenimadii wuu ka tanaasulay, sidaas awgeed waxanu sheegaynaa inaanu maanta laga bilaabo guddoomiye ahayn.”.
Xoghaye Sabce oo hadalkiisa sii wata, ayaa isaguna iclaamiyey maalin gaar ah oo shirweynaha xisbigu furmi doono, waxana uu hoosta ka xarriiqay in shirweynahaas lagu dooran doono guddoomiyaha xisbiga UCID yeelan doono,“Bishan lixdeeda, ayaanu qabanaynaa shirweynihii xisbiga oo lagu dooran doono guddoomiyaha xisbiga iyo hoggaanka sare, waayo meel guddoomiyeba jirin wax la wada hadlayaa ma jiri doonaan.” Ayuu yidhi xoghaye Sabce.
Muranka garabyada is haya ee xisbiga UCID, ayaa halkiisii ugu sarraysay maraya, xilli ay foodda inagu soo hayso dhammaadka muddadii labada bilood ahayd ee maxkamadda sare go’aamisay in shirweyne lagu qabto, waxana dhibka ugu weyni haatan ka taagan xubnaha tobanka ee loo asteeyey inay shirkaas qaban qaabiyaan oo dhinacyadu isla fahmi la’yihin.