Baarlamaankeenii lahaa waar odayaashan la leeyahay way imanayaan maba ogine maxay soo doonayaan, waa kuwane bal weydiiya cida soo balamisay
Hargeysa (Hubaal) –Waxa maalmihii ugu dambeeyay ay saxaafada dalka ku soo baxaayay arin ah in odayaal ka soo jeeda caasimada Somalia ee Muqdisho oo ay waliba isku qabiil yihiin madaxweyne Xasan Sheekh ay imanayaan dalka Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa. Odayaashan oo la sheegay inay yihiin madax dhaqameedyo, isla mar ahaantaana ay tiradoodu dhantahay 50 oday.
Arrintan oo runtii ku noqotay bulshada Somaliland mid ka yaabisay oo ay dareenkooda ku cabirayeen waxyaabahan haatan dalka ka taagan. Uxisbiyada mucaaridka ah ayaa iyana ka hadlay arrintan ay baryahanba saxaafadadu qoraysay iyagoo xukuumaddana ugu baaqay inay ka hadasho arrintan la hadal hayo oo ay jawaab deg-deg ah ka siiso ummada. Iyaga oo ka digay inaanay marnaba qaadanayn arrimo ka dhan ah maseerka ummadani leedahay oo ay xukuumaddu majaro habaabin ula timaado.
Dhanka kale xukuumadda Somaliland ayaan wali arrintan ka hadlin oo aan ummada u bayaamin sababta ay odayaashan tirade intaa leegi ay u imanayaan dalka. Balse sida saxaafadu baryahanba qoraysay ay dabada ku hayso arrimo siyaasadeed, iyada oo sidoo kale ay xukuumaddu ka jawaabtay maalin dhaweyd hadal ka soo baxaayay madaxtooyada Somalia oo xidhiidh dhanka telefoonka ah dhexmaray Siilaanyo iyo Xasan Sheekha Somali taas oo uu ka hadlay markii dambe wasiirka arrimaha dibada Somaliland.
Waxaanay arrintani ku soo beegmaysaa Iyada oo aynu ku jirno bisha May ayna soo dhawdahay maalintii qaranimada Somaliland ee 18-ka May
Haddaba,Xukuumaddan haatan talada dalka haysa ayaa waxyaabaha ay sameenayso ee ay ku khiyaamayso ummada meseerkooda iyo qadiyadeeda lama taabtaanka ah ay aad u soo badanayaan tan imika taagana waxa ay kamid tahay qodobada sida sirta ah ay u wada galeen oo hadda soo if-baxay iyadoo wadahadalkii Somalia iyo Somalilandna ay ku fashilantay oo qadiyada Somaliland ay hoosta dhigtay isla markaana xasuuqii ummadan loo geystay isagana meesha ka saartay oo ay qaadatay waxa ay reer Somalia doonayeen oo ahaa Tacadi.
Si kastaba ha ahaatee waa markii u horaysay ee tan iyo intii ay Somaliland madaxbanaanideeda la soo noqotay ay yimaadaan Somaliland odayaal madax dhaqameedyo ah oo raxan ku wada socota,