KHUBARO CILMI-BAADHIS KU SAMEEYEY CAQABADAHA NABADGELYO IYO DEEGAAN EE WAAJIHI KARA REER GUURAAGA SOMALILAND

0
39

Cilmi-badhayaashan waxay dawladda Somaliland ka dhaadhiciyeen in la sameeyo xarun cilmi-baadhiseed oo qaranku yeesho

Hargeysa (Hubaal)- Khubaro cilmi-badhayaal caalami ah oo ka socda ururka SUNARPA (Sustainability Use of Natural Resource and Peace in Pastoralist area), ayaa muddooyinkii u dambeeyey cilmi-baadhis ku saabsan caqabadaha nabadgelyo iyo degaan ee soo waajahi kara beeralayda iyo reer-guuraaga Somaliland ka wadday degaannada Gobolka Awdal.

Cilmi-baadhayaasha-degaanka-somaliland

Xeel-dheerayaashan khayraadka dabiiciga ah ee degaanka ku takhasusay oo dalka ka dhoofay shalay, waxa martigelisay Jaamacadda Camuud, iyagoo kulanno kala duwan oo cilmi-baadhistooda ku saabsan la yeeshay hay’adaha iyo wasaaradaha degaanka ku  shaqada leh, isla markaana sheegay in daraasadooda sida ugu dhakhsaha badan loo soo bandhigi doono.

Cilmi-baadhayaashan intii aanay dalka ka dhoofin kulan la yeesheen Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyagoo soo bandhigay ahmiyada ay Somaliland u leedahay in ay yeelato xarun cilmi-baadhiseed oo shacabka u soo bandhigta waxyaabaha ay u baahan yihiin in wax laga qabto amma laga hortago.

kulanka-xeel-dheerayaasha

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo kulankaas ka qaybgalay, ayaa sheeay in Wasiirka Waxbarashadu la qaadatay in dalka laga hirgeliyo xarun cilmi-baadhiseed oo qaranku u baahan yahay.

“‘Kulankani waxa uu ahaa mid aad u ballaadhan, waxa uu diirada saaray sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca cilmi-baadhista, waxa muhiim ah in la ogsoonaado ahmiyada ay cilmi-baadhistu leedahay, annagu ka Jaamacada Camuud ahaan waxa aan u sheegnay xeel-dheerayaasha ku bahoobay ururka SUNARPA ( Sustainability Use of Natural Resource and Piece in Pastoralist area) ee dalka ku suganaa muddadda labada toddobaad ah inaan diyaar u nahay marti gelinta oo  xarun dhinaca cilmi-baadhista ah Somaliland yeelato, Wasiirka waxabarashada oo ku hadalaysay magaca xukuumada Somaliland, way nala qaadatay ahmiyaday leedahay xarunta cilmi-baadhiseed ee dalku yeelanayo, waxanay ballanqaaday inay is barbar taagi doonaan yagleelka xaruntaasi, sidoo kale waxa ay xeel-dheerayaashu soo bandhigeen xogaha guud ee cilmibaadhis ay ku sameeyeen reer-guuraaga Somaliland, cilmaadhistan ayaana marka la daabaco kadib noqon doonta mid muhiim ah oo iftiimisa baahiyaha jira, iyo fursadaha la haysto ee reer-guuraagaSomalilnd ka hormarinaya dhinacyada nabada iyo isticmaalka khayraadka dabiiciga ah ee ay biyuhu ugu horereyaa,” ayuu yidhi Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed.

Xubnahan ka socday Ururkan SUNARPA oo  12 June Jaamacadda Camuud martigelisay  waxa uu cilmi-baadhistiisu ku qotontay beerlayda iyo xoolo dhaqatada Somaliland siday u nool yihiin, waxaanay ka bilaabeen degaannada gobollada Awdal, iyadoo daraasadaas ay iska kaashadeen jaamacado ku yaalada Qaarada Afrika iyo waddanka Jarmalka.

Sidoo kale xeel-dheerayaashan waxay intii ay Hargeysa ku sugnaayeen kulanno kala duwan oo saddex cisho qaatay la  yeeshen wasaaradaha Soomaliland ee ay khusayso cilmi-baadhisatoodu sida Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Macdanta, Biyaha, degaanka iyio horumarinta reer Miyiga iyo hay’adaha PEMHA, Akadamiga Nabada iyo Horumarinta, Jaamacadaha Hargeysa ku yaala, iyagoo  ka marag kacay  in muddadii ay Somalialand ku sugnaayeen ay la kulmeen soo dhawayn aad u fiican, aadna u ammaanay bulshada Somaliland.

Prof. Saleebaan Cabdi Guuleed, aaya sheegay in Jaamacadda Camuud doonaysa in ay noqoto xarumaha ugu waaweyn ee Cilmi-baadhista ee Bariga Afrika, wada shaqayn xagga cilmi-baadhisaha iyo tacliinta ahn la bilawday jaamacado ay ka midka yihiin Umass Univeristay oo dalka Maraykanka ah, Dalarna University oo dalka Sweden ah, Technical University oo Jarmalka ah, Civil Service University oo Itoobiya ah, New Generation University oo Itoobiya ah, Abdou Moumouni Univeristy oo Niger ah, Univeristy of Khartoum oo Sudan ah iyo urur goboleedada Afrika sida IGAD iyo African Union.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here