Wargeyska JAMHUURIYA Oo Helay Hadal Faysal Cali-Waraabe Ka Jeediyey Kulan Ay La Yeesheen Guurtida Oo Uu Ku Sheegay Inuu Somaliland Ka Bixi Doono Haddii Aan Talladooda La Qaadan
“Ceeb ayaana iga raacda oo marka aan sameeyo wanaag iyo tanaasul qaranba waxa la yidhaah lacag ayuu qaatay, lana yaabi maayo oo waa…”
“Waxa aan leeyahay Guurtida annaga noo hiiliya ama Cabdiraxmaan Cirro u hiiliya, iyadoo aad ogtihiin in ta aannu wadno tahay mid danta qaranku ku jirto”
“Dalkan, mushahar kama qaato, guri kuma lihi, dhulna kuma lihi, carruurtaydiina waad ogtihiin oo qaar ayaa galay Jabhadaha dalka Suuriya”Guddoomiye Faysal Cali-waraabe
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa shaaciyey inuu ka tegi doono Somaliland haddii Golaha Guurtidu sameeyaan muddo-kordhin ka badan waqtiga sannadka iyo bilaha ah ee ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranku.
Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa hadal aan saxaafadda loogu talogelin oo uu ka jeediyey kulan ay la yeesheen shalay guddida guurtida ah ee loo saaray ka talo-bixinta muddo-kordhinta ku sheegay in qas iyo dhibaatooyin badan ka dhici doonaan Somaliland haddii guurtidu baalmarto heshiiska xisbiyada oo ah doorashooyinku qabsoomaan 15 November 2016 haddii Ilaahay yidhaah, isagoo xusay inuu ogyahay abaabul lagu wiiqayo qarannimada Somaliland iyo cadaw isku bahaystay dalkan.
Hadalka laga duubay Guddoomiye Faysal Cali-waraabe oo wargeyska Jamhuuriya helay xalay, waxa uu ku yidhi; “Annigu murrashax ma ihi, laakiin wax dan ah ayaan wadaa, waxaanan ogahay in cadawgeennu inoo tashanayo oo sida haadka inoo dul-fadhiyo, laakiin marka aynu kacno, danteennana u midawno wuu iska tegi doonaa cadawgu, waxa aan idin leeyahay cadawga iyo haadka ha inoo jabinina, laakiin haddii aad arrintaas diidaan maanta annigu waan ka tegayaa Somaliland, mana doonayo in aan taariikhda xun ka qaybgalo oo la yidhaah yaa mudda-kar ahaa markii ay Somaliland qaska gashay, waxa aan ogahay in aynu qas iyo dhibaato gelayno haddii aad talada iyo heshiiska xisbiyada ka baxdaan oo aad tiina iska wadataan, Cabdiraxmaan Cirro-na wuu nagula jiraa heshiiska oo wuu yara shakiyey, haddii aad shakigaas ka saartaan, waxa aan ogahay wax suuqa yaal iyo tabaabushaha socda, cadawga ina soo gelaya ayaan ogahay. Markaa haddii aad taladaas saddex xisbi isla qaateen ka baxdaan dhib weyn ayaa dhici doona. Waxa aad idin leeyahay qaranka u hiiliya oo marada na saara, cadawgana ha inoo jabinina, waxa aad doonaysaan ee aad hoosta ku wadataan liqa oo inaga oo gacmaha is haysana aynu galno doorasho wanaagsan. Sannad iyo bilahaas aannu ku darnay way inagu filan yihiin, wixii qabyo ay aynu dhammaysano.”
Waxa uu sheegay in muddo-kordhinta doorashooyinku yihiin wax ku soo noqnoqday Somaliland, taasoo uu ku sababeeyey tamar darnaan iyo kalsooni dadka xilalka hayaa ka qabaan Golaha Guurtida oo u xilsaaran muddo-kordhinta.
“Haddii dawladdu ka soo bixi lahayd xilkeeda arrintan (dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo-kordhintu) may dhacdeen maanta, waxaanna caado inoo noqotay in dawlad xilkeeda ka soo bixi weyday aynu haddiyad u siino in aynu u kordhino waqtiga, halka ay naruurada ka haysataana waa odayaashiina (guurtida), magaca Somaliland-na cidda adduunka gaadhsiisay ee dadka kale aynu dheeranayn idinka ayey ahayd, laakiin heeryadiina ayaad dib u cunaysaan marka aad muddada u kordhinaynaa dawlad xilkeedii ka soo bixi kari weyday, iyadoo markastana xukuumad xilkeeda ka soo bixi weyday idiin soo qorayso warqad oo ay leedahay doorashooyinkii wey qabsoomi waayeene ka soo taliya muddada lagu qabanay,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiyaha UCID, ayaa hadalka uu guddida guurtida u jeediyey ku sheegay in doorashooyinku yihiin waxyaabaha adduunku ku taageero Somaliland, kuwaasoo uu xusay in dalku magac iyo sumcad kaga kasbaday caalamka, isagoo tusaale u soo qaatay in maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ku fashilmeen inay qabtaan doorashooyin dawladaha hoose ah, balse Somaliland-na ku socoto inay qabato doorashadii shannaad, arrintaasina tahay waxyaabaha indhaha adduunka ku soo jeediyey Somaliland.
“Inagoo ahayn tusaalaha dalalka Geeska Afrika in aynu raadkeennii dib u raacno waa inagu doqoniimo, annigu waa markii shannaad ee aan idin hor imaad (Golaha Guurtida) ilaa sannadkii 2002, waxa aan ahayn ninka qudha ee intiina halkaas fadhiya ugu dheefta yar dalkan, mushahar kama qaato, guri kuma lihi, dhulna kuma lihi, carruurtaydiina waad ogtihiin oo qaar ayaa galay Jabhadaha dalka Suuriya, waxa aan maalin kasta halkaas u joogaana waxa weeye wanaaga iyo lexejeclada Somaliland, ceeb ayaana iga raacda oo marka aan sameeyo wanaag iyo tanaasul qaranba waxa la yidhaah lacag ayuu qaatay, lana yaabi maayo oo waa dhaqankeenna in la bartilmaameedsado kolba qofka madaxa la kaca ee wanaag sameeya. Siyaasiyiinta oo dhan waxay necbaayeen Maxamed Ibraahim Cigaal, haddana waxa uu ahaa siyaasiga qudha ee ka soo baxa dhulka Soomaalida, markaa dadka garaadka gaaban arki maayaan waxa aanu arkayno oo inay na caayaan waannu iska ogolnahay, laakiin odayaashiina waxa aan ka doonayaa in aad masuuliyad qaadataan oo aad magaciina ilaashataan,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
“Saddexda xisbi waxa aannu ku heshiinay in aannu meel dhexe isla qaadano, idinkana idinku soo celino masuuliyadii dastuuriga ahayd ee aad lahaydeen oo aad tidhaahdeen Komishanka ayaa naga qaaday, masuuliyadaasna aannu gacantiina ku soo celino, iyadoo aannu saddex maalmood yeelanay kulanno aannu ku wada-tashanaynay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID, isagoo intaas ku daray; “Waxa suuqa la soo geliyey oo dadka dhegaha loogu riday in Golaha Guurtidu wadanayaan tooda, oo aanay tixgelinayn waxa xisbiyadu ku heshiiyey, markaa saddexdayadii xisbi wax ayaan ku soo heshiinay, waxanan ugu talogalnay in wax heshiis lagu yahay la isla qaato, laakiin Cabdiraxmaan (guddoomiyaha WADDANI) wuu saxeexi waayey oo wuu iman waayey, markaa waxa aan leeyahay Guurtida annaga noo hiiliya ama Cabdiraxmaan Cirro u hiiliya, iyadoo aad ogtihiin in ta aannu wadno tahay mid danta qaranku ku jirto.”