Khudbad Farriin Xambaarsan Oo Madaxweyne Siilaanyo Shalay Ka Jeediyey Madal Uu Xilligan Oo Kale Muddadii Uu Xilka Hayay Isugu Isugu Keeno Culimada Diinta

0
54

“Waanu ku dhaqmaynaa talada Aad Noo Soo Jeediseen Waayo Waa Sidii Aynu Nebadgalyadda Iyo Horumarka Dalka Uga Shaqayn Lahayn”

Haldoorka Culimaa’udiinta Ee Caasimadda Hargeysa Iyo Gobollada Kale Ee Dalka Oo Markii Shanaad Uu Madaxweyne Siilaanyo Afur-wadareed Ku Kulmiyey

culimada

Hargeisa (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland ayaa Afur-wadareed ay weheliso casho sharaf ku qaabilay culimaa’udiinka Somaliland ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka, afur-wadareedkaas oo shalay fiidkii ka qabsoomay qasriga madaxtooyada oo muddadii uu madaxweynuhu talada hayay sanad kasta bisha ramadaan xilligan oo kale ku qaabillo haldoorka culimaa’udiinta bulshada, isla markaan munaasibadani ay markii shanaad tahay waxaa dulucdiisa lagu sheegay xog ogaal u noqosho uu madaxweynuhu ku xog waraysanayo xaallada bahda culimada iyo kaalinta ay bulshada ugu jiraan. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed qoraal ah oo shalay ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) waxaa madaxweynaha kala qayb galay madaxweyne ku xigeenkiisa, guddoomiyaha ahna musharraxa xisbiga KULMIYE, Wasiirrada Madaxtooyada, diinta, arrimaha gudaha, warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan. War-saxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL, waxaa isaga oo dhamaystiran uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa afur iyo casho sharaf ugu sameeyey barxada qasriga madaxtooyada haldoorka culimo awdiinka dalka, kuwaas oo isaga kala yimid gobolada dalka. Afurkan oo ah mid sanad walba uu sameeyo madaxweynuhu bisha Ramadaan ee barakaysan dhexdeeda intii uu xilka hayey, ayaa kani waxa uu noqday kii shanaad, iyadoo dulucda kulamada noocan ahi madaxweynuhu uga jeedo is xog waraysi hogaamiyeyaasha diinta ee dalka layska waraysto xaalada dalka iyo diintaba, isla markaana wixii talooyin ee jira laysku waydaarsado. Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa culimada uga mahadnaqay sida fiican ee ay u soo ajiibeen sooryadiisa afurka iyo cashada ah, isla markaana sida saraaxada iyo waddaniyadu ku jirto ee ay talooyinka ugu soo jeediyeen isaga iyo xukuumadda uu hogaamiyaba. Isagoo madaxweynuhu ka jawaabaya talooyin badan oo culimadii halkaa ka hadashay isaga hortii ay soo jeediyeen ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waan ku dhaqmaynaa taladaa wax ku oolka ah ee aad culimo ahaan soo jeediseen, waan raacaynaa waan ku shaqaynaynaa, waayo waa sidii aynu u horumarin lahayn dalkeena ee aynu nabadgelyadiisa uga shaqayn lahayn, iyadoo ay gacmaha is haystaan culimadiisa shacabkiisa iyo dawladiisuba. Insha Allaahu tacaala wada jir ayeynu waddankeena uga wada shaqayn doonaa, waxan ilaahay ka baryeynaa inuu dedaalkeena iyo cibaadadeenaba inaga aqbalo aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin”. Madaxweynaha ka hor waxa halkaasi ka hadlay, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo sheegay inay caado tahay sanad walba kulankan oo kale in uu madaxweynuhu u qabto culimada dalka, ujeedaduna tahay ka wada shaqaynta iyo iskaashiga ku aaddan amniga iyo horumarka dalka. Waxa isna halkaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu tixraacay hadal culimo awdiinka ka horeeyey iyo wasiirka arrimaha gudaha mudane Warancade ay halkaa ka jeediyeen oo ku saabsanaa akhlaaqaadka da’yarta oo ay ka dayriyeen iyagoo tilmaamay inay nafahoodana u daran yihiin oo ay isdilaan, ta dadkana ay u daran yihiin, markuu ka hadlaayey hogaamiyaha xisbiguna waxa uu sheegay in loo baahan yahay in cilmi badhis lagu sameeyo wax ugu wacan da’yarteena dhibaatada ay geystaan, si loo helo talo wada jir loogu maareeyo, habdhaqan wanaagsan oo ay yeeshaan dhalinyarteena lagu soo dabbaalo. Waxa ka mid ahaa talooyinka uu soo jeediyey in uu u arko in fakhriga iyo qoysaskeena oo u badan danyar uu ka mid yahay waxa caruurteena diiqada gelinaaya, isagoo tilmaamay in wada jir inteena waa weyni u keeno fikradii wax lagaga qaban lahaa, dawlad, culimo, ganacsato iyo waalidiinta meel uga soo wada jeesto daahiradan. Waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay xukuumada uu hogaaminaayo mudane Axmed Maxamed Silaanyo inay qaadato nasteexooyinka loo soo jeediyey isla markaana ay u soo jeediyeen culimadii waaweynayd ee dalku. Wasiir Maxamuud Xaashi Wuxuu u soo jeediyey culimada in meel looga soo wada jeesto xagjirnimada, argagaxisada iyo kuwa banaystay dhiiga la daadinayo ee sida khaladkaa u weeciyey islaanimadii naxariista ahayd. Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Maxamed Warancade oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in gacan ka hadalka kuraydu meel ba’an marayo oo halis ah, haddii ay waalidiintu tahli waayaan inay wax ka qabtaana oo caruurtooda ay dhawrsanaantii ku soo celin waayaan ay iyagu xukuumad ahaan tallaabo qaadidoonaan. Wuxuu intaa raaciyey in uu nidaam cusub oo isu socodka gaadiidka ah iyo ciidan cusub oo kuwa baabuurta kala haga ah ay keenayaan dhawaan, taasoo wax lagaga qabanayo saxmada gaadiidka ee tirada badan iyo qaab darada iyo sharci darada ay gaadiid badani ku tallaabsanayaan. Wasiirka Warfaafinta, Mudane Caddaani oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in goboladii waa weynaa iyo Gabileyba Ilaacadaha Qur’aanka Kariimka ah laga wada furay oo afar iyo labaatanka saacadoodba dalka gudihiisa iyo dibediisaba laga dhegeysanayo, taasina ay sharaf gaara u tahay madaxweynaha. Culimo awdiin tiro badan oo halkaa ka hadlay ayaa madaxweynaha ku hambalyeeyey soor yadan afurka ah ee uu u sameeyey iyagoo soo jeediyey talooyin ay ka mid ahaayeen in wax laga qabto akhlaaqdii suubanayd ee dadkeenu lahaayeen gaar ahaan dhalinyarada oo sii lumaya, saxmadda baabuurta oo wax laga qabto, waddooyinka oo la hagaajiyo, ku dhaqanka diinta islaamka oo la xoojiyo, barista sekeda ee dadka oo kor loo qaado, wada shaqaynta dawlad iyo culimada oo la horumaiyo, lana tayeeyo, iyagoo intaa raaciyey inay si buuxda ula shaqayn doonaan goor walba iyo wakhtigii loo baahdaba. Gudoomiyaha diiwaanka sekada Dr Siciid Maxamed Faarax Jire oo halkaa ka hadlay ayaa dawlada ku hambalyeeyey heshiiskii ay la gashay shirkada reer Dubai ee DP world oo kaasoo uu ku sifeeyey mid faa’iio ugu jirto dalka iyo dadka. Culimada waa weyn ee halkaasi ka hadashay waxa ka mid ahaa sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, sheikh Maxamed Cali Gadhle, Dr Xasan, Dr Axmed Jaamac Ismaaciil, Dr Sacad Suldaan oo ka mid ah culimada qurba-jooga ah, kaasoo kuna tilmaamay halgankii dalka lagu xoreeyey mid barakaysan, oo horseeday in si xoriyada diinteena iyo dalkeenaba aan u maamulano”. Ayaa lagu soo gunaannaday war-saxaafadeedka uu soo saaray Garyaqaan Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax), Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here