Khudbad Uu Jeediyey Amiirka Qatar Oo Muran Ku Sagootiday Safarkii Trump Ku Maray Bariga Dhexe

0
106

 

“Iran Nooma Aha Cadow, Waa Quwad Millateri Oo Islaam Ah”

 Doha (Hubaal/Xogtadunida) Wakaaladda wararka ee Dalka Qatar ayaa soo xigatay Amiirka Qatar Sh Tamiim Bin Axmed oo leh sidan: ‘Madaxweyne Trump waxa dalkiisa gudihiisa ka haysta dhibaatooyin xaga sharciga ah‘ isagoo loo arkayey inuu soo bandhigayo werwer laga qabo xidhiidh lala yeelan karo Xukuumada Trump. isagoo intaa ku daray in dhamaan culaysyada dulmiga ah ee ay Qatar la kulantay inay la socdeen safarkii Madaxweynaha Maraykanku ku yimid Gobolka, iyadoo Qatar lala xidhiidinayo inay taageerto Argagixisada, laakiin ay caddahay rabitaaka wadankiisa ee ku aaddan deganaanshaha gobolka iyo caalamkaba. ‘waxaanu sii wadi doonaa kaalinta ay Qatar ku lahayd siyaasadaha iyo saamaynta gobolka iyo caalamkaba anaga oo ilaalin doona karaamada Dalkayaga iyo shacabkayagaba’ sidaa waxaa mar kale yidhi Amiirka qatar oo tababar u xidhayey dufcad ciidamada ka mid ah oo kooras ku dhmmaystay saldhig millateri oo waqooyiga dalkaa ku yaalla. ‘uma ogolin cidina inay nagu tuhunto argagixiso ama  in argagixiso lagu sheego xisbiyo iyo ururo islaami ah oo sharci ah sida Ikhwaanul Muslimiinka Masar, Xisbullaahi-da Lubnaan iyo Xamaas-ta falastiin toona’ sidaa waxaa yidhi Amiir Tamiim Bin Axmed Al-Thani oo ugu baaqay wadamada Baxreyn, Imaaraatka iyo Masar inay dib uga noqdaan cadaawadooda ka dhanka ah Qatar, isla markaana ay joojiyaan ololaha iyo eedaymaha been abuurka ah ee waxyeelada u gaysan kara xidhiidhka ay wadamadaasi la leeyihiin dalkiisa. Dhanka kale Amiirka qatar waxa uu sheegay inay ku guulaysteen inay  xidhiidh saaxiibtinimo la wada samaystaan wadamada Maraykanka iyo Iran ,, xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil-na aanu xumayn  waxana uu xusay in aan la iska indho tiri karin miisaanka ay jamhuuriyada Iran ku leedahay Gobolka, taa darteedna aanay wax xikmad ahi ku jirin in iska hor imaad lala galo Iran, waxana uu Amiirku ku sifeeyey Iran inay tahay cududa millateri ee ugu weyn Gobolka, xidhiidh sokeeye oo lala samaystaana ay sii xoojinayso amniga iyo deganaanshaha Gobolka, taasoo uu ku sheegay midda dalkiisu ilaalinayo si ammaanka Gobolku u sii hagaago.

Xogtadunida

686169320

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here