“kii kuu soo cawday ayaa inta uu mobileka shido kaa duubaya…”Wasiir Cukuse Oo Daaha Ka Fayday Sababta Ceebaha Wasaaradiisu u Qarsoomi Waayeen

0
29

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Cukuse, ayaa uga digay wasiik-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Marwo shugri Xariir Ismaaciil dhaqanno uu sheegay inay wasaaradda dhexdeeda ka jiraan, kuwaas oo salka ku haya inaanay ceebaha wasaaraddu ahayn qaar qarsoomi kara.

Wasiirka oo Digniintan ka jeediyey Madashii ay Wasiir-kuxigeenka cusubi xilka kula wareegaysay, ayaa ceebaha bannaanka yaalla ee Wasaaradda iyo Masuuliyiinta dusha ka saaray shaqalaha, waxana uu tilmaamay in wixii ay arkaanba ku qoraan Goobo kale oo ay si dadban ugu shaqeeyaan,

cukuse“Wasaaradda Warfaafintu ceeb iyo wanaag waxay leedahay ilaahay uma xilqarin, lix boqol baa jooga oo saddex boqol oo kamid ahi Website-yo ayey u shaqeeyaan, dabadeedna iyagaaba gelinka hore intay kula shiraan Gelinka dambe qoraya wax kale,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, una digaya wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Shaqada la keenay, ayaa yidhi,

“Kii kuu soo cawday ayaa Moobilka inta uu soo shido kaa duubaya canaantii aan canaananaysay, Si aad midwalba u barido oo u tidhaahhdo tolow Mobile ma sitaa,”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in dhaqamada noocaas oo kale ah loo baahan yahay in loo dulqaato, waxana uu intaas ku daray in ay haatan saxaafaddu gaadhay heer ay hannaan qabyaaladaysan cid uwada weerarto, sida uu hadalka u dhigay,

“Ninka halkan jooga waxa looga baahan yahay inuu noqdo qof adag oo aanay waxaasi waxba ka qaadin, Imika waxa kusoo kordhay inay iyaga oo qolo ah shiraan dabadeedna Hal qof bay marqudha ku duulayaan, waana wax dhacay, Maalin dhaw baan shaaca ka qaadi doonaa waxa ay yihiin.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli wasaaradda warfaafinta somaliland noqotay wasaaradda ugu ceebaalka iyo hadal-haynta badan, waxana inta badan dibadda usoo baxa jaafaa jiriq kasta oo xarunta ku dhex mara madaxda Wasaaradda.

source: himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here