Nairobi (Hubaal)- Saddex bilood ka hor ayaa Subira Sudi Mwangole iyo 25 kale oo dabley Kenyan ah oo hore uga tirsanaan jiray Alshabaab ay isu soo dhiibeen booliska Kenya, waa sida laga soo xigtay wargeysta The Standard ee kasoo baxa Kenya.
Waxaa la sheegay in ninkaas uu ku biiray Alshabaab sanadkii 2008 isla sanadkaasna uu tababar u tegey Soomaaliya. Sanadkii kaas xigay ayaa warbaahintu sheegtay inuu dib ugu soo laabtay Kenya. Ninkaas oo dhallin yaro ahaa ayaa isu soo gacan gashay bilayska Kenya gaar ahaan magaalada Kwale kadib markii bishii Feberwari ee sanadkan ay dawlada Kenya cafis u fidisay Kenyanka ku biiray Alshabaab haddii ay ka tanasulaan. Intaa kadib dawladu way sii deysay oo maadaama uu kasoo baxay Alshabaab, dadkiisa ayuu dhinac ka raacay. Laakiin waxaa toogasho lagu dilay asbuucii la soo dhaafay. Ilo-wareedyo dhanka heyadaha ammaanka Kenya ah ayaa ku eedeeyay xarakada Alshabaab inay ka dambeyso dilka ninkaa oo kasoo goostay. Subira Sudi Mwangole waxaa lagu aasay isla magaaladaasi Kwale ayadoo haatana laga cabsi qabo in dilka loo geystay dartii dabley badan oo Kenyan ah ay ka cabsadaan inay isa soo dhiibaan.