Koboca Tirada Soomaalida Iyo Qabyaaladda – W/Q. Maxamed Faarax Khusuusi

0
62

Koboca tirada bulshada adduunku xawaare ayey ku socotaa weliba sannadihii ugu danbeeyey. Waa 7 milyaardi (bilyan). Anigu intaan noolaa ayaa labo milyaardi oo qof ku soo

M khusuusikordheen adduunka. Qayb ayey ka tahay soomaaliduna korodhkaas tiro, walow aan la hayn tirokoob la isku halayn karo, haseyeeshee qiyaasuhu waxay sheegayaan 15 ilaa 20milyan. In tirada soomaalidu si xawli ah u kordhayso waxaad ka garan kartaa Soomaaliya waxay ku jirtaa shanta dal ee ugu carruur dhalashada badan adduunka. Gabadha soomaalida ah ee qaangaadha waxaa laga filayaa iney adduunka kusoo kordhiso 6 qof.

Tirada kordheysa ee adduunku dad badan ayey welwel ku haysaa oo leh “dhulku dad intan kasii badan ma xamili karo waxsoosaar ahaan iyo cimilo ahaan labadaba”. Innagu taasi dhib uma aragno oo waxaynu ayidsannahay in qof walba risaaqaddiisa Ilaahay u qorey, qof dheeraad iyo marti ku ah dhulkan uusan jirin.  Iimaanka ka sokow, horta waxsoosaar yuu dhib ku hayaa! dalabkii bariiska Hindiya, baasta Talyaaniga iyo caanoboodhaha Holan ayeynu kordhineynaa uun. Malahayga ta inagu haysa dhib taa ka wayni waa tu kale!?

Nin akhyaar ah oo aan saaxiibbo ku nahay Facebook ayaa soo qorey “ Markasta oo qof soomaali ah adduunka kusoo kordho waa qabyaaladdii oo kor u kacda”. Qaramada midoobeyna waxay sheegtey in 70% soomaalidu da’doodu ka yartahay 30 jir. Halkaa waxaad ka garan kartaa in tarantu si dhakhso ah u kici doonto ama imikaba u socoto. Haddii aynaan da’yartaa soo koreysa iyo kuwa soo dhalanaya, oo tiradoodu tahay dhallintii ugu badneyd abid ee soomaali yeelato, aynaan qorshe iyo ku talo gal ka yeelan, waxay soo kordhinayaan khasaare, burbur hor leh iyo in qabiilladu sii bataan. Waxayna la kulmi karaan, iskuna geysan karaan dhibka haddeer ina haysta ku ka baaxad weyn, sababtoo ah haddii ay dhex yimaaddaan bulshada wasakheysan ee xiqdiqa iyo qabiilku la fogaadey iyaguna halkaas ayey kala sii miisayaan. Haddaba sow caqliga fiyoobi maaha in innagu aynu sidan isku dhaannaa iyagana ku tallo galnaa. Saas darteed waa in isbeddel lagu sameeyaa waxyaalo badan oo ina hortaagan oo aynu u haysano dhaqan lama dhaafaan ah.

-Iskuullada ayaa ah meelaha isbeddelka laga bilaabi karo.

Qaabka carruurteena aynu u korino, waxna u barno ayaa u baahan in wax badan laga beddelo. Bulsho kastaa waxbarashadeeda waxay sal iyo udub dhexaad uga dhigtaa bulshada ay rabto iney soo saarto. Innaga ta aynu ku sugannahay maanta marka loo eego, waxba ina tari mayso in carruurta lagu dhegobarjeeyo taariikhdii reer Yurub, fikradii qaloocneyd ee Charles Darwin iyo juquraafiga Jasiiradda Carabta, ta aynu u baahannahay waa in carruurta lagu ababiyo wanaagga wada noolaanshaha, midnimada/wadajirka, soomaalinimada, nabadda, xumaha qabyaaladda iyo eexaysiga.

Ardeyda in loo fasaxo dooddaha si ay ula qabsadaan fikradahooda iney bandhigi karaan, ee aan waxuun lagu shuban.

Anigu Intii aan iskuul dalkii ku yaal soo dhiganayey waligayo dood na looma qaban, weligayana xummaha qabyaaladda iyo wanaagga wada noolaanshaha macalinku nagalama hadlin. Haa, waligayo wax xaashiyaha buugga casharka laga bixinayo ka baxsan lagagama hadlin fasalkayaga, hal daqiiqo wax ka badanna cid aan macalinka ahaynina ma hadlin.

-Qoqobka qabiilka in la baabi’iyo:

Dad badan ayaa u haysta in qoqobka qabiilku yahay wax aan laga gudbi karin. Waa laga gudbi karaa ee ku dhac ayey u baahantahay.Qofka soomaaliga ah qabiilku waa u gabbaad uu ka galo mid kale oo soomaali ah dulmigiisa.  Qofkaasi haddii uu heli lahaa dawlad sharaftiisa iyo dhiigiisa ilaalisa inuu ka maarmi lahaa hoos galka qabiilka, ama haddii koritaanka iyo caqliga ka wax weeraraya la kobciyo wuu ka maarmi lahaa inuu soomaali kale dhiigiisa u hamuumo. Labaduba waa xal, iskuna sidkan oon kala maarmin, waana in isku si loo baadi doonnaa.

Balan qaad buuxa uma haysano ineynu qabyaaladda iyo qoqobka qabiilka ka xoroobayno haddeynu hoggaan fiican helno. Hoggaanku xilka muddo kooban ayuu hayaa, waxase joogtada ahi waa bulshada hab dhaqankeeda iyo wada noolaashanheeda. Haddii labadaasi ay cagoadag ku taagnaan waayaan oo odey afmiishaar ahi hadal uu yidhi dhiiga kicinayo, halaagga iyo baaba’u bulshadaas waxay iskugu beddelaan sida hadhka labadiisa gelin.

Soomaalida qurbaha joogta ee nabadgelyadooda iyo waliba calafkooda qaarkood dalalka ay ku noolyihiin ay xilkooda qabaan, miyaaney ka maarmi karin qabiilka? Haa, way ka maarmi karaan ee bulshadeena ayaan u baran in wixii hore ee ay qaban jireen iney isbeddel ku sameeyaan. Taa beddelkeedii wuxuu noqdey in qurbuhu ahaado meesha laga xawilo qabyaaladda iyadoo lacag ah iyo si kale ahba. Isbeddelku inuu qurbaha ka bilaabmaa.

Horta sideedaba ma dhici kartaa in qofku hoos galka qabiilka ka maarmo mase dhacdey?Haa, way dhici kartaa, waa se haddii geesinnimo iyo niyad isbeddel doon ah lala yimaado. Waxaana tusaale u noqon kara; Foosiya Yuusuf buugga ay aabaheed ee ka qortey “Geeddi Nololleedkii Yuusuf X. Aadan 2007” ayaa waxay ku xustey in aabaheed markii uu ka yaabey heerkulka reeraysigu mareyo in uu Ingiriiskii dhulka ka talineyay warqad u qortey kuna ogeysiiyey in uu nabadgelyadiisa u wakiishay taliska, kana kaaftoomey qabiilka. Waa tusaale qiimo leh.

Xalku waa in isbeddel dhab laga yahay falankiisa la galo. Qabyaaladda lama baabi’in karayo ilaa derbiyo waaweyn oo aynu maanta u haysano iney yihiin kuwa ugu wanaagsan aynu dumino; Odayaal dhaqameedka oo kale. Halkii bulshada la jeclaysiin lahaa nabadda iyo wada noollaansha ayaa la baray iney karaameeyaan madaxii ama horjooggayaashii qoqobka iyo kala qaybinta, magacaad doonto ugu yeedh, ugaas, suldaan, iimaam, garaad iwm. Waa waagii kacaanku talinayey oo kale oo halkii bulshada dalka iyo nabadda la jecleysiin lahaa ayaa “aaboow siyaad” iyo jecleysiinta madaxwaynaha lagu mashquuley.

Arrinta naxdinta lihi waxaa weeye caqliga soomaalida ee qabiilka ku shaqeeyaa wax isbeddel ah kuma dhacaan, oo waa tabtiisii markii geellayda la wadaa ahaa inuu sii xumaado mooyee. Laakiin tiradooda iyo agabka ay adeegsan karaan ayaa sii kordhaya siina horumaraya. Agabka casriga ah ee la adeegsadey waxaa ka mid ah warbaahinta. Waxaynu mareynaa reerku maalintuu dagaal gelayo in tiifiiyada laga baahiyo.

Dhulkii reeraha tirada yar isku haysan jireen maanta waxa uu dhaxeeyaa dhowr malyan. Boqol sanno dabadeena waxa uu u dhaxeyn doonnaa malaayiin. Haddii aan caqligan maanta is beddel ku dhicin, jiilka danbe dhaqan xun ayeynu u gudbin doonnaa (sida jiilkaygan loogu soo gudbiyey oo kale), wax ayna shaqo ku lahayn sameyntooda iyo fikradeeda ayey isku xareyn doonaan.

Maxamed Faarax Khusuusi

Xigasho:

  • “Geeddi Nololleedkii Yuusuf X. Aadan” 2007 Foosiya Yuusuf.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here