“….. [Xukuumadihii] Waagii Hore Wasiirka Madaxtooyadu Karraani Madaxweynuu Ahaan Jiray, Laakiin Anigu Maxamuud Xaashi Xil Umaan Haynin”
“Anigu Siyaad Barre Oo Dhinac Waa Nin Daarood Ah Aad Idinku [Isaaq] Tidhaahdaan, Dhinacna Uu Inaadeerkay Labaad Oo Wasiirka Tacliinta Ahaa Qabo Inantiisa Ayaan Diiday Siday Wax U Socdaan Oo Aan……”
++++++++++
“ Waxaa La Yidhi Cimri Tegey Ceeb Laguma Sagootiyo, Rag Badan Baa Laga Yaabaa Inay Suuqa Ka Leeyihiin Qof Iyo Laba Iyo Saddex Wax Maleegay Ayaa [Baashe]……”
+++++++++++++
“Xukuumadda Ceebteeda Inaan Bannaanka Ka Sheeg-sheego Ma Doonayo Oo Waa Tii Aan Ka Tirsanaa, Laakiin Inaan Madaxweynaha Arko Haddaan Awood U Waayo Daniba Wey Odhan [Waayo] Haddii Foolli Timaado…’
Mr. Baashe Cali Jaamac, Wasiirkii Ay Xil-ka-qaadistiisu Ugu Hadal-haynta Badnayd ee Wasaaradda Biyaha Oo Amuuro Ka Duwan Iyo Xogo Qarsoonnaa Ka Hadlay
Hargeysa (Hubaal):- Wasiirkii hore ee wasaarada biyaha Somaliland Muddane Baashe Cali Jaamac oo maalintii shalay warbaahinta la hadlay ayaa ka warramay amuuro kala duwan oo xil ka qaadistiisii iyo xaalladaha dalkaba ku dhereran. Baashe Cali Jaamac, waxaa uu sheegay in maadaama oo intii uu xilka hayay uu eedaymo kala gedisan u jeediyey xukuumadda aanu maanta haba yaraatee wax dhaliilo ah warbaahinta u marinayn. Dhinaca kale wasiir Baashe Cali Jamaac waxaa uu sheegay in aanu wasiirka madaxtooyadu aanu isagu xil u dhiiban markii hore oo madaxweyne Siilanyo uu xilka u dhiibay maanta uu xilkii ka qaaday. Ugu horeyn Baashe Cali Jaamac oo Wax laga weydiiyey xil ka qaadistiisii waxaa uu yidhi “Xilka horta madaxweynahaa ii dhiibay oo waa meerto oo in uu Ii magacaabo xil iyo in uu iga qaadaba xaq distoori ah buu u leeyahay, arrin caadi ah ayaanan u arkaa, xilka la Iga qaadayna dee xilkii qaranka oo dhan maha ee waa xilkii wasaaradda biyaha oo keliya, xil-wareejintiina waan diyaar gareeyey guddidii tiring lahayd oo toddoba xubnood ka kooban, kuwaas oo kala ah shan agaasime waaxeed iyo kusimaha agaasimaha guud iyo la taliye wasaaradda ahaa oo khaas aniga ii ahaa xagga biyaha, xilkiina way diyaar garaynayaan aniguna wasiirkii cusbaa waan u hambalyeeyey oo dhawaan ayuu isaguna Nayroobi ka imanayaa oo waa nin aanu isku deegaan kasoo jeedno.” sidaas ayuu yidhi Wasiir Baashe. Waxaa kale oo su’aalihii ay war-fidiyeennadu weydiiyeen kamid ahaa Mr Baashe Cali Jaamac in xilka qaadistiisu ay salka ku haysay khilaaf siyaasadeed oo isaga iyo wasiirka madaxtooyada u dhexeeya, kaasi oo sababay in xilka laga qaado, waxa uu Baashe Cali Jaamac uga jawaabay si kooban isaga oo yidhi “Dee haddii intii aan xilka hayay sheegay arrimahaas waxaa ay ila tahay inaanay jirin sabab aan maanta ugu celiyaa mar haddaan xilkii ka tegey, waayo waxaa la yidhi Cimri tegey Ceeb laguma sagootiyo, laakiin koleyba rag badan oo madax ah oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo aan aniguna wali ka tirsannahay iyo kuwo kale oo xisbiyada qaranka ah oo aanu is aragnayba dhammaantood wey ka xumaadeen inaan xilkaas ka tago ama uu madaxweynuhu iga qaado, waxaan laakiin aniguna u sheegay inaanay taasi [xil-ka-qaadistu] iga bedelayn mabaadii’daydii iyo wixii aan aaminsanaa iyo hawshii ahayd inaan isku soo xidho beeshayda iyo Somaliland intayda kale, haddii aan wax kale dhicinna illaa hadda anigu waxaan ka tirsannahay xisbiga KULMIYE, Somaliland-na kama tagayo, rag badan baa laga yaabaa inay suuqa ka leeyihin qof iyo laba iyo saddex afka isa saar-saaray oo wax maleegay ayuu [Baashe] Uga tegayaa Somaliland.. arrintaasi waa waxbakama jiraan ayaan leeyahay waayo Somaliland anigu raggii wax ka aasaay baan ahay, waxaan ahaan jiray wasiirkii ugu horreeyey ee xanaannada xoolaha aasaasay 1991-kii iyadoo [wasaaraddu] hal qol ah oo inta kalena [dhismaha] ay ri’yo iyo dad ku jiraan. Waxaan ahaan jiray wasiirkii wasaarada macdanta iyo biyaha 1994-97-kii waqtigii Marxuum Cigaal, xilkanina waa xilkii ugu horreeyey ee anigoo wasiir ah layga qaado, kuwa kale anigaa ka tagay had iyo goorna mabaadii’dayda iyo xilku iskuma xidhna, haddaan xil hayo uma dhawrsado inaan mabda’aan aaminsanaa ka tago”. Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Biyuhu. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu intaa ku daray “Warka aan immika sheegayaa kuma dhamma warkaygu oo war badan oo kale ayaan sheegi doonaa, laakiin tan aad maanta qod-qodaysaan [Khilaafka] ma rabo inaan ku sii degdego. Anigu KULMIYE ayaan ahay, xukuumadduna waa tii aan ka tirsanaa oo ceebteeda inaan banaanka ka sheegsheego ma doonayo, laakiin waxaan rabaa in waxyaabahaas dhacay si aan wax uga toosin karo inaan madaxda qaranka inaan meello aan Media-ha ahayn aan kala hadlo oo wixii aan tabanayo ee khaldan aan ka sheego. Waxaaba’se la yidhi haddii Foolli timaado gudo qarsiimmo hadhay oo haddii aan awood u waayo inaan madaxweynaha arko oo aan awood u waayo inaan madaxda ku qanciyo waxyaabo badan oo aan sheeganayo iyo hanta iga maqan baa jira dee daniba way odhan inaan Media-ha ka sheego.”. Baashe Cali Jaamac waxaa kale oo uu ka sheekeeyey dhacdooyin la xidhiidha mabda’iisa iyo taliskii Maxamed Siyaad ee Soomaaliya ka talin jiray “Anigu Siyaad Barre oo dhinacna la yidhaahdo waa nin Daarood ah oo waa dawladoodii aad idinku [Isaaq] tidhaahdaan, dhinacna uu Inaadeerkay labaad oo wasiirka tacliinta ahaa Cabdillaahi Maxamed Mire uu qabo ina Siyaad Barre [gabadh uu dhalay Siyaad Barre] ayaan diiday siday wax u socdaan oo aan tegey illaa Balli-gubadle, Maxamed X. Ibraahin Cigaalna laba jeer ayaan xilkiisa iska casilay oo mar walba waa laygu celiyey, markii dembena anoo wasiir ah ayaan la tartamay Daahir Rayaalle Kaahin [Doorashadii 1997-kii] oo aanu annagu markii aanu Laascaannood Joognay ee SNM Dalka Soo gashay kamid ahaa raggii Burco iyo Berbera kasoo qaxay, kuwaas oo aanu annagoo weftigii Garaad Cabdiqani ah kasoo kaxaynay oo dib u geynay Boorama, ayaa doorashadaas 1997-kii, iga helay tartankii Madaxweyne ku xigeenka. Markaa Muddo Labaatan sanno ah mucaarad baan ku noqday Somaliland oo SSC baan wax ka aasaasay, oo KHAATUMO ayaan kamid ahaa, markii aan taana arkay inaanay sidii dadkaygu rabay u anfacayn oo u socon waxaan is idhi Somaliland Mar kale ku noqo si aad dadkaagii isugu soo xidhi karto, immikana in badan baa isku soo xidhan tay inta kalena qorshaheedii waa noo dhigan yahay”. Ayuu yidhi Wasiir Baashe. Marse la su’aalay inuu jiro khilaaf u dhexeeya Wasiirka Madaxtooyada iyo Isaga, waxaa uu yidhi “Su’aashaas waxay ila tahay inaad isaga weydiisaan, waayo anigu Maxamuud Xaashi Xil Umaan haynin waa wasiir aniga ila mid ah wasaaradda Madaxtooyaduu hayaa, anigu waagii hore ee aan xilka hayay wasiirka madaxtooyadu wasiir Caadi ah oo Karraani madaxweynaha u ah buu ahaan jiray, markaa bal dee saaka [shalay] ayuu isagu [Maxamuud XAashi] kasoo noqday Dubai ee bal weydiiya su’aashaas”.