Lix kun oo qoys raashinkood, Cisbitaalo, Iskuulo iyo Rugo Booliis oo laga gaadhsiiyey
Taleex(Hubaal) Kolonyo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano Somaliland ah ayaa gaadhay maanta magaaladda Taleex ee dhawaan Somaliland ka qabsatay Maleeshiyadii Khaatumo ee ka amar ku taaglayn jirtay.
Weftiga ka socda Xukuumadda Somaliland iyo Golayaasha Qaranka oo uu hormood u yahay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, isla markaana Gadh-wadeen ka yihiin Xildhibaanada Golayaasha Guurtidda iyo Wakiiladda ee Gobolka Sool ayaa si rasmi ah u gaadhay magaalaadaasi, waxaana lagu wadaa goor dhaw in ay Dadweynaha la hadli doonaan.
Wararka ka soo baxa xukuumadda ee weftigani la shir tageen Taleex ayaa sheegaya in dadweynaha deegaankaasi la gaadhsiin doono Mashaariic dhawr ah kuwaas oo la xidhiidha adeegyada Bulshada sida Caafimaad, Waxbarasho iyo Booliis.
Sidoo kale, waxa ku wajahan magaaladda taleex Gadiid sida Lix kun oo qoys raasjinkood, kuwaasoo kaabiga u saaran inay gaadhaan marka weftigu dhamaysto kulamada uu la leeyahay Dadweynaha iyo masuuliyiinta deegaankaasi.
Weftiga Wasiiradda ah oo ka kooban Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka Madaxtooyadda, Wasiiru-dawlaha arrimaha Nabadeynta Gobolladda Barri, Xildhibaan Indho Indho, Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo saraakiil Ciidan oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, ayaa Lugtoodii hore xalay ku galay Magaladda Xudun, halkaas oo ay iyana saaka Guddoonsiiyeen Mashariic dhawr ah.
Si kasta ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland ayaa u xadhko xidhatay sidii ay deegaanada ay ka saartay Khaatumo gacanta ugu dhigi lahayd isla markaana uga hirgalin lahayd mashaariic dhinaca Maamulka Dawliga ah, si aanay ugu soo noqon kooxdaasi goobaha laga qabsaday.
Dadweynaha Xudun iyo Taleex ayaa lagu soo waramayaa inay si weyn usoo dhaweeyeen Weftiga Somaliland.