Hargeisa-(Hubaal)-Gudoomiye xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Ucid Cali Guray ayaa ka biyo diiday Xulashada Hogaanka Cusub ee Komisninka doorashooyinka Somaliland wuxuuna Boggisa Facebook-ga soo dhigay Qormo uu ku naqdiyaayo arintaas.Waana tan qormadii oo dhamaystirani:-
KOMISHANKA CUSUB MA BAARIGAYO!! mujaahid Cali Guray
Ilaahay sida khayrka leh ha ina waafajiyo dhamaanteenba eh Koomishankii cusbaa waxa la dhaariyay shalay oo ahayd maalintii sagaalaad tan iyo markii ay wakiiladu ansixiyeen. May jirin sabab macquula oo sagaal maalmood ay u qaadan karaysay ansixintoodu waxa aanay taasi dhalisay shaki. Aniga oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay waxan ka wadi waayay ama ku qancay in sababtu ay tahay Madaxtooyada oo ku hawlan in Gudoomiye iyo ku xigeen dhinaceeda laga daaro ilaa ay isla ogolaadaan aan la dharinin. Shalay markii la dhaariyay isla maantaba waxay iska dhex doorteen Gudoomiyihii iyo ku xigeen ay ugu dhan tahay KULMIYE iyo Madaxtooyadaba lakiin ay labada xisbi ee mucaaridka ihi dhinacooda ay ka biyo diideen. Taas oo Komishankan ka dhigaysa kii ugu horeeyay ee isla maalintii ay is doorteen iyaga oon hawlba gelin lagu qaybsamo. Sua’aashu waxay tahay waayo?
Dhawr sababood ayaa loo nisbayn karaa oy midi tahay sababta sideed maalmood loo diiday in la dhaariyo oo dabcan noqonaysa madaxtooyada aynu wada naqaano inta ka talisa oo iyagu doonayay in Gudoomiye iyo ku xigeen ay iyagu wataan la doorto. Tii oo sida mucaaridku qabo u hirgashay.
Waa tan labaad eh marka aynu dib u eegno inta badan Komishanadii hore gudoomiyuhu waxa uu mar walba ahaa xubin uu madaxwaynuhu soo xulay maantase maaha.
Waa ta sedexaad eh madaxwaynuhu markii uu mucaaridka ah sedex xubnood oo isagu uu soo magacaabay ayaa loo doortay Gudoomiye ku xigeen si Komishanku kalsoonida muxaafidka iyo mucaaridkaba u heli karo. Waxa noqday Gudoomiye ku xigeen Cali Biikalo oo Axmed Silanyo uu soo magacaabay isaga oo mucaarid ah, waxa noqday Xirsi iyo Cali Kubado oo iyaguna ahaa xubno uu Axmed Silanyo oo Gudoomiyaha KULMIYE ihi uu soo magacaabay. Daahir Rayaale oo Madaxwayne ahaa isaguba hadii uu doonayo in Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisuba ay noqdaan shanta xubnood ee kale een ahayn labada xubnood ee mucaaridka wuu karayay lakiin dabcan wuu ka xishooday inu sida Silanyo yeelay uu yeelo.
Anigu Komishanka ma baarigayo hadana waan aaminayaa oo waxan ku aaminayaa dhaartii ay dhaarteen hadii ay dar muslin ah oo run ah yihiin balse waxan anigu shakhsiyan wax ugu qaban karaa wixii aan ka arko marka hawlaha la gudo galo. Iyaga ayay u taalaa in ay wada kasban karaan kalsoonida dhinacyada ay u garsoorayaan muxaafid iyo mucaaridba waxay taasina kaga xidhan tahay hadba sida ay dhex ugu noqdaan dhinacyada tartamaya oo dhan taas oo an u soortogeli doonin hadii aanay hawlahooda si madaxbanaan u wadanin ee hadaba sida madaxtooyada ay u raali gelinayaan uu arinkoodu noqdo.
Anigu todobada xubnood ee Komishanka cusub kuma jiro mid keliya oon shakhsi ahaan u diidanahay lakiin shaki badan ayaan ka qabaa guushooda wadar ahaan waayo waxan ka mid ahay inta sida fiican u garanayso dadka maanta talada somaliland ay gacanta u gashay oo ah kuwii guulihii doorashooyinka Somaliland u mar keliya u rogay guuldarada markii ay doorashadii ugu horaysay xiliga Madaxwayne Silanyo noqotay DOORASHADII GUUL DARADA ee dhiiga muwaadiniinta lagu daadiyay. Waxan xusuusanahay wax is daba marintii dhacday iyo ku shubashadii iyo ka shubashadii. Maanta iyagoo kuwii taa dhigay ee sababta lahaa aanay xataa canaan ku mutaysanin ee weliba laga yaabo inay amaan ku mutaysteen maxa laga fili karaa doorashadan ay durba muuqato faro gelintoodii ugu horeysay?
Ugu dambaystii hadii Komishankan ay dhex noqon waayaan xisbiyada mucaaridka ahna ka diidaan HANOO EEXANINA OO HA NAGA EEXANINA maaha cidda la waayi doonaa xisbiyada mucaaridka ah ee waxa dhici kara inay Komishankan galaafan karto sidii horeba u dhacday xiligii Rayaale. Waxa kale oo muhiim ah sida ay Komishankan cusubi ula shaqayn karaan bulshada caalamka gaar ahaan qaadhaan bixiyayaasha muhiimka ah ee iyagu u diyaarka ah in ay bixiyaan 80% kharashka doorashooyinka baxaya marka lagu daro mushaharka xubnaha komishanka iyo dhamaan hawlwadeenada la shaqaynayaba.