Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Iclaamiyay Qorshe Muujinaya In Doorashadu Muddo Dheer Dib U Dhacayso+Mawqifka Saddexda Xisbi Qaran

0
18

Hargeysa(Hubaal)-Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa iclaamiyay inay diwaangalinta codbixiyeyaasha bilaabi doonaan bisha July ee sannadkan ama ka bacdi Bisha Ramadaan.Diwaangalinta ayaa socon doonta muddo ku siman afar bilood, iyadoo intaas dibna ay jiri doonaan diyaar garowyo kale, wixii wakhtiyadaasi ama dhamaadka sanadkanna la go’aamin doono wakhtiga doorashadu ku qabsoomayso.

komiishanka iyo asxaabtaGuddida doorashada ayaa sidaasi sheegay kadib kulan saacado badan qaatay oo dhex maray guddida iyo xisbiyada qaranka, waxaanu afhayeenka guddida Siciid Cali Muuse oo saxaafadda la hadlay ka gaabsaday qorshahooda dib u dhaca doorashada, isagoo ku dooday inay hadda shaacinayaan kaliya qorshaha diwaangalinta.

“Wakhtiga doorashada annagu ka hadli mayno ee sidaanu idiin sheegnay wakhtiga diwaangalinta codbixiyeyaasha ayaanu ka hadlaynaa.Diwaangalintu haddii Eebbe idmo waxay bilaaban doontaa Ramadaan ka bacdi. Waxaanu isla garanay Xisbiyada inaan Ramadaan la shaqayn karan, sidaas darteed in Diwaangalinta la bilaabo marka Ramadaan dhamaato amaba bisha July Aakhirkeeda. Diwaangalintu waxay soconaysaa afar bilood. Waxa ku xigi doonta bil iyaduna noqonaysa bishii wax la kala saarsaarayay oo dadkii iyo qalabkii la soo diwaangaliyay oo dhan halkan iskugu iman doonaan” ayuu yidhi Afhayeenka Komishanku.

Afhayeenka Komishanka Siciid Cali Muuse, oo la waydiiyay dib u dhaca doorashadu waxa uu ku jawaabay “Annagu idin odhan mayno doorashadu dib bay u dhacday, laakiin, waxaanu ka hadlaynaa waa diwaan galin idinku sidaad doontaan u fasirta wakhtiga doorashada”

Saddexda Xisbi qaran ayaa iyaguna sheegay inay komishanka la qaateen Qorshaha diyaarinta doorashada. Cabdirashiid Riyo-raac iyo Cabdinaasir Qodax oo u hadlay Ucid iyo Waddani, iyo Jaamac Shabeel oo u hadlay Kulmiye ayaa sheegay inay isla waafaqsan yihiin hawlaha guddida doorashadu ku diyaarnayso Doorashada iyo diwaangalinta.

Qorshaha Komishanka ayaa u muuqda mid dalka doorasho ka suuro galinaya ugu horayn badhtamaha sannadka dambe,taasi oo mataano la noqonaysa doorashada Somalia ee reer galbeedku dabada ka riixayo.

Mawqifka Dib u dhaca Doorashada ee Saddexda Xisbi

Xoghayaha Xisbiga Ucid Cabdinaasir Qodax ayaa iftiimiyay mawqifkooda dib u dhaca doorashada “Arrinta 26-ka June, waad ogaydeen todobaadkii hore waxaanu labada Xisbi iyo Madashu isla waafaqnay wixii laga yeeli lahaa wixii ka dambeeya 26-ka June mawqif cadna waanu ka qaadanay, arrinkana wax uu ka bedelayo Mawqifkayagii ma jiro laakiin, kan aanu isla qaadanay waa kii diwaangalinta. Way caddahay doorashadu inaanay dhacayn 26-ka June wixii aanu ka yeelaynayna waa nagii Guddida u saarnay”

Cabdirashiid Riyo-raac, xoghayaha qorshaynta ee Xisbiga Waddani ayaa isna soo bandhigay mawqifkooda dib u dhaca doorashada ku yimid “Doorashadu maanta uun dib umay dhicin ee horaa dib loogu riday, 26 June Qaranku maaha uun Komishanka, Komishanku hawshoodii bay qabsanayaa laakiin, 26 June wixii ka dambeeya talo qaran baa la iskugu imanayaa, Miiskaana la iskugu imanayaa”

Gudoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa isna Mawqifka Kulmiye soo bandhigay “Doorashada dee Illaahay baa dib u ridaye, sawtaa dib iskaga dhacdayba, markaa annagu haddii bari la yidhaa waa doorashadiina diyaar baanu nahay, haddii 2022-ka la yidhaana diyaar baanu nahay. Dib u dhaca doorashadana Sharciga dalka u yaala ayuun baa loo raacayaa” ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland Ucid iyo Waddani iy Madasha Wadatashiga ayaa dhawaan sheegay inaanay Xukumadda iyo Wakiilada Aqoonsan doonin wixii ka dambeeya 26-ka June oo wakhtigoodu ku eeg yahay. Waxa ku baaqeen in la kala diro golaha xukumadda iyo kan wakiilada, sidoo kalena Xukumad lagu kalsoon yahay la dhiso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here