Komishanka Doorashooyinka JSL Oo Ku Guleystay Nidaaminta Goobaha Codbixina Doorashada Madaxtinimada Dalka

0
407

Tirada Goobaha Sanaaqduuqda Codka La Dhigayo Dhaman Gobolada Jamhuriyada Somaliland

Waxaa uu komishanka Qaranka Doorashooyinku Soosaray Goobaha La Dhigayo Sanaaduuqda Codbixinta, Dhaman Gobolada Somaliland iyo tirada ka codeynaysa dhaman gobolada dalka.

No Gobolka Tirada Codka Gobolkasta Percentage

Codka Goblkasta

Tirada Goobaha Laga Codeynayo Percentage

Goobaha cod bixinta

1 Maroodijeex 249,229 35% 535 33%
2 Togdheer 147,440 21% 319 19%
3 Awdal 102,571 15% 234 14%
4 Sanaag 80,334 11% 209 13%
5 Saaxil 60,817 9% 138 8%
6 Sool 63,698 9% 207 13%
TOTAL 704,089 100% 1,642 100%

Source: – NEC, 2017.

Gobolka maroodijeex ayaa ah Gobolka ugu codka badan dhaman gobolada dalka, tirade ka codaynaysa Gobolka maroodijeex waa 249,229 oo u dhiganta 35% , goobaha cod bixinta Gobolka maroodijeex waa 535 goobood una dhiganta 33% marka loo eego dhaman gobolada kale (NEC),2017 . Gobolka togdheer oo ah Gobolka labaad ee ugu codka badan dhaman gobolada dalka ayaa waxaa ka coday doona 147,440 oo u dhiganta 21%, goobaha la dhigayo Sanaaduuqda codbixinta ayaa ah 319 oo u dhiganta 19% marka loo eego dhaman gobolada kale. (NEC), 2017. Gobolka sadexaad ee ugu codka badan ayaa ah Gobolka Gobolka Awdal Waxaana ka codeyn doona 102,571 oo u dhigana 15% marka loo eego dhaman gobolada kale, haka tirada sanaaduuqda codbixinta ama goobaha loogu talo galay in laga codeeyo ay yihiin 234 goobood oo u dhiganta 14% marka loo eego dhaman gobolada kale (NEC), 2017. Gobalka afaraad ee ugu codka badan ayaa ah Gobolka Sanaag waxaana ka codeyn doona 80,334 oo u dhiganta 11% marka loo eego dhaman gobolada kale , halka goobaha laga codeyn doonaa ay yihiin 209 goobood oo u dhiganta 13% marka loo eego dhaman gobolada kale (NEC),2017. Gobolka saaxil ayaa waxaa ka codeyn doona 60,817 oo u dhiganta 9% marka loo eego dhaman gobolada kale, tirada loogu talo galay in sanaaduuqda codbixnta lag dhigo waa 138 goobood oo u dhiganta 8% marka loo eego dhaman gobolada kale, (NEC),2017. Halka Gobolka ugu bari yeysan jamhuriyada Somaliland uu yahay Gobolka sool ayaa waxaa ka codeyn doona 63,698 oo u dhiganta 9% marka loo eego dhaman gobolada kale, halka tirada goobaha codbixinta loogu talo galay ay tahay 207 oo u dhiganta 13% boqolkiiba marka loo eego dhaman gobolada kale.

Tirada guud ee codayn doonta dorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waa 704,089 halka tirada goobaha loogu talo galay in laga codeeyaaa ay tahay 1,642 Goobood. (NEC), 2017.

Waxaan Bogaadin iyo Hambalyo u dirayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo door muhiimka ka qaatay dar,dar gelinta doorashada madaxtinimda Somaliland oo 13-11-2017 ka dhici doonta dhaman gobolada Somaliland, Waxaa an indhaha laga qarsan Karin habka farsahaxnimada iyo shaqo wanaagu ka muuqata ee ay u wadaaan sidii ay doorashada Somaliland ugu qabsoomi lahayd nabad gelyo iyo guul.

Ma ogtahay muwaadin in koomishanka Dorashooyinka Qaranka Somaliland uu ku guuleystay in uu u maamulo doorashada madaxtinimada sidii ugu haboonayd abid ,isagoo isticmalaya qalabka ugu casrisan ee codbixiyayaasha loo adeegsado (iris Biometric voter registration). waxaanay ka hor tageen qaladaadkii inaga iman jiray doorashooyinkii hore, waanan ku hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan waxaanan leeyahay in yar ayaa hadhaye alle ha idin ku astur shaqadaa adag ee masuuliyadeeda leh ee aad qaranka u haysaan.

 

Maanta Qaranka Somaliland Wuxuu u baahanyahay Jihaad Qalin oo lagu gaadho Ictiraaf buuxa.

Hadii Qori Wax Dili Jiray Qalinkaa Ka Dhagar badan.

 

ALLAA MAHADLEH

 

 

By: – Mohamed Abdirahman Hussein (Xato)

MA in Project Planning and Management

E-mail:- Mohamedxato26@gmail.com

Tel_ +252634072688 / +252634159347 / +252634150043

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here