“Komishanka Doorashooyinku Qaranku waxa uu si cad u qeexayaa inaanay SONSAF Lahayn Awood Sharciyeed [Mandate] Oo Ay Ku Abuuri Karto Guddi Xalisa Khilaafaadka Doorashooyinka, Cabashooyinkuna Waxay Leeyihiin Habraac Iyo Jaranjarro Loo raaco”
Hargaysa, (Hubaal) – Guddida doorashooyinka qaranka somaliland ayaa ganafka ku dhuftay guddi ay magacawday dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF. Dallada SONSAF ayaa sheegtay inay guddidaasi u xil saaran tahay xalinta wixii khilaafaad ah ee ka soo baxa doorashooyinka somaliland balse guddida doorashada ayaa guddidaasi ka hor timid.
warsaxaafadeed ka soo baxay guddida doorashada qaranka oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Komishanku Siciid Cali Muuse oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Wargeyska HUBAAL ayaa lagu sheegay inay sharci darro tahay guddidaasi, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:-
Gudida doorashooyinka qaranka waxa uu halkan ku cadaynayaa in gudida loogu magac daray gudida xalinta khilafaadka doorashooyinka ee ay ku dhawaaqeen dalada ururrada aan dawliga ah ee Ahayn Ee loo soo gaabiyo magacood SONSAF, sida ku soo baxday warbaahinta kala duwan tariikhdii markii ay ahayd 08/09/2016 aanay ahayn mid ku dhisan sharci.
Komishanka Doorashooyinku Qaranku waxa uu si cad u qayaxayaa inaanay SONSAF lahayn awood sharciyadeed (Maandhayt) oo ay ku abuuri karto guddi xalisa khilaafkaad doorashooyinka, cid kaliya ee u igman qarankanna uga mas’uul ah in ay xaliyaan khilaafkaadka iyo cabashooyinka doorashooyinku waa guddida doorashoyinka qaranka sida ku cad qodob ka 14 farqadiisa 7aad ee xeerka (xeerLR.20-2001).
Murranada iyo cabashooyinka la xidhiidha doorashadu waxa ay leeyihiin hab raac iyo jaran jaro dhamaystiran oo loo raaco xalintooda kana bilaabmata Goobta codbixinta loona gudbiyo xafiisyada heer degmo,heer gobol iyo heer qaran ee gudida doorashooyinka qaranka,waxaanu habracaasi ku dhamadaa maxkamada sare ee dastuuriga ah ee jamhuuriyada Somaliland.
Habracaasi lagu xaliyo wixii muran ah ee doorashooyinka ka soo baxa waxa si cad u faah-faahinaya xeerarka doorashooyinka sida xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka qodobadiisa 14 farqadiisa 7aad,49,53 farqadiisa(4), 57aad (C),59aad (3),62aad (1,2,3,),64aad (A), 65aad(1,2) iyo si waafaqsan qodobada 46aad,49aad(4),50aad(3),53aad (j), 57aad(f),49aad(c), 61aad(1,2)ee xeerka doorashada golaha waiilada (xeer Lr 20-2/2015)