Komishanku Waxaa Uu Xukuumadda Uga Digay In Ay Gaadiidka, Warbaahinta Iyo Shaqaallaha Dawladdaba U Adeegsato Sifo U xaglinaysa Dhinac keliya”
“Komishanku Waxaa Uu Labada Xisbi Qoraal Ahaan Ugu Gudbiyey Afkana Uga Sheegay Go’aamo Ganaax Lacageed Iyo Digniin Rasmi Ah Xambaarasan, Digniinta Rasmiga Ahina Way Ka Culus Tahay Ta Lacagta”
“Olole Laguma Geli Karo Gaadiidka Calaamadda Akhtarka Ah Leh Ee Dawladda, TV-g Qaranka Iyo Radio Hargeysa Waa Inay Saddexda Xisbi U Sinnaadaan, Shaqaallaha Dawladduna Ma Geli Karaan Olole La Arkayo”
Hargeysa(Hubaal):- Guddiga doorashooyinka iyo Guddiga Anshaxa doorashooyinka Somaliland, ayaa Lacag aan la garanayn nooceeda iyo caddadkeeda toona ku ganaaxay Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, kuwaas oo ay sheegeen inay jebiyeen qodobbo ka tirsan Xeerka Anshaxa doorashada iyo Kaadh-qaybinta, isla markaana si badheedh ah u sameeyey olole sharci-darro ah oo aan wakhtigiisii la gaadhin. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Shir Jaraa’id oo ay Xubno ka kala tirsan Guddiga doorashooyinka iyo Guddiga Anshaxu Hargeysa ku wada qabteen ka hadlay, ayaa sheegay inay Ganaaxeen labadaas Xisbi oo ay ku caddaatay inay si badheedh ah Sharci-jebin ugu kaceen labadii toddobaad ee dhammaaday oo ay Masuuliyiinta Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani Safarro ku mareen deegaanno ka tirsan gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer oo ay ka socotay qaadashada Kaadhadhka Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka. Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay inaanay mar dambe u dul-qaadan doonin Sharci-jebinta ay Waddani iyo Kulmiye iyo Xukuumadduba ku kaceen, isla markaana ay soo saareen go’aammo Sharci ah oo jiray, balse si cad loo baalmarayey, kuwaas oo ay ka mid yihiin inaan lagu ololayn karin Gaadiidka Dawladda, Shaqaalaha dawladdu inaanay ololayn karin, in TV-ga iyo Idaacadda Qaranka ay u sinnaadaan Saddexda Xisbi oo aan Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda oo keliya loogu adeegin. Cabdiraxmaan Cismaan Saga loo ka tirsan xubnaha komishanka doorashooyinka oo halkasi ka hadlay ayaa sheegay in guddida anshaxa kaadh qaadashadu uu komishanka u soo gudbiyey soo jeedin la xidhiidha wixii dhacay intii lagu gudo jiray kaadhqaybinta gobollada Togdheer iyo Maroodi jeex. Waxaa ay caddeeyeen oo aan ciddina kamurmayn in xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay ka sameeyeen labadaas gobol wax khilaafsan wixii lagu heshiiyey”. Sidaas ayuu yidhi Commossioner Sagal, waxaanu intaa ku daray “Komishanku waxaa uu qaatay go’aamo uu u gudbiyey labadaas xisbi iyaga oo qoraal ah afkana uga sheegay oo ah in lacag ganaax ah lagu sameeyey digniin rasmi ahna loo gudbiyey, digninta rasmiga ahina way ka culus tahay ta lacagta. Waxa kale oo komishanku uu xisbiyada u gudbiyey in labada gobo lee soo socda ee kaadh qaybinta xisbi waliba uu ku iman karo oo keliya shan baabuur iyada oo aan la ogolayn wax olole ah iyo wax calamo ah iyo wax isu soo bax ah toona”. Ayuu yidhi Komishaneerkani. Gebogabadii waxaa isaguna halkaa ka hadlay guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan warsame oo sheegay inaanay u dul qadan doonin sharci jebin dembe oo axsaabtu ku dhaqanto. ‘Uma dul qaadan doono in xisbi qaran uu jebiyo xeerkii iyo dastuurkii weliba xeerarka doorashada oo xeer lr. 20 kamid yahay, lamana ogolaan doono wax xeerkaas jebinaya iyo xeerkii anshaxa ee aynu samaysannay.” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha KOMISHANKU isaga oo ku hanjabay in wixii imika ka dembeeya ay arrimuhu is bedeli doonaan oo ay tallaabooyin adag qaadi doonaan komishan ahaan “hadda wixii ka dembeeya arrintu way kasii adkaanaysaa. Waxaanu halkan iyaga uga mahad naqyanaa oo aanu leennahay halkaa ka sii wada xisbiga UCID oo run aan u hoggaansamay xeerkii anshaxa oo si asluubaysan gobolladii kaadhqaybintu ka socotay u taga, waxaananu leennahay marka tartan la galo waa sidaas oo kale oo qofna wuu ku dhacaa qofna wuu ku faa’isaa, markaa tan waad ku faa’isteen oo waanu idiinku mahad naqaynaa. Ugu dembeyn guddoomiyuhu waxaa uu xukuumadda ugu baaqay inay ilaaliso hantida ummada inta uu ololuhu socdo “Waxaanu xukuumadda iyana aanu ka codsanaynaa olole laguma geli karo gaadiidka dawladda ee calaamadda akhtarka ah leh, shaqaallaha dawladdu iyana waa u dhex iyaguna ma geli karaaan olole la arkayo waayo qaranka ayay u dhexeeyaan, TVGA qaranka iyo radio Hargeysa labadaasna qarankaa iska leh ee waa in iyagana ay saddexda xisbi u sinnaadaan baahinteeda”. Ayuu yidhi guddoomiyuhu,. Waa markii u horreysay ee ay komishanka doorashooyinku soo saaraan awaamiir noocan oo kale tan iyo intii la gudo galay hawlaha kaadh qaybinta iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo dhabaha u xaadhaya sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi.